28th March 2024  admin  Category :

Hadalkii uu sodon sano ka hor Cabdiraxmaan iyo Caydiid soo jeediyeen ayaa hadda socda

Beesha SNM waxa ka go’an in ay u qaybiyaan reer puntland labo, mid laga xukumo Somalidiidka iyo mid laga xukumo koonfurta, taas waxaa daliil u ah C/raxmaan Tuur , Alle ha u naxariistee sodon sano ka hor yidhi ” waxaan ku jirney qorshe Daarood lagu kala qaybiyo cuddudiis, sida Kurdiga oo kale ayaan go’aansanay in aannu ka dhigno, ha yeeshee Hawiyoow idinkaa ka siidaayey daminkii loo qoolay.

Maanta C/hi Yusuf in reysal wasaaraha nagu qabsadu idinka keennay, waxay ahayd idinkoo Majeerteen iyo Mareexaan soo jilciyey, oo madax salaax u soo sameeyey, oo miiska wadda-hadalada xagga dambe in ay ka fadhiistaan raali ku ah, iyagoo maynoorati ah, iyo idinkoo majoorati ah, oo xagga hore soo fariista. Anaguna sidaas kale, ka dibna miiska wadda hadaladda soo fadhiisano idinkoo hormuud u ah Koonfur iyo annagoo sidoo kale hormuud u ah reer waqooyiga, kadibna aad sidaas ku qaadataan madaxweynaha aan dhicin, annaguna Raysal wasaare aan dhicin, sidaasna ku ahaanno labo maamul oo isku darsaday, oo midwalba maamul hoosaadkiisa leeyahay.

Halkaasna reerkii magaca weynaa noqdo mid laga xukumo Koonfur, Waqooyi, Itoobiya iyo Kenya, kadibna sidaas Kurdi oo kale ku noqdaan, oo aysan mar dame, masraxa siyaasadda Somaliya wax ka noqon.

Oogaaddana Soomaliya waxay ka degan yihiin dhulka ugu kheeraadka yar, waana dadka ugu tirada yar marka xudduudaha la soo xiro, xaqba uma laha in ay wax xukumaan. Sir ma qabe Alla u sahan ah. Sheekadan, markii Tuur uga sheegeeynayey rag ka tirsan SNA iyo SNM, dhegahayaga ayaan ku maqlayney, annagoo joogney qol ka mid ah guri uu inna Naxar ku leeyahay KM5,Mogadishu,Alle ha u naxariistee, annagoo ka koobnayn saddex nin Aniga oo C/hi, Suldan C/lahi Cabdi Koor, iyo Inna Niiniile. Waa waqtigii shirkii Caydiid, Alle ha naxariistee ku samaynaayey Dawladdiisa Salbaladh 1994tii.

Aad ayaan uga xumahay in sirtaasi aan soo bandhigo, ha yeeshee iyagaa doonaya in ay xoog ku qabsadaan dad iyo dhul aysan u dhalan, si ay ay miisaan siyaasaddeed u helaan, maalinta Koonfur iyo Waqooyi ay miis wax ku qaysanayaan.

Maadaama qorshaha Somalidiidku sidaas yahay, oo ay dhammaan hormuudkooda sidaas qabaan, iyagoo isla qabweyn. waxaa waajib ah in aannu difaacno jiritaan kayaga ilaa iyo inta laga gaarayo Somali isku hadaf ah. Ma dhacayso in Somalidiid maquuniyo Sool, Sanaag iyo Cayn ilaa inta naftu nagu jirto. Sharafka iyo karaamadda waa qaybta ugu muhimsan nolosha, ma dhacayso Somalidiid , aan damiir lahayn in ay dhabarka ka jebiyaan rabitaanka shacabkayaga ee u heelan midnimo Somaliyeed,

Ugu dambayntii, si fudud ayaa ku soo gasheen gurigii Daraawiishta, waxaad ka bixidoontaan idinkoo jab la huleelay, oo geed kasta idiin dhaqdhaqaayo cabsi darteed iyo annagoo guul sharaf leh la hoyandoona.

“Akhri Qorshaha Dabargoynta ee SNM ama Isaaqu Dadka aan Isaaqa ahayn u dejiyeen 1991.”
Isir nacaybkii Qaaxo ee SNM ama beesha Isaaq
In aan burburino dhaqaalaha iyo Horumarka dhamaan dadka aan ahayn qabiilka Isaaq

Si’aan usoo bandhigno fidinta halgankii hubaysnaa ee dheeraa,iyo khidadihii kaasi oo aynu ku guulaysaney xoraynta gobolada waqooyiga Soomaaliya, oo aan gacanta ku dhigney guusheenii u danbeysey.waxaa lagama maarmaan ah in aynu sameysano weji cusub kaasi oo ah siyaasadeena cusub.

Sidaa darraadeed si loo dejiyo qorshaha iyo nidaamka siyaasadeena cusub ee leh baaxada sidaasi u balaadhan. Shir aan caadi ahayn ayaa waxaa qabtay gudiga amaanka (SNM) Oo uu gudoominayo gudoomiyaha jabhada C/raxmaan Axmed Cali. Shirkan waxaan kaga hadalnay marxaladihii kala gedisnaa ee uu soomaray halgankeenu, taasi oo ay saldhig u tahay in aynu qaabaysano siyaasad cusub oo aynu udejisano geyigan.

Waxaan dhamaanteen ka warqabna xaqiiqda,in dadka aan ahayn Isaaq ee inala degan gobolada waqooyi,kuwaasoo ka dhego xidhnaa dhiigii daadanayey ee xukunkii Siyaad Barre, halgankan waxaynu ku luminay dad badan kuwaasoo aan la ilaawi karin oo weli baaqi ku ah xasuusteena, ayna xusi doonto taariikhdu.
Si looga hortago oo loo hubiyo mustaqbalka dadka lidiga inagu ah ee aan ahayn isaaqa (Warsangeli,Dhulbahante,Gudabuursi) ). Hada waxaynu haysanaa fursad ah baahi aynu u qabno in aynu ka dhigno waqooyiga Soomaaliya gebi ahaantiis dhul ay ka taliyaan Reer Shiikh Isxaaq oo keliya.

Sidaasi daraadeed si’aynu ugu guulaysano hadafkeena cad iyo ujeedooyinka kuwaasi oo umidho dhali doona jiilasha cusub, waxaanu dejisanay shuruudahan iyo qodoban oo ah kuwo aan la baal mari karin.

(1). Gebi ahaanba in hubka laga dhigo oo laga dheereeyo qabiilada aan ahayn Isaaq ee inala dega waqooyiga Soomaaliya. Kuwaasi oo hadii kale joojinaya,caqabadna ku noqon kara ujeedada iyo doonisteeda ah in aynu guud ahaan xukuno dhulkaasi oo idil.

(2). In aan burburino dhaqaalaha iyo Horumarka dhamaan dadka aan ahayn qabiilka Isaaq ee gobolka degan, si aanay awood ugu yeelan taasi oo ah awood maamul iyo mid ciidan.

(3). In aan yeelano sir qabiil oo inoo gaar ah,iyo ciidan sirdoon ah oo soo ururiya xogta iyo mawqifka cadowgeenu higsanayaan, iyo dhamaan dhaqdhaqaaq iyo xarakaadka ay samaynayaan dadka aan isaaqa aheyn ee inala degan gobolada Waqooyi.

(4). In aynu ugu talo galno cad quudheed aan muuqan,dadka aan aheyn Isaaqa ee xukuumadeena hoos iman doona iyo golaha wasiirada taasi oo si dhaqkhso ah loo dejiyo.
Tani oo ay ujeedadoodu tahay si hoos loogu dhigo dadkaasi, boosaaskooda dastuuriga ahna ay buuxiyaan dadkeenu.

(5). In loo dhiibo xilalka ciidanka xubnaha Firfircoon ee SNM, si maamulku uusan gacanteena udhaafin, sidoo kale in ciidamo dalriix ah la dulgeeyo dhamaan dhulka ay degaan beelaha aan ahayn Reer Shiikh Isxaaq, si waxwalba oo aynu doonayno ay u hirgalaan loolana socdo xarakaadkooda.

(6). In si joogto ah loo argagax geliyo laguna abuuro cabsi, qabiilada aan ahayn Isaaqa, si dhulkooda aan udegno oo u qabsano, aynuna u balaadhino dhulka Reer Shiikh Isxaaq.

(7). In aynu u ololeyno abuuritaanka borobogaandooyin iyo hawlo been abuur, kuwaasi oo ujeedadoo ay tahay in aynu ka hortagno in ay waxfahmaan oo yeeshaan isbaahaysi qabiilada aan ahayn Isaaqa kuwaasi oo ah, Warsangeli,Dhulbahante, oo ah dhinac iyo dhinaca kale, Gudabiirsey iyo Ciise.

(8). In aan ku wacyigalino dunida kuna fidino fikrada dadweynaha in SNM ay hoostimaado nabada iyo amniga waqooyiga Soomaaliya, Micnaha (In aynaan ka guurin SNM e u guurno qaab dawladeed dadkana ka dhaadhicino in aynu nahay Dawlad inagoo ku dhaqmayno nidaam hoosaadkeena SNM).

Gebagebadii, si aynu ugu guulaysano hirgelinta iyo dhameystirka ujeedooyinkeena aynu soo xusnay ee gundhiga u ah halgankeena. Waxaa lagama maar maan ah in aynu ka dhaadhicino oo ku hirgelino siyaasad qabow oo ay weheliso khayaano iyo dhagrid ku wajahan dadka aan aheyn Isaaqa ee inala degan waqooyiga.inagoo ku dibaaqeyna maahmaahda Soomaaliyeed ee ah : “Dhib iyo Rafaad geli dabadeedna Dil”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*