Labada qodob ay isku afgarteen madaxda ururka IrirIrir samaale ayaa mid ka mid ah show iyo sodon sano ka hor ay ka wada hadleen Caydiid iyo Tuur, kaas oo ahaa in beesha Hawiye madaxweyne qaataan , halka beesha Isaaq iyaguna ay qaataan ku xigeenka.
Labadan qodob ayaa kala ah:
IN beesha ISAAQ oo qura isu sharaxi karo madaxweyne ku xigeenka Soomaaliya, oo sida la sheegay aawadiis dhowaan Dastuurka SOOMAALIYA loo bedelayo.
Qodobka labaad ayaa ah in la kala dilo beelaha Dhulbahante io Majeerteen. oo beesha Dhulbahante lagu xiro Koonfurta Soomaliya
‘Cabsi baan ka qabnaa gantaalada Xuutiyiinta, Amniga Babul Mandab na waxa uu ku xiran yahay Qasa’: Raysal wasaaraha Jabuuti oo farriin u diray Mareykanka iyo Xuutiyiinta
Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay xiisada ka aloosan marinka badda ee ugu muhiimsan dunida ee Babul Mandab iyo Badda Cas iyo dagaalka ka socda Qasa.
Kooxda Shiicada ah ee ay hubeysan Iran ee loo yaqaan Xuutiyiinta ayaa weeraro ku qaaday maraakiib ganacsi oo la la xiriirinayo Israel, iyaga oo sidoo kale gantaalo ku tuuray Israel iyo saldhigyo uu leeyahay Mareykanka.
Kooxdu waxay sheegtay inay weeraradaas uga falcelineyso dagaalka iyo duqeymaha ay Israel ku heyso marina Qasa ee dhulka Falastiin.
Laakiin ugu yaraan sideed ka mid ah dalalkaas xubnaha ka ah isbaheysiga Mareykanka ayaa diiday in magacyadooda la shaaciyo, iyaga oo ka walaacsan sida qorshahan u sameyn karo dagaalka Israel iyo Xamaas ee Qasa.
Qoraalka sawirka,Raysal wasaaraha Jabuuti oo u waramaya tifaftiraha BBC Somali, Muxyadiin Rooble, waxa uu sheegay inay walaac ka qabaan dagaal dhexmara Mareykanka iyo Xuutiyiinta
Raysal Wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo wareysi gaar ah siisay BBC ayaa ka digay in xiisada badda cas iyo marinka Babul Mandab ay kasii dari kareyso hadii aan xal loo helin dagaalka Qasa.
Waxa uu ku dhaleeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ku guuldareysteen inay isku-raacaan oo ay hirgeliyeen qaraar xabad joojin deg deg ah oo halkaas ka hirgasha.
Waxa uu si gaar ah ugu eedeeyay Mareykanka in is-hortaaga qaraarada xabadjoojinta Qasa ay ka dhigan tahay in uu fasax u siinayo Israel inay sii wado duqeymaha iyo weerarada Qasa ee ay waxyeeladu kasoo gaartay dadka u badan rayidka.
“Mushkiladda Badda Cas horey uma jirin. Waxay dhalatay kadib 7dii Oktoobar,” ayuu yiri Raysal Wasaaraha Jabuuti.
Waxa uu ku eedeeyay Israel oo uu ku tilmaamay inay tahay ‘dowlad gumeysi’ inay xasuuq ku heyso dadka Falastiin, falkaas oo uu sheegay inuu ka carreysiiyay Muslimiinta oo dhan.
“Annagu waxaan taageereynaa Falastiin. Isticmaar baa lagu hayaa. Xiisada Badda Cas iyo Babul Mandab na waa falcelin ka timid dulmigaas.”
Raysal Wasaaraha Jabuuti waxa uu BBC u sheegay in dalkiisu iyo Xuutiyiinty aysan xiriir wanaagsan lahayn, laakiin ay u arkaan ficilada kooxda Shiicada ah ee Yemen saldhigoodu yahay inay yihiin falcelin ka dhalatay xasuuq uu sheegay in lagu hayo Falastiin.
“Xuutiyiinta iskuma fiicnin laakiin shaqada ay qabanayaan waa xamaasad ka timid shucuurta Carabta iyo Muslimiinta,” ayuu yiri Cabdiqaadir Kaamil.
“Arrinka Falastiin iyo Babul Mandab way isku xiran yihiin,” ayuu yiri Raysal wasaaraha Jabuuti oo walaac ka muujiyay in kooxda Xuutiyiintu aysan joojin doonin weerarada Badda Cas ilaa xabad joojin laga hirgelinayo Qasa.
Waxa uu intaa raaciyay in Xuutiyiintu aysan awoodi doonin inay helaan cudurdaar iyo marmarsiiyo ay ku sii wadaan weerarka haddii ay xabad joojin hirgasho.
“Badda Cas iyo marinka Babul Mandab ammaan buu noqon doonaa haddii xabad joojin ka hirgasho Qasa. Cidna ma wax tuuri doonto.”
Raysal wasaaraha Jabuuti waxa uu intaa ku daray in Jabuuti iyo dalal kale ee gobolka aysan qeyb ka ahayn isbaheysiga Mareykanku uu sameeyay in lagu sugayo amniga maraakiibta ganacsiga ee ku socdaalaya Babul Mandab iyo Badda Cas.
Waxa uu ku sifeeyay sababta aysan Jabuuti qeyb ku ahayn Isbaheysigaas, in ka gadoodsan yihiin taageerada uu Mareykanku ku siiyay Israel dagaalka Qasa.
Cabsida Jabuuti ka qabto dagaal dhexmara Mareykanka iyo Xuutiyiinta.
Qoraalka sawirka,Raysal Wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Maxamed Kaamil waxa uu u waramay BBC Somali
Raysal Wasaaraha Jabuuti waxa uu sheegay inay cabsi ka qabaan dagaal dhex mara Mareykanka oo ciidamadiisu saldhig ku leeyihiin Jabuuti iyo kooxda Xuutiyiinta ah ee Yemen.
Waxa uu ku tilmaamay Xuutiyiinta kuwo madax adag, oo aanan dhegeysan cid aan ka ahayn ajnebiga la shaqeeya.
“Xuutiyiinta baaq hore ayaan u dirnay, laakiin isku fiicnin sababtoo ah waxaan taageereynaa xukuumada sharciga ee Yemen.”
Sidaas oo aytahay, waxa uu tilmaamay in dowladda Jabuuti ay xiriir la sameysay kooxda Xuutiyiinta oo ay ku wargelisay in aysan wax gantaalo ah usoo ridin dhanka Jabuuti iyaga oo u balanqaaday in Xuutiyiinta aan laga soo weerari doonin dhanka Jabuuti oo ay saldhigyo ciidan ku leeyihiin Mareykanka iyo dalal kale oo reer galbeed ah.
“Annaga waxba nagu tuurina; annaga dhankeenna wax idinkaga ma imaanayaa.”
Waxa uu intaa ku daray Jabuuti ku wargelisay Mareykanka in uusan uga duulin Xuutiyiinta saldhiga uu ku leeyahay Jabuuti, kaas oo uu Mareykanku ku xiran qalab cusub oo qabto gantaalada ay soo tuurto kooxda Xuutiyiinta.
Laakiin Raysal wasaaraha Jabuuti kuma qabo kalsooni badan in gantaaladaas ay baajin karaan oo ay qaban karaan dhammaan gantaalada ay ridaan kooxda Xuutiyiinta ah.
Waxa uu sheegay in haddii Xuutiyiinta laga weeraro saldhiga Mareykanka ay Jabuuti, in kooxda Xuutiyiintu ay waxyeeleyn karaan garoonka diyaaradaha ee Jabuuti iyo meelo kale oo ka mid ah dalkaas.
Kuraasta baarlamaanka Puntland ee beesha Warsangeli inta badan waxaa ku soo noqnoqday ama qaatay jilibyo gaar ah. Jilibyada qaatay xubnaha baarlamaanka ayaa u arka kuraasta in iyaga kaliya ay xaq u leeyihiin, meesha in badan aysan welligood arag mid gobol, mid maamul goboleed iyo mid federal toona.
Aaway Warsangellinimaddii la wadda sheeganayey? Aaway wallaaltinimadda la wadda sheeganayey? Mise reerka qaar ayaa dhalad ah, qaarka kalana waa kuwo lagu qurxiyey? Hadii dhalashadu ay sax tahay, waa in wax kasta la wadda waddaagaa.
Hadaba, maxaa la gudboon jilibiyadda aan waxba la siin? Jilib kasta waa in xaqiisa uu raadsadaa, waana in aysan oggolaan liiska haddeer la gudbiyey ee xaqdaradda ku dhisan. Jilibyadan hoos ku xusan waa kuwo ku soo noqnoqday baarlamaanka Puntland marar badan, marna ma is weeydiiyeen in kuraasta ay maalin kasta iska qaadanayaan in la wadda leeyahay?
Gaashaanbuur;
Reer Maxamed;
Bahmajeerteen;
Bihidoor;
Reer Xasan
Reer Saalax;
Aadan Siciid;
Warlabe;
Hadaba haddii jilibyo gaar ah ay wax kasta iyagii qaateen, dadkii kale xaggee lagu xisaabiyey? War illaahay halaga xishoodo, waxan soconayaa waa mid doqonimo soo dhaaftay ee dib hala isugu noqdo.
Jilibyadan hoos ku xusan xaqoodii waxa qaatay dawr jilib kuwaasoo aan illaalinayn wallaaltinimadda bulshada ka dhaxaysa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Culusoow, ayaa maanta Muqdisho kula shiray Siyaasiyiinta Hawiye iyaga oo ka wada hadlay wax ka bedelka Dastuurka. Sidii kale Madaxweyne Culuoow ayaa caaa Muqdisho kula kulmay taageeayaashiisa oo ay halkaa ay ku waydiiyeen Su’aalo laga soo diyaariyey Villa Wardhiigleey oo Soomaali inteeda kale lagu marin habaabinayo
Kulamadan uu madaxweynuhu Culusoow la leeyahay beelaha Hawiye, oo uu kala hadlayo wax ka bedelka Dastuurka iyo in dalku yeesho Madaxweyne iyaga ah iyo ku xigeen ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya ayaa sida la sheegay waxa xigi doonta kulan weyn oo beelaha Irir samaale ku yeelan doonaan dalka Jabuuti oo uu ka soo qayb geli doono Horjoogaha SNM Muuse Biixi, Kulankan ayaa waxa Gudoomin doona kaligi taliyaha Jabuuti Cumar Geele
President Mohamud stages constitutional amendment talks with Prominent Hawiye clan politicians pic.twitter.com/RD2IQyb3Fv
Markab ay leedahay shirkadda maraakiibta ee ugu weyn caalamka oo Badda Cas lagu weeraray
Shirkadda ugu weyn ee maraakiibta adduunka ayaa ku dhawaaqday in mid ka mid ah maraakiibteeda ganacsiga lagu dhuftay gantaal xilli uu marayey badda cas.
Shirkadda maraakiibta badda Mediterranean-ka ee magaceeda loosoo gaabiyo (MSC) ayaa sharraxday in markabka shixnadaha ee “United Eight” la weeraray xilli uu ka shiraacday Sacuudi Carabiya kuna socday Pakistan shalay oo Talaado ahayd.
Waa dhacdadii labaad ee nooceeda ah tan iyo markii uu Mareykanku todobaadkii hore bilaabay isbaheysiga caalamiga ah ee badda cas si ay uga hortagaan Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, kuwaas oo wacad ku maray in ay ugaadhsan doonaan maraakiibta mara marinka istiraatiijiga ah si ay uga jawaabaan dagaalka Qasa.
Weeraradaasi waxay ku qasbeen shirkadaha waaweyn ee maraakiibta inay joojiyaan safarradooda Badda Cas, oo ay ku jirto shirkadda maraakiibta Jarmalka ee Hapag-Lloyd, taas oo maanta sheegtay in maraakiibtoodu ay ka fogaan doonaan marrinka.
Shirkadda maraakiibta Danishka ee Maersk ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto hawlihii maraakiibta ee Badda Cas ka dib digniinta amniga caalamiga ah ee ay soo saareeb isbahaysiga Ilaaliyaha Barwaaqada”, waxayna go’aansadeen in ay dib u wareejiyaan daraasiin maraakiib ah mar kale si ay halkaas u sii maraan toddobaadyada soo socda, laakiin inkasta oo ay taasi jirto, waxay sii waddaa qorshaheeda, sida ay sheegtay, dib u eegis. Iyo qiimayn iyadoo la filayo khatar kasta oo degdeg ah
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa xasuusiyay in 80 maalmood ay ka soo wareegatay markii ay bilowdeen weerarada Israa’iil ee Qasa, wuxuuna yiri “Dhammaan qiyamka bini’aadminimada waxaa lagu toogtay indhahayaga hortooda muddo 80 maalmood ah.”
Edogan oo ka hadlayey sannad-guurada 100-aad ee TÜBİTAK iyo TÜBA ee Abaalmarinta seyniska, ayaa yidhi, “Waxaan daawannay dhacdadii garoomada Naasiga Israa’iil ee xeryaha, sax? Waa shaqo caynkee ah tani? Waad ogtahay, inay si yaab leh uga hadli jireen Hitler. “Sidu kaga duwan yahay Hitler?” ayuu weydiiyey, isaga oo sii watay sidatan.
“Waa maxay farqiga u dhexeeya adiga iyo Hitler? Kuwani waxay noo for seedayaan inaan dib u eegno Hitler. Ma jiraan wax ka haray ficillada Netanyahu marka la barbar dhigo kuwii Hitler? Maya. Hitler ma ahayn nin taajir ah. Ninkani waa ka hanti badan yahay Hitler. Waxay taageero ka helaan reer galbeedka, dhammaan taageerada nooc kasta ah waxay ka timaadaa Maraykanka, dhammaan taageeradaas, waxaa lagu dilay in ka badan 20 kun oo reer Qasa ah. “Codka u taagan kuwa dulman waa codkii Turkida Muslimiinta ah.”
Sida wiilkan Soomaaliga ah ugu guuleystay abaalmarinta qaaliga ah ee horay loo siiyay Angela Merkel
Qaxooti hore oo Soomaali ah buugaag iyo waxbarasho u keeno dadka ay isku dalka yihiin ee ku dhibaataysan xeryaha ballaaran ee Kenya ayaa ku guuleystay abaalmarinta Nansen ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.
Xerada qaxootiga ciriiriga badan ee Dhadhaab ee ku taalla Waqooyi bari Kenya, waxaa ku nool dad ku dhow 220,000 oo u diiwaangashan qaxootinimo iyo magangaliyo-doon. Badankood waxa ay ka yimaadeen Soomaaliya, iyadoo 56 boqolkii ay yihiin carruur.
Cabdullaahi Mire ayaa ku soo barbaaray xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee ku yaalla waqooyi bari Kenya iyadoo tirada dadka ku nool ay maanta ka badan yihiin 240,000 oo qaxooti ah oo u badan Soomaali.
Muxuu ku muteystay Cabdullaahi abaalmarintan heerkeedu sarreeyo?
Qoraalka sawirka,Waxa uu BBC-da u sheegay in lix sano ka hor isagoo xeryaha qaxootiga uga shaqeynaya si saxafinimo uu la kulmay dhacdo maskaxdiisa baddashay.
Waxa uu BBC-da u sheegay in lix sano ka hor isagoo xeryaha qaxootiga uga shaqeynaya si saxafinimo uu la kulmay dhacdo maskaxdiisa baddashay.
“Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa ii timid gabar ka mid ardayda wax ka baratay xeryaha waxayna i weydiisay buug maaddada Kimistiriga ah. waxay igu tiri waxaan jeclahay mustaqbalka inaan dhakhtar noqdo inagoo 15 gabdhood ah ayuu naga dhaxeeya hal buul oo kimistiri ah marka ma sugi karo shan iyo toban habeen si aan buuggaas u akhristo oo aan u baaso. Markaas gabadha waxay is tuseeysay in hamigeeda dhakhtarnimada ay hortaagan tahay caqabadda buug la’aanta gaar ahaan kimistriga.”
“Waan awooday markaas labo ilaa shan gabdhood inaan u gado buug laakiin kumaanaan ma awoodin inaan buug u gado markaas ka dib ayaan waxaan bilaabay olole aan buugaag ku uruurinayay anigoo isticmaalaya dadka aan aqaano iyo baraha bulshada taas oo ii sahashay inaan helno buugaag dhowr boqol oo kun gaaraya.”
Qoraalka sawirka,Waxa uu sheegay in ololihiisa uu saameyn weyn ku yeeshay waxbarashada xeryaha qaxootiga.
Waxa uu sheegay in ololihiisa uu saameyn weyn ku yeeshay waxbarashada xeryaha qaxootiga.
“Wax badan ayaa is badalay tusaale ahaan gabadhii waxay igu tiri waxaan rabaa inaan dhakhtar noqdo taasoo markii igu dhalisay arrintan oo dhan oo aan buugaagta aan siiyay, maanta waa kalkaaliso waxayna ka shaqeysaa mid ka mid ah isbitaallada, safarkeedii dhakhtarnimana waa ay ku jirtaa, kuwo kale oo badan oo doonayay inay noqdaan macallimiin, injineero riyadoodii waa ay u rumowday, kuwa badan ayaa hadda shaqeeya oo aan buugaag siinayaa taas ayaana marwalba farxad ii ah.”
Waxa uu sheegay in qorshaha uu hadda yahay in la ballaariyo hawlaha caawinaadda dadka tabaaleysan oo ay gaaraan meelo ka baxsan Kenya.
“Yoolka wuxuu yahay sannadka dambe inaan gaaro meelo ka mid ah gobolka sida Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan xero qaxooti oo la yirahdo Malkadiida oo ku taalla xadka Itoobiya iyo xerooyin barakacayaal oo ku yaalla gudaha Soomaaliya.”
Xeradan waxay soo saartay aqoonyahanno – arday qiimo leh oo loo ogolaaday jaamacadaha Ivy League ee dalka Mareykanka, sida jaamacadda Princeton, iyo sidoo kale jaamacadaha Kanada. Waxay kaloo soo saartay suxufiyiin aad u fiican, macallimiin, qoraayaal iyo xirfadlayaal kale,” ayuu yiri. “Markii la siiyo fursado la mid ah kuwa kale, da’ yarta Dhadhaab waxay wax badan ku biirin karaan dib u dhiska dalkooda.”
Waa kuma Cabdullaahi Mire?
Mire wuxuu ku dhashay Soomaaliya 1987. Mire wuxuu ku noolaa Dhadhaab 1990-meeyadii markii qoyskiisu ka carareen dagaallada dalka.
23 sano ayuu ku noolaa xerada qaxootiga wuxuuna ugu dambeym waxbarashadiisa jaamacadeed ku qaatay Jaamacadda Kenyatta ee dalka Kenya, taas oo uu ka qaatay shahaadada dibloomada ee saxaafadda iyo xiriirka dadweynaha sanadkii 2013.
Ka dib wuxuu uu la shaqeeyey Hay’adda Qaramada Midoobay ee muhaajiriinta, xafiisyadeeda Muqdisho iyo Baydhaba iyo Kismaayo.
Shaqadiisu waxay salka ku haysay hub ka dhigis, abaabul iyo arrimaha dib ula qabsiga bulshada, oo ujeedkeedu ahaa in dagaalamayaasha laga soo dhex bixiyo kooxahooda lagana caawiyo sidii ayagoo rayid ah ay u dhex gali lahaayeen bulshada inteeda kale.
Maxay tahay abaalmarinta uu ku guuleystay?
Abaalmarinta Nansen oo la bixiyo sannad walba, waxaa loogu magac daray sahamiyaha cirifka waqooyi ee dunida, una dhashay Norway, Fridtjof Nansen, oo soo noqday mas’uulka ugu sareeya hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay.
Abaalmarinta sanadkii hore ayaa waxaa la guddoonsiiyay hogaamiyihii hore ee Jarmalka Angela Merkel, taasoo lagu ammaanay dadaalka ay muujisay intii ay xilka haysay si ay u difaacdo dadka ku barakacay colaadaha.
Hadda Cabdullaahi waxa uu nasiib u yeeshay inuu ku guuleysto abaalmarintaas oo lagu guddoonsiiyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Wejiga labaad ee barnaamij ay shacabka Mareykanka ku keeni karaan qaxootiga oo billowday
Haddaba sida uu u shaqeynayo wajigan labaad ee barnaamijka ayey Caasha Ibraahim Aadan ka wareystay Aaden Bataar oo ka mid ah madaxda hay’adda dib u dejinta qaxootiga ee Catholic community Services ee Utah.
Dowladda Mareykanka ayaa furtay wajiga labaad ee barnaamijka loo yaqaano Welcome Corps ee fursadda siinaya dadka deggan Mareykanka iyo kuwa muwaadiniinta ah in ay ka faala qaadaan dad qaxooti ah oo jooga waddanka dibaddiisa.
Haddaba sida uu u shaqeynayo wajigan labaad ee barnaamijka ayey Caasha Ibraahim Aadan ka wareystay Aaden Bataar oo ka mid ah madaxda hay’adda dib u dejinta qaxootiga ee Catholic community Services ee Utah.