26th July 2024  admin  Category :

‘Cabsi baan ka qabnaa gantaalada Xuutiyiinta, Amniga Babul Mandab na waxa uu ku xiran yahay Qasa’: Raysal wasaaraha Jabuuti oo farriin u diray Mareykanka iyo Xuutiyiinta

Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay xiisada ka aloosan marinka badda ee ugu muhiimsan dunida ee Babul Mandab iyo Badda Cas iyo dagaalka ka socda Qasa.

Kooxda Shiicada ah ee ay hubeysan Iran ee loo yaqaan Xuutiyiinta ayaa weeraro ku qaaday maraakiib ganacsi oo la la xiriirinayo Israel, iyaga oo sidoo kale gantaalo ku tuuray Israel iyo saldhigyo uu leeyahay Mareykanka.

Kooxdu waxay sheegtay inay weeraradaas uga falcelineyso dagaalka iyo duqeymaha ay Israel ku heyso marina Qasa ee dhulka Falastiin.

Laakiin ugu yaraan sideed ka mid ah dalalkaas xubnaha ka ah isbaheysiga Mareykanka ayaa diiday in magacyadooda la shaaciyo, iyaga oo ka walaacsan sida qorshahan u sameyn karo dagaalka Israel iyo Xamaas ee Qasa.

Raysal wasaaraha Jabuuti oo u waramaya tifaftiraha BBC Somali, Muxyadiin Rooble, waxa uu sheegay inay walaac ka qabaan dagaal dhexmara Mareykanka iyo Xuutiyiinta
Qoraalka sawirka,Raysal wasaaraha Jabuuti oo u waramaya tifaftiraha BBC Somali, Muxyadiin Rooble, waxa uu sheegay inay walaac ka qabaan dagaal dhexmara Mareykanka iyo Xuutiyiinta

Raysal Wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo wareysi gaar ah siisay BBC ayaa ka digay in xiisada badda cas iyo marinka Babul Mandab ay kasii dari kareyso hadii aan xal loo helin dagaalka Qasa.

Waxa uu ku dhaleeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ku guuldareysteen inay isku-raacaan oo ay hirgeliyeen qaraar xabad joojin deg deg ah oo halkaas ka hirgasha.

Waxa uu si gaar ah ugu eedeeyay Mareykanka in is-hortaaga qaraarada xabadjoojinta Qasa ay ka dhigan tahay in uu fasax u siinayo Israel inay sii wado duqeymaha iyo weerarada Qasa ee ay waxyeeladu kasoo gaartay dadka u badan rayidka.

“Mushkiladda Badda Cas horey uma jirin. Waxay dhalatay kadib 7dii Oktoobar,” ayuu yiri Raysal Wasaaraha Jabuuti.

Waxa uu ku eedeeyay Israel oo uu ku tilmaamay inay tahay ‘dowlad gumeysi’ inay xasuuq ku heyso dadka Falastiin, falkaas oo uu sheegay inuu ka carreysiiyay Muslimiinta oo dhan.

“Annagu waxaan taageereynaa Falastiin. Isticmaar baa lagu hayaa. Xiisada Badda Cas iyo Babul Mandab na waa falcelin ka timid dulmigaas.”

Raysal Wasaaraha Jabuuti waxa uu BBC u sheegay in dalkiisu iyo Xuutiyiinty aysan xiriir wanaagsan lahayn, laakiin ay u arkaan ficilada kooxda Shiicada ah ee Yemen saldhigoodu yahay inay yihiin falcelin ka dhalatay xasuuq uu sheegay in lagu hayo Falastiin.

“Xuutiyiinta iskuma fiicnin laakiin shaqada ay qabanayaan waa xamaasad ka timid shucuurta Carabta iyo Muslimiinta,” ayuu yiri Cabdiqaadir Kaamil.

“Arrinka Falastiin iyo Babul Mandab way isku xiran yihiin,” ayuu yiri Raysal wasaaraha Jabuuti oo walaac ka muujiyay in kooxda Xuutiyiintu aysan joojin doonin weerarada Badda Cas ilaa xabad joojin laga hirgelinayo Qasa.

Waxa uu intaa raaciyay in Xuutiyiintu aysan awoodi doonin inay helaan cudurdaar iyo marmarsiiyo ay ku sii wadaan weerarka haddii ay xabad joojin hirgasho.

“Badda Cas iyo marinka Babul Mandab ammaan buu noqon doonaa haddii xabad joojin ka hirgasho Qasa. Cidna ma wax tuuri doonto.”

Raysal wasaaraha Jabuuti waxa uu intaa ku daray in Jabuuti iyo dalal kale ee gobolka aysan qeyb ka ahayn isbaheysiga Mareykanku uu sameeyay in lagu sugayo amniga maraakiibta ganacsiga ee ku socdaalaya Babul Mandab iyo Badda Cas.

Waxa uu ku sifeeyay sababta aysan Jabuuti qeyb ku ahayn Isbaheysigaas, in ka gadoodsan yihiin taageerada uu Mareykanku ku siiyay Israel dagaalka Qasa.

Cabsida Jabuuti ka qabto dagaal dhexmara Mareykanka iyo Xuutiyiinta.

Raysal Wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Maxamed Kaamil waxa uu u waramay BBC Somali
Qoraalka sawirka,Raysal Wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Maxamed Kaamil waxa uu u waramay BBC Somali

Raysal Wasaaraha Jabuuti waxa uu sheegay inay cabsi ka qabaan dagaal dhex mara Mareykanka oo ciidamadiisu saldhig ku leeyihiin Jabuuti iyo kooxda Xuutiyiinta ah ee Yemen.

Waxa uu ku tilmaamay Xuutiyiinta kuwo madax adag, oo aanan dhegeysan cid aan ka ahayn ajnebiga la shaqeeya.

“Xuutiyiinta baaq hore ayaan u dirnay, laakiin isku fiicnin sababtoo ah waxaan taageereynaa xukuumada sharciga ee Yemen.”

Sidaas oo aytahay, waxa uu tilmaamay in dowladda Jabuuti ay xiriir la sameysay kooxda Xuutiyiinta oo ay ku wargelisay in aysan wax gantaalo ah usoo ridin dhanka Jabuuti iyaga oo u balanqaaday in Xuutiyiinta aan laga soo weerari doonin dhanka Jabuuti oo ay saldhigyo ciidan ku leeyihiin Mareykanka iyo dalal kale oo reer galbeed ah.

“Annaga waxba nagu tuurina; annaga dhankeenna wax idinkaga ma imaanayaa.”

Waxa uu intaa ku daray Jabuuti ku wargelisay Mareykanka in uusan uga duulin Xuutiyiinta saldhiga uu ku leeyahay Jabuuti, kaas oo uu Mareykanku ku xiran qalab cusub oo qabto gantaalada ay soo tuurto kooxda Xuutiyiinta.

Laakiin Raysal wasaaraha Jabuuti kuma qabo kalsooni badan in gantaaladaas ay baajin karaan oo ay qaban karaan dhammaan gantaalada ay ridaan kooxda Xuutiyiinta ah.

Waxa uu sheegay in haddii Xuutiyiinta laga weeraro saldhiga Mareykanka ay Jabuuti, in kooxda Xuutiyiintu ay waxyeeleyn karaan garoonka diyaaradaha ee Jabuuti iyo meelo kale oo ka mid ah dalkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*