1st December 2022  admin  Category :

Sadexdii Xildhibaan ee Warsangeli ee beelahooda ka boobay xubnaha baarlamaanka Puntland oo ku wada sugan Muqdisho

Cabdi jamaal, oo xubinta baarlamaanka beesha Ugaaryahan ee Dubeys ka boobay Sodogiis, Yuusuf Siciid, Dhoore oo beeshiisa reer Saalax xubinimaddi baarlamaanka Puntland ka boobay siyaasiyiintii beeshiisa Shirdoon iyo Black isaga oo isim adeegsanaya ayaa markii danbe sababtay in beeshiisu ay samaystaan Isimo kale iyo Dhooba daareed oo hadda isagu laga qaaday xubintii baarlamaanka Puntland, hase ahaatee markii hore ee la dooranayey ka boobay xubinta baarlamaanka Saynab Tiimbiye ayaa hadda Muqdisho u jooga in maamul ka baxsan Puntland u sameeyaan beesha Warsangeli

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhooba Daareed, oo sidoo kale dhawaan lagala noqday xasaanadii xildhibaannimo, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Dhooba Daareed ayaa la dejiyay hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho kadib 24 saac uu daganaa hotel Paradise oo ku yaalla meel u dhaw Airport-ka Muqdisho.

Qorshaha socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in ay ka dambeysay dowladda Soomaaliya isaga iyo siyaasiin kale oo degaanada Puntland xilal kala duwan uga soo qabtay maamulkaaS

Magaalada Muqdisho waxa horay ugu sugnaa Xildhibaan Cabdi Jamaal Iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore oo ka mid ah baarlamaanka Puntland, hase ahaatee hadda ka mid noqday jabhadda uu asaasay madaxweyne Farmaajo ee lagula dagaalamayo maamulka Puntland

https://allsanaag.com/yaa-noqonaya-gudoomiyaha-baarlamaanka/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*