19th May 2024  admin  Category :

Waa kuma Ninka Carabka ah ee kitaabka Qur’aanka gubay?

Marooko ayaa u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Sweden kadib markii Kitaabka Qur’aanka lagu gubay mudaaharaad ka dhacay magaalada Stockholm.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Marooko ayaa falkan ku tilmaantay mid gardarro ah oo mas’uuliyad darro ah, xilli muslimiintu ay u dabaaldegayeen mid ka mid ah maalmaha ugu fadliga badan taariikhdooda.

Sidoo kale waxaa cambaareeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga oo sheegay in kuwa u oggolaaday ay ku lug lahaayeen.

Salwan Momika oo xaggiisa danbe ay taagan yihiin askar booliis ah, xilli uu ku sugnaa bannaanka masaajidka Stockholm, isaga oo lulaya calanka dalka Sweden, heesta qaranka ee dalkaasina ay ka ag baxaysay ayaa laba u kala jeexay dabna qabadsiiyey kitaabka qur’aanka kariimka maalinnimadii arbacada.XAYEYSIINhttps://79161810738d4429e2d1869f3247bfef.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Telefishinka SVT ee dalka Sweden ayaa sheegay in bandhiggaasi uu ku dhamaaday si nabad ah, iyaga oo sii raaciyey in ninkii ka dambeeyay banaanbaxa uu jeexjeexay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, uu bogag ka mid ah kabihiisa ku masaxay halka uu qaarna ku laalaabay hilib doofaar caydhiin oo uu watay, arrintaas oo dad badan u arkayeen in uu rabay in dareenka dadka muslimka uu ku kiciyo.

Momika oo ah Qaxooti Ciraaqi ah ayaa u ololaynaya in dalka Sweden kitaabka laga joojiyo. Waxaana falkiisaas ka cadhooday malaayiin Muslimiin ah oo dareenkooda ku muujiyey baraha bulshada iyo dalka Turkiga, oo falkaas ku tilmaamay waxaan loo dul qaadan Karin.

Hakan Fidan wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa falkaas ku qeexay wax laga xumaado waxaana uu sheegay in kuwii oggolaaday ay ahaayeen kuwo gacan ka geystay kicinta nacayb loo qaado cid gaar ah. Ankara ayaa lagu yaqaan in si weyn ay uga soo horjeedday helidda xubinimada Iswiidhan ee NATO, sababahana waxaa ka mid ahaa falalka noocan ah. Taas oo Sweden ku ah caqabad weyn, maadaama soo gelintaanka gaashaanbuurta Nato ay ku xidhan tahay helidda codadka ogolaanshaha ee dhammaan dalalka xubint ka ah.

Dadka ka falceliyay waxaa ka mid ah Muslimiinta ku nool Sweden waxaa ka mid ah Maxamed Maki,

Dadka ka falceliyay waxaa ka mid ah Maxamed Maki, oo ah guddoomiyaha mid ka mid ah masaajidda Soomaalida ee Sweden sidoo kalena ka mid ah midawga masaajidda Sweden. Waxa uu BBC u sheegay inay ka xun yihiin shalay oo ciidu Adxaa ahayd oo maalin farxadeed ah uu nin cunsuri uu nuqul ka mid ah kitaabka Qur’aanka ku gubo misaajid hortii.

“Waxaa dhacday in cunsiri ah oo asal ahaan Ciraaq ka soo jeeda uu misaajidka Stockholm ku hor gubo kitaabta Qur’aanka ah weliba iyadoo dowladda Sweden ay u fasaxday marka waa ficil aad u fool xun oo aan ka soo horjeedno oo aan cambaareyneyno oo dalkan Sweden iyo magaalada Stockholm dan ugu jirin.”

“Muslimiinta reer guud ahaan aad ayay uga xun yihiin falkan waan ka dignay dowladda waan u sheegnay inaan dooneyno in dalka Sweden nabad lagu wada noolaado, diimaha la ixtiraamo, ambiyada Ilaahey la ixtiraamo oo laga fogaado wax kasta oo dhib u keena kara dalkan.”

Dhanka kale Maxamed Maki ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah ay u sheegeen inay is dejiyaan oo laga fogaado wax kasta oo ficil ah oo gacan ka hadal ah sababtoo dadka aan Muslimka ahayn maalin walba waxay soo galayaan diinta Muslimka marka waxaan ka hortageynaa haddaanu nahay misaajidadii in dadka Mulimiinta ah ay ficil qaadaan.

“Ninkan falkan sameeyay markaan dib u baarnay waa nin diinta Masiixiga haysta oo Ciraaq ka soo jeeda oo cadaawad iyo xiqdi farabadan u qabo dadka Muslimiinta ah laakin kaniisadaha ayaa nala soo xiriiray waxayna noo sheegeen in ficilkan uu ninkan sameeyay ay bari ka yihiin,” ayuu yiri Maxamed

Waddamada Kale ee NATO ayaa muddooyinkii u danbeeyey Turkiga ka codsanayey siinta codka ogolaanshaha Sweden, xilli la filayo shirka waddamada ku midaysan gaashaanbuurtaasi ay bisha July ku shiri doonaan dalka Lithuinia.

Dhowr waddan oo Carbeed, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Urdun iyo Kuwait, ayaa sidoo kale cambaareeyay gubitaanka Qur’aanka ee kal hore isla dalka Sweden ee bishii January.

Sweden ayaa dhankeeda sheegtay in dawladdu ay baadhayso hurin nacayb. Halka dhanka kale Booliiskuna ay diideen ogolaanshaha mudaaharaadyada la midka ah ilaa maxkamaduhu ay go’aamiyeen in loo ogolaado iyada oo la raacayo xeerarka dalkaas ee xoriyada hadalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*