26th July 2024  admin  Category :

Ciidamadii laga keenay gobolka Shabeelada Hoose ee lagu qarxiyey magaalada Muqdisho ayaa boqolkiiba boqol ahaa shirqool. Dhalinyaradan ayaa u badnaa beesha Biimaal, waxeeyna shaqo fiican ka hayeen deegaanadaas, iyagoona dhulkaas ka difaacay argaggixisadda iyo beesha gobolada dhexe ka timid ee dhul ballaarsiga ka wadda Shabeelada hoose.

Sababta Muqdisho loo keenay ayaa aheed in halkaas lagu qarxiyo, waayoo ah weey ku adkaatay kuwa doonayey ineey ciidankaas deegaanadooda ku laayaan, balse Muqdisho ayaa lala yimid taas oo sahashay in la qarxiyo.

Shakiga ugu weeyn waxa uu dul hoganayaa beesha gobolada dhexe dhulballaarsiga uga soo duushay taas oo waqtigan Madaxweeyne Xasan uu jeebka ugu jiro iyaga. Hadaba sidee ayeey wax u dhacayn?

Bil ka hor ayaa la sheegay in qarax uu ka dhici doono xeradda si marka la qarxiyo dhalinyaradan loo yiraahdo qaraxa mar horaa laga digay;

Ninka ciidanka qarxiyey waxaa lagu keenay gaari ah kuwa aan xabbaddu karin, waxaana laga soo dhigay sarkaal indho indheenaya ciidanka, wuxuuna dhexmaray ciidanka dhexdooda, kadibna waa is qarxiyey;

Ciidanka in la soo raro waxaa diiday saraakiisha ciidanka qaarkood iyo guddoomiyihii hore ee Shabeelada Hoose, iyaga oo oggaa in la doonayo in ciidanka la shirqoolo;

Been waxaa laga sheegay ninka is qarxiyey, dawladdana waxeey warbaahina Carabta qaarkood ay u sheegeen in ninka is qarxiyey uu ahaa tababare ciidanka tababarayey, waxaana meesha laga saaray ninkii wax qarxiyey ee gaariga aan xabbaddu karin lagu keenay;

Markii uu qaraxu dhacay, ciidanka looma fidin wax gargaar degdeg ah, sidoo kale, dhaawacyadii cuslaa looma qaadin dalka dibadiisa, waxaana qorshaha uu ahaa in ay wadda dhintaan kulligood;

3 sarkaal oo u dhashay beesha Raxanweeyn ayaa la xiray inta la ogyahay sarkaal kale oo kamid ahaa ragga eedeeysan oo u dhashay beesha Habar Gidir ayaan la soo xirin, waxaa Iyana aan la soo xirin raggii illaalinayey xeradda, talliyihii illaaladda, saraakiishii lahayd amarka ciidankan lagu soo qaaday iyo iyadoon la soo qaban baabuurkii keenay ninka is qarxiyey.

Waxaa markii qaraxu dhacay lala xiriiray dhammaan warbaahinta, iyaga oo loo sheegay in warka qaraxaas aysan tebbin, waxaana warbaahinta loo qeeybiyey lacag. Qaraxyada kalle marka ay dhacaan, markiiba gurmad ayaa loo diraa, dhaawaca culus dalka dibadiis ayaa loo qaadaa, ehelka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa ka qeeyb qaata, madaxda ayaa isbitaalada booqata, balse qaraxaan waa mid ka duwan dhammaan qaraxyadii horay u dhacay.

Waxaa la diiday in qaraxaas wax baaritaan ah lagu sameeyo, waxaana qorshaha uu yahay in dhacdadaan foosha xun ee dhallinyaradaa lagu wanjalay qashinka lagu darro. Hadaba, baarista arrintaas ku saabsan oo faahfaahsan fadlan muuqaalka hoose kaga bogo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*