6th May 2024  admin  Category :

Dalalka Bariga Dhexe oo ka jawaabay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka

falalka noocan ah cadaawadeed la horkeeno cadaaladda “lagana hortago in mabaadi’da xorriyadda ay qiil uga dhigtaan cadaawad ka dhan ah Islaamka ama caqiido kasta oo muqaddas ah.”

Gubitaanka Qur’aanka ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyey lixda dal ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, halka Morocco ay u yeertay safiirkeeda Stockholm.

Sidoo kale, kooxda awoodda badan ee Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku eedeysay Sweden “inay qeyb ka tahay dambiga.”

Xizbullah ayaa ugu baaqday Sweden inay joojiyaan falalka noocaan ah “halkii ay ku dhuuman lahaayeen xoriyadda hadalka.”

Waxay ku boorisay Mas’uuliyiinta iyo dalalka Islaamka iyo Carabta inay qaadaan “dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si ay ugu qasbaan Sweden iyo dalalka kale in laga hortago soo noqoshada dhacdooyinka noocan oo kale ah iyo joojinta “fidinta dhaqanka nacaybka ah.”

Bishii Janaayo, nin xagjir oo Swedish-Danish ah, kana tirsan kooxaha garabka midig, ayaa ku gubay nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah meel u dhow safaaradda Turkiga ee Stockholm, taasi oo sidoo kale ka careysiisay dunida Muslimka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*