Featured post

Trump oo ka digay ‘fowdo’ haddii aan dib loo dooran

Donald Trump ayaa Khamiistii wacad ku maray inuu ka adkaan doono Joe Biden, doorashada madaxweyne ee 2024, isaga oo ka digay in Mareykanka uu geli doono “fowdo” haddii aanu isaga kusoo laaban xafiiska.

Khudbadda Trump uu ka jeediyey hotel ku yaalla magaalada Manchester ee gobolka New Hampshire, ayaa imaneysa ayada oo ay sii kordhayaan dacwadaha sharci ee uu wajahayo.

Shalay, gabar qoraa ah oo ku eedeysay inuu kufsaday ayaa maalinkii labaad ku hor marqaati furtay maxkamad maddani ah oo ku taalla gobolka New York.

“Ikhtiyaarka doorashada waxay hadda u dhaxeysaa awood iyo daciifnimo, guul iyo guuldarro, ammaan iyo fowdo, nabad iyo colaad, iyo barwaaqo iyo masiibo,” ayuu Trump u sheegay in ka badan 1,500 taageerayaashiisa ah oo isku soo baxay.

“Waxaan ku dhex nool nahay musiibo. Adinka oo codkiina na siinaya November 5, 2024, dhulka ayaan ku dhufan doonnaa Joe Biden, waxaana dhameystiri doonnaa howlihii qabyada noo ahaa.”

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee Trump uu tan iyo bishii Janaayo kasoo muuqdogobolka New Hampshire oo guul u horseeday 2016-kii kadib markii looga adkaaday doorashadii gobolka Iowa.

Biden oo 80 jir ah ayaa Talaadadii ku dhowaaqay inuu mar labaad is-sharxi doono 2024, isaga oo ka digay in doorashada soo socota, si la mid ah tii hore, ay noqon doonto “dagaalka ruuxda.”

Mas’uuliyiin sare oo Jamhuuri ah ayaa sheegay in Trump, oo 76 jir ah, uu mar kale isku dayayo inuu guuldarreysto kadib markii uu doorashadii 2020 iyo doorashadii xilliga dhexe ee 2022 uu wiiqay Jamhuuriga.

“Jamhuuriga waxay doonayaan qof guuleysan kara November 2024. Donald Trump waa guuldarreyste,” waxaa sidaas yiri barasaabka gobolka New Hampshire Chris Sununu, oo la sheegay inuu ka fakarayo inuu is-sharxo.

Sagaal Senator oo Jamhuuri ah oo ka titasan Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa taageeray Trump, hase yeeshee kuwo kale ayaa ka digay in dacwadaha uu wajahayo ay wiiqi karaan rajada ay Jamhuuriga ka qabaan inay Aqalka Wakiilada kala wareegaan Dimoqraadiga sanadka dambe.

Inkasta oo uu wajahayo dacwado dhowr ah, haddana Trump ayaa codadka ra’yiga si xooggan uga horreeya xubnaha kale ee Jamhuuriga ee tartamaya, si gaar ahna barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis oo ah kan ugu soo dhow.

AFP

Donald Trump ayaa Khamiistii wacad ku maray inuu ka adkaan doono Joe Biden, doorashada madaxweyne ee 2024, isaga oo ka digay in Mareykanka uu geli doono “fowdo” haddii aanu isaga kusoo laaban xafiiska.

Khudbadda Trump uu ka jeediyey hotel ku yaalla magaalada Manchester ee gobolka New Hampshire, ayaa imaneysa ayada oo ay sii kordhayaan dacwadaha sharci ee uu wajahayo.

Shalay, gabar qoraa ah oo ku eedeysay inuu kufsaday ayaa maalinkii labaad ku hor marqaati furtay maxkamad maddani ah oo ku taalla gobolka New York.

“Ikhtiyaarka doorashada waxay hadda u dhaxeysaa awood iyo daciifnimo, guul iyo guuldarro, ammaan iyo fowdo, nabad iyo colaad, iyo barwaaqo iyo masiibo,” ayuu Trump u sheegay in ka badan 1,500 taageerayaashiisa ah oo isku soo baxay.

“Waxaan ku dhex nool nahay musiibo. Adinka oo codkiina na siinaya November 5, 2024, dhulka ayaan ku dhufan doonnaa Joe Biden, waxaana dhameystiri doonnaa howlihii qabyada noo ahaa.”

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee Trump uu tan iyo bishii Janaayo kasoo muuqdogobolka New Hampshire oo guul u horseeday 2016-kii kadib markii looga adkaaday doorashadii gobolka Iowa.

Biden oo 80 jir ah ayaa Talaadadii ku dhowaaqay inuu mar labaad is-sharxi doono 2024, isaga oo ka digay in doorashada soo socota, si la mid ah tii hore, ay noqon doonto “dagaalka ruuxda.”

Mas’uuliyiin sare oo Jamhuuri ah ayaa sheegay in Trump, oo 76 jir ah, uu mar kale isku dayayo inuu guuldarreysto kadib markii uu doorashadii 2020 iyo doorashadii xilliga dhexe ee 2022 uu wiiqay Jamhuuriga.

“Jamhuuriga waxay doonayaan qof guuleysan kara November 2024. Donald Trump waa guuldarreyste,” waxaa sidaas yiri barasaabka gobolka New Hampshire Chris Sununu, oo la sheegay inuu ka fakarayo inuu is-sharxo.

Sagaal Senator oo Jamhuuri ah oo ka titasan Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa taageeray Trump, hase yeeshee kuwo kale ayaa ka digay in dacwadaha uu wajahayo ay wiiqi karaan rajada ay Jamhuuriga ka qabaan inay Aqalka Wakiilada kala wareegaan Dimoqraadiga sanadka dambe.

Inkasta oo uu wajahayo dacwado dhowr ah, haddana Trump ayaa codadka ra’yiga si xooggan uga horreeya xubnaha kale ee Jamhuuriga ee tartamaya, si gaar ahna barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis oo ah kan ugu soo dhow.

AFP

Muhiimadda ay leedahay shahaadada ay UNESCO guddoonsiisay Ugaaska beesha Ciise

Muhiimadda ay leedahay shahaadada ay UNESCO guddoonsiisay Ugaaska beesha Ciise

Munaasabad lagu qabtay magaalada Dirir-dhaba ee dalka Itooboiya ayaa maanta shadaado lagu gudoonsiinayay ugaaska beesha Ciise, kadib markii dhawaan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ay si rasmi ah u aqoonsatay Xeer beesha Ciise, oo ah xeer qarniyo jiray oo ay ku dhaqmaan beesha.

Aqoonsashadan taariikhiga ah ayaa lagu saleeyay sida xeerkan uu u mideeyo bulshooyinka, uu u dhowro dhaqanka, uuna dhiiro galiyo bulshada geeska Afrika.

Ugaaska beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ib6rahim Ugaas Wacays ayaa sheegay in shahaadadan ay si gaar ah beesha iyo guud ahaan umadda Soomaalida ah uga dhigan tahay wax weyn oo u soo kordhay.

“Wax weyn ayey uga dhigan tahay maadama xeerkooda la aqoonsaday, lix boqol oo sano ka hor xeerkii aabayaasheen noo dhigeen in maanta adduunka aqoonasdo wax weyn ayey nooga dhigan tahay” ayuu yiri ugaaska oo intaas ku daray “Somaali oo dhan ayey sharaf u tahay, waa xeer Soomaali leedahay oo adduunka aqoonsaday.

Xeerkan ayaa la sheegay in muhiimad gaar ah uu leeyahay marka la fiiriyo taariikhda uu soo jiray iyo sida uu ku badbaaday mudada intaas la eg iyo sidoo kale qodobada ku qoran oo nolosha dhan walba taabanaya.

“Waxa ugu weyn waa waqtiga la dhigay oo ah waqti fog iyo sida loo ilaaliyay shan qarni ka hor xeer la dhigay oo ilaa hadda lagu dhaqmayo oo aan isbeddelin iyo xeerka oo marka la gudagalo wax kasta oo bulshada ku saabsan taabanaya”

Qodobada xeerkan ku jira waxaa ka mid ah qodobka dhigaya martigelinta qofka ka soo jeeda beesha ee taga meel kale oo reerku deggan yahay.

“Qofka jooga darafka ugu shisheeya waxa uu safrayaa isagoon sahay qaadan, reerkuu doonyo ayuu u hoyan karaa, hadii la martigelin waayo waa la xukumayaa reerkaas”.

Shaqsiga la martigelin waayo ayaa ku doodaya in reerkii aabihiis lagu qadiyay, waxay noqoneysaa qodob uu jabiyay qofka loo martiyay.

Ugaas Mustafa ayaa sidoo kale noo shegay in ilaa iyo labo sano muddo laga joogo ay guddi dhallinyaro ah oo isabaabulay ay howsha bilaabeen iyagana ay la shaqeeyeen sidasina ay ku timid aqoonsiga UNESCO.

Waxyaabaha xeerkan uu kaga duwan xeerarka kale ee beelaha Soomaalida ayaa la sheegay in ay tahay sida loogu dhaqmo iyo ixtiraamka loo hayo oo aan isbeddelin.


Xigashada Sawirka,IBRAHIM AXMED

Maxay UNISECO ku dooratay xeerkan?

Xeerka Ciisaha ayaa soo jiray sida la sheegay ku dhawaad 500 ilaa iyo 600 oo sano. Xeerka waxaa sameeyay 100 oday oo la soo xulay, waxaana lagu sameeyey magaalada Mile tuulo hoostagto oo la yiraahdo Waaruf, deegaankaasi oo u dhaxeeya magaalada Diridhaba ee Itoobiya iyo Jabuuti.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Xeer Ciise, oo ah xeer qarniyo jiray oo ay ku dhaqmaan beesha Ciise ee degta dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna ku dartay liiskeeda waxyaabaha dhaqanka aadmiga la xiriira.

Aqoonsashadan taariikhiga ah ayaa lagu saleeyay sida xeerkan uu u mideeyo bulshooyinka, uu u dhowro dhaqanka uuna geeska Afrika ugu dhiirrigeliyo caddaaladda.

In xeerkan ay aqoonsato UNESCO ayaa waxaa si wada-jir ah u gudbiyay dad kasoo kala jeeda Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya, waxaa lagu ansixiyay fadhigii 19aad ee guddi-goboleedka hay’adda kaasoo lagu qabtay magaalada Asunción, ee dalka Paraguay.

Waxyaabaha kale ee xeerkan ay ku dooratay UNESCO waxa ka mid ah sida uu u xoojiyo qeynuunnada caalamiga ah sida xuquuqda haweenka iyo carruurta, dhowridda deegaanka iyo xallinta khilaafaadka.

UNESCO ayaa ammaantay hannaankan oo ay u aragtay inuu tusaale dhif ah u yahay dhaqanka sharciga ah ee nool kaasoo dhiirrigelinaya dowlad-wanaagga iyo iskaashiga isagoo sidoo kale wax ka qabanaya caqabadaha maanta sida xallinta khilaafaadka iyo dhowridda deegaanka

Waaiir ku xigeenka Awqàafta

Ciro , oo xilal u magcàbay kooxdii Warsangeli ee k uu tàgeeri jirtay Abtinimada iyo Xididnimada.

Horjooge Ciro,Xilalka uu u magcaabay beesha Warsangeli waxa ka mid ah wasiir ku xigeenka Awqàafta, oo shaqada wasiirkiisku ay tahay inuu Iclàaminta dhalshada bisha barkaysan èe Ramadan., hase ahaatee aan la garanayn shaqada uu ku xigeenku qabanayo.

Ciro, wuxuu kale ee u bèshe Warsangeli u magcaàbay horgale kale oʻ aan weligiis Bari u soo dhaafin magaalada Shèekh aan ka ahyn dhow mar uu soo raacay siyaasiyin soo gaaray Ceerigaabo.

Horgalahan cusb ayàa ah jilkii labaad oʻ ku dhashay Berebera.

Hoʻs ka daawo

Booliska Puntland oo qoranayaa 500 oo dhallinyaro

Dhallinyarada waxbaratay ee Puntland ayaa loogu baaqayaa inay ku biiraan ciidanka booliska, si hlkaasi ay uga helaan fursado shaqo islamarkaana ay u daboolaan baahida loo qabo boolis xirfadle ah oo ku shaqeyn kara nidaamka casriga ee Technoolojiga.

Sanidihii u dambeeyay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya waxaa kusoo badanayay dhallinyarada aqoonyahanka ah ee ku biiraya ciidamada.

Taliska booliks Puntland ayaa sheegay inay soo gaareen codsiyo ilaa 800 oo ah dhallinyaro doonaya inay biiraan booliska, kuwaas oo 500 boqol ka mid ah ay shaqaaleysiin doonaan

Wax ka ogow ciidamada Haramcad iyo Gorgor ee markale hadal haynta dhaliyay

Wax ka ogow ciidamada Haramcad iyo Gorgor ee markale hadal haynta dhaliyay

Shantii sano ee uu madaxweynaha ahaa Maxamed Cabudullaahi Farmaajo magaca ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad ee Soomaaliya iyo kuwa kumaandooska Gorgor ayaa wuxuu aad ugu jiray wararka Soomaliya, marar bandanna wuxuu ka muuqday ciwaannada warbaahinta Soomaalida, haddase dowladdan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale magacooda aad loo hadal hayaa ka dib markii la sheegay in qaar ka mid ah ciidamadaan la geeyay deegaanka Raaskambooni.

11-kii Bishan December ciidmada dowladda federaalka ah oo ay Haramcad ka mid ahaayeen ayaa waxa uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Raaskambooni kaas oo labada dhinac midba midka kale ku eedeeyay inuu weerarka soo qaaday. Khasaare aan si rasmi ah aan loo shaacin ayaa ka dhashay.

Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay in ciidamadaas Raakambooni loo geeyay inay buuxyiyaan goobihii ay banneeyeen ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS balse maamulka Jubaland ayaa gaashaanka u daruuray hadalka dowladda waxa ayna ku andacoodeen in ciidaankaas Meesha loo geeyay in maamulka Axmed Madoobe lagula dagaalamo.

Dowladda ayaa ku eedeysay madaxweynaha maamulka Jubaland inuu go’aansaday inuu iska horkeeno labada ciidan, iyadoo intaasi raacisay in ciidamadu aaney amar u haysan in ay la dagaallamaan cid aan ka ahayn Al-Shabaab.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha Jubaland Aadan Axmed Xaaji oo maalintii dagaalku dhacay qabtay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaal saacado badan qaatay ay ciidamada maamulkiisu kula wargeen deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose.Wuxuu ku eedeyay dowladda federaalka in ciidamadii caalamku u tababaray ay si qaldan u adeegsatay, isagoo sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku qabteen ciidan hub iyo gaadiid isla markaana ay jiraan ciidamo ka dhaawacmay dhanka dowladda oo ay gacanta ku hayaan, waxaana uu xusay in si wanaagsan loola dhaqmayo ciidamadaas

Ciidamada Haramcad iyo kuwa Gorgor ayaa waxay ka fuliyeen gudaha waddanka tobanaan hawlgal oo ka dhan kooxda Alshabaab, balse eedeynta ku saabsan ku luglahaanshooda arrimaha siyaasadda ayaa dhaliyay hadalhaynta ugu badan.

Eedeymo badan oo loo jeediyay madaxda cidamadaas ayaa marar badan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliyeed u gudbiyeen dawladda Turkiga oo Soomaaliya ka caawisay tababarkooda. Siyaasiyintii mucaaradka ahaa ee markaasi eedeynayay waxaa ka mid ah madaxweynaha haatan talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Meelaha horay loo geeyay ee muranka badan uu ka dhashay waxaa ka mid ah gobolka Hiraaan oo ay ka jirtay xiisad siyaasadeed, taasoo si weyn loo cambaareeyay. Balse dowladda Farmaajo ee xilligaasi ayaa sheegtay in ciidammadaasi loo adeegsaday sugidda amniga iyo la dagaalanka Shabaab oo kali ah.

Ciidanka Haramacad ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa ciidankii la geeyay magaalada Baydhaba xilliga doorashada Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale loo daabulay qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Hase yeeshee markii ay talada la wareegtay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dad badan waxa ay is weydinayeen waxa ciidamada Haramcad ka yeeleyso.

Waraysi ay BBC du 7-dii Luuliyo ee 2022 la yeelatay agaasimahii warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige, ayuu ku sheegay in ciidmadaas ay u shaqayn doonaan sida rasmiga ah ee booliska Soomaaliye u hawlgalo.

Dige ayaa yiri: “Awaamiirta iyo qorshayaasha iyo hawlaglinta taliyayaasha booska Soomaaliyeed uu qabo ayay ku shaqeynaayaan booliska kale ee Soomaaliyeed ayayna ka mid yihiin.”

Maxay yihiin Ciidamada Harmacad?

Inta badan hubka ay wataan ayaa ah mid fudud, waxaana ay u carbisan yihiin hawlgallada qorsheysan.
Qoraalka sawirka,Inta badan hubka ay wataan ayaa ah mid fudud, waxaana ay u carbisan yihiin hawlgallada qorsheysan.

Ciidanka Haramacad oo ka tirsan booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la asaasay markii uu xukunka qabtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana ciidan si gaar ah loogu tababaray ka hortagga rabshadaha iyo dagaallada ka dhaca magaalooyinka.

Ciidankan oo tiro ahaan lagu qiyaasay kun askari ayaa waxaa tababaray dowladda Turkiga oo gudaha dalkeeda u qaada, halka qaarna ay tababarka ku qaataan xerada TurkiSom ee Muqdisho.

Inta badan hubka ay wataan ayaa ah mid fudud, waxaana ay u carbisan yihiin hawlgallada qorsheysan.

Tuutaha ay wataan askarta Haramacad ayaa ah mid ka duwan ciidamada kale ee booliska, waxaana intooda badan ay horay uga tirsanaayeen ciidanka nabadsugidda Soomaaliya ee NISA, sida aan ka soo xiganay saraakiil horay u maamuli jirtay.

“Ciidamadan waxa ay intooda badan ka mid ahaayeen askartii NISA ee hubka sitay, balse dowladda hadda jirta ayaa u bedashay booliska sida gaarka ah u tababaran. Waxa ay u badan tahay in magacooda Haramacad lagu saleeyay midabka tuutaha ay xiran yihiin,” ayuu yiri Cabdisalaam Guuleed, taliye kuxigeenkii hore ee NISA.

Maxay yihiin ciidamada Gorgor?

Waa ciidan kamid ah xoogga dalka, Turkiga ayaa u tababaray Dowladda Soomaaliya
Qoraalka sawirka,Waa ciidan kamid ah xoogga dalka, Turkiga ayaa u tababaray Dowladda Soomaaliya

Doiowladda Soomaaliya ayaa dhamaadkii bishii hore sheegtay in ay ciidamo ka dejisay Raaskaamboni oo ka tirsan degmada Badhaadhe. Dowladda aya sheegtay in cutubyo ka tirsan ciidamada Gorgor gaar ahaan guutada 18aad ee kumandooska halkasi la geeyay, kuwaas oo la sheegay in ay lawareegayaan goobaha ay a ka baxeen ciidamada ATMIS, sida lagu daabacy barta X ee SNTV.

Ciidamadaan ayaa waxaa horay siyaasiyiin uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Sheekh ugu eedeyeen in hawlgallo siyaasadeed loo adeegsaday.

Ciidamadan ayaa waxaa horay loogu eedeeyay inay fuliyeen howlgallo ka dhacay gobolka Gedo, Dhuusamreeb iyo ”weerar la sheegay in lagu qaaday madaxweynayaashii hore 19-kii Febraayo 2021 oo kadhacay Muqdisho.

Waa ciidan kamid ah xoogga dalka, Turkiga ayaa u tababaray Dowladda Soomaaliya, tiradiisu waxa lagu qiyaasaa inay u dhaxeyso 5kun ilaa 6kun, waxaana xarun u ah xerada Turksom oo ah saldhigga ee ciidan ee Turkigu ku leeyihiin meel ka baxsan dalkooda.

Gorgor ciidan ahaan waxa uu hoos tagaan taliyaha ciidanka lugta.

Dhanka kale, dawladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababarta ciidmada kumaandooska Gorgor ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii la doortay safar uu ku tagay wadanka Turkiga wuxuu ku booqday xerada Isparta ee lagu tababaro ciidmada Soomaalida.

Agaasimihii xilligaasi Dige oo ay BBC-du wax ka weydiinay shaqada ciidamadaan ayaa sheegay in ay tagi doonaan furimaha.

“Ciidmada horay waa u dhacday in siyaasad loo isticmaalo,” ayuu yiri Dige.

“Laakiin madaxweynaha waxaa ka go’an ciidamada in ay siyaasadda ka madaxbanaanaadaan oo ay ku shaqeeyaan dastuurka qaranka.”

Hogaanka Khariban

Madaxeeynaha Somaaliya Culusoow, oo si kala duwan ula dhaqma siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo jeeda Beelaha Daarooʻd iyo Hawiye.

beelaha Hawiye ee ay ka soo jeedaan siyaasiyiinta mucaaradka ah Sida Raisulwasarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo isagu ka soo jeeda beesha Murursade ee Hawiye, madaxweynuhuu wuxuu ku kala fu furay beeshaas xilal uu u magcaabay oo ay ugu danbeeyeen Safiir iyo Agaasime

Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo ka soocjeeda Beesha Murursade ayaa loo magacaabay inuu noqdo agaasimaha guud ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha.

Madaxweynu wuxuu isla asbuucan Safiirmka Uganda u magcaabay Fardowso Maxamed Qanyare Afrax oo ka soo jeeda isla beeshas

Marka ay timaado beesha Daarood, madaxweyne Culusoow wuxuu isticmaalaa qaacidada oranaysa ” lafo Maroodi iyagaa laysku jebiyaa oo had iyo jeer wuxuu ka shaqeeyaa sida beelaha wada degan ee wada dhashay ee Jubbaland iyo Puntland uu madaxa isugu gelin lahaa fidnona ka dhex abuuri lahaa.

Madaxweynuhu had iyo jeer wuxuu ka dhex xushaa beesha Daarood Rag aad u liita oo marka ay beesha dhex joogaan aan sharaf iyo karaamo ku lahayn, waxar jabana lagu aaminin sida Firdhiye, cali Xoosh, Ina Diyaano, Geesood iyo Bidhaan.

Allsanaag,com

Suuriyaanka ku sugan Muqdisho oo u dabaal-degay ridistii Asad

Suuriyaanka ku sugan Muqdisho oo u dabaal-degay ridistii Asad

Dadka u dhashay Suuriya ee dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka socday in ka badan 13 sano dartiis ku kala baahay meelo badan oo caalamka ah ayaa mustaqbalka dalkooda ka muujinaya farxad iyo taxaddar ka dib markii Axaddii ay jabhadaha hubeysan soo afjareen in ka badan 50 sano oo qoyska reer Asad ay ka talinayeen dalkaasi.

Qurba joogta Suuriya ayaa si weyn u soo dhoweeyey in Bashar Al-Asad oo dalkaasi u horseeday dagaal sokeeye hadda talada laga eryay, laakin waxa ay il-gaar ah ku eegayaan sida jabhadaha is-biirsaday ay uga dhabeeyaan in Suuriya ay ka dhisaan dowlad loo dhan yahay, oo ku dhisan xorriyad iyo dimoqraadiyad.

Meelaha ay Suuriyaanku u qexeen waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho, halkaasi oo bulshadaasi ay dareenkooda ka dhiibteen xaaladda cusub ee uu galay dalkoodii hooyo.