23rd July 2024  admin  Category :

Sida wiilkan Soomaaliga ah ugu guuleystay abaalmarinta qaaliga ah ee horay loo siiyay Angela Merkel

Qaxooti hore oo Soomaali ah buugaag iyo waxbarasho u keeno dadka ay isku dalka yihiin ee ku dhibaataysan xeryaha ballaaran ee Kenya ayaa ku guuleystay abaalmarinta Nansen ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.

Xerada qaxootiga ciriiriga badan ee Dhadhaab ee ku taalla Waqooyi bari Kenya, waxaa ku nool dad ku dhow 220,000 oo u diiwaangashan qaxootinimo iyo magangaliyo-doon. Badankood waxa ay ka yimaadeen Soomaaliya, iyadoo 56 boqolkii ay yihiin carruur.

Cabdullaahi Mire ayaa ku soo barbaaray xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee ku yaalla waqooyi bari Kenya iyadoo tirada dadka ku nool ay maanta ka badan yihiin 240,000 oo qaxooti ah oo u badan Soomaali.

Muxuu ku muteystay Cabdullaahi abaalmarintan heerkeedu sarreeyo?

Waxa uu BBC-da u sheegay in lix sano ka hor isagoo xeryaha qaxootiga uga shaqeynaya si saxafinimo uu la kulmay dhacdo maskaxdiisa baddashay.
Qoraalka sawirka,Waxa uu BBC-da u sheegay in lix sano ka hor isagoo xeryaha qaxootiga uga shaqeynaya si saxafinimo uu la kulmay dhacdo maskaxdiisa baddashay.

Waxa uu BBC-da u sheegay in lix sano ka hor isagoo xeryaha qaxootiga uga shaqeynaya si saxafinimo uu la kulmay dhacdo maskaxdiisa baddashay.

“Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa ii timid gabar ka mid ardayda wax ka baratay xeryaha waxayna i weydiisay buug maaddada Kimistiriga ah. waxay igu tiri waxaan jeclahay mustaqbalka inaan dhakhtar noqdo inagoo 15 gabdhood ah ayuu naga dhaxeeya hal buul oo kimistiri ah marka ma sugi karo shan iyo toban habeen si aan buuggaas u akhristo oo aan u baaso. Markaas gabadha waxay is tuseeysay in hamigeeda dhakhtarnimada ay hortaagan tahay caqabadda buug la’aanta gaar ahaan kimistriga.”

“Waan awooday markaas labo ilaa shan gabdhood inaan u gado buug laakiin kumaanaan ma awoodin inaan buug u gado markaas ka dib ayaan waxaan bilaabay olole aan buugaag ku uruurinayay anigoo isticmaalaya dadka aan aqaano iyo baraha bulshada taas oo ii sahashay inaan helno buugaag dhowr boqol oo kun gaaraya.”

Waxa uu sheegay in ololihiisa uu saameyn weyn ku yeeshay waxbarashada xeryaha qaxootiga.
Qoraalka sawirka,Waxa uu sheegay in ololihiisa uu saameyn weyn ku yeeshay waxbarashada xeryaha qaxootiga.

Waxa uu sheegay in ololihiisa uu saameyn weyn ku yeeshay waxbarashada xeryaha qaxootiga.

“Wax badan ayaa is badalay tusaale ahaan gabadhii waxay igu tiri waxaan rabaa inaan dhakhtar noqdo taasoo markii igu dhalisay arrintan oo dhan oo aan buugaagta aan siiyay, maanta waa kalkaaliso waxayna ka shaqeysaa mid ka mid ah isbitaallada, safarkeedii dhakhtarnimana waa ay ku jirtaa, kuwo kale oo badan oo doonayay inay noqdaan macallimiin, injineero riyadoodii waa ay u rumowday, kuwa badan ayaa hadda shaqeeya oo aan buugaag siinayaa taas ayaana marwalba farxad ii ah.”

Waxa uu sheegay in qorshaha uu hadda yahay in la ballaariyo hawlaha caawinaadda dadka tabaaleysan oo ay gaaraan meelo ka baxsan Kenya.

“Yoolka wuxuu yahay sannadka dambe inaan gaaro meelo ka mid ah gobolka sida Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan xero qaxooti oo la yirahdo Malkadiida oo ku taalla xadka Itoobiya iyo xerooyin barakacayaal oo ku yaalla gudaha Soomaaliya.”

Xeradan waxay soo saartay aqoonyahanno – arday qiimo leh oo loo ogolaaday jaamacadaha Ivy League ee dalka Mareykanka, sida jaamacadda Princeton, iyo sidoo kale jaamacadaha Kanada. Waxay kaloo soo saartay suxufiyiin aad u fiican, macallimiin, qoraayaal iyo xirfadlayaal kale,” ayuu yiri. “Markii la siiyo fursado la mid ah kuwa kale, da’ yarta Dhadhaab waxay wax badan ku biirin karaan dib u dhiska dalkooda.”

Waa kuma Cabdullaahi Mire?

Mire wuxuu ku dhashay Soomaaliya 1987.

Mire wuxuu ku dhashay Soomaaliya 1987. Mire wuxuu ku noolaa Dhadhaab 1990-meeyadii markii qoyskiisu ka carareen dagaallada dalka.

23 sano ayuu ku noolaa xerada qaxootiga wuxuuna ugu dambeym waxbarashadiisa jaamacadeed ku qaatay Jaamacadda Kenyatta ee dalka Kenya, taas oo uu ka qaatay shahaadada dibloomada ee saxaafadda iyo xiriirka dadweynaha sanadkii 2013.

Ka dib wuxuu uu la shaqeeyey Hay’adda Qaramada Midoobay ee muhaajiriinta, xafiisyadeeda Muqdisho iyo Baydhaba iyo Kismaayo.

Shaqadiisu waxay salka ku haysay hub ka dhigis, abaabul iyo arrimaha dib ula qabsiga bulshada, oo ujeedkeedu ahaa in dagaalamayaasha laga soo dhex bixiyo kooxahooda lagana caawiyo sidii ayagoo rayid ah ay u dhex gali lahaayeen bulshada inteeda kale.

Maxay tahay abaalmarinta uu ku guuleystay?

Waxa uu sheegay in qorshaha uu hadda yahay in la ballaariyo hawlaha caawinaadda dadka tabaaleysan oo ay gaaran meelo ka baxsan Kenya.

Abaalmarinta Nansen oo la bixiyo sannad walba, waxaa loogu magac daray sahamiyaha cirifka waqooyi ee dunida, una dhashay Norway, Fridtjof Nansen, oo soo noqday mas’uulka ugu sareeya hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay.

Ku guuleystaha abaalmarinta waxa uu helayaa billad xusuus ah iyo abaalmarin lacageed oo dhan $100,000, si dib loogu maalgeliyo dadaallada bani’aadamnimada.

Abaalmarinta sanadkii hore ayaa waxaa la guddoonsiiyay hogaamiyihii hore ee Jarmalka Angela Merkel, taasoo lagu ammaanay dadaalka ay muujisay intii ay xilka haysay si ay u difaacdo dadka ku barakacay colaadaha.

Hadda Cabdullaahi waxa uu nasiib u yeeshay inuu ku guuleysto abaalmarintaas oo lagu guddoonsiiyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*