26th July 2024  admin  Category :

Shanta  Murashax ee u taagan Gudoonka Baarlamaanka, Murashaxiinta madaxweyne yeey wada socdaan , sidee ku soo baxeen markii ay noqonayeen Xildhibaanka?

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, wuxuu ka soo jeedaa beesha Bah Majeerteen. Doorasho ayuu ku soo baxay. Waa nin isku kalsoon Qabiil iyo Isim toona kuma tiirsana markii uu soo baxayey. Wuxuu leeyahay asxaab siyaasadeen oo ka baxsan Maakhir. uuna ka mid yahay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas

Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobadaareed), wuxuu ka soo jeedaa beesha Bih Idoor, doorasho kuma soo bixin, oo ka mid noqoshada baarlamaanka Puntland  suuq madow ayuu ku soo  dhamaystay . Murashaxan Koox aan la aqoon oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya  ayeey wada socdaan oo maal gelinaya, Waxayna u badan tahay Villa Wardhiigleey

Xildhibaan  Cabdi Jamaal Maxamed, wuxuu ka soo jeedaa beesha Dubeys, Cismaan Ugaaryahan doorasho kuma soo bixin,  isaga iyo Sodogiis ayaa isku haystay Xildhibaanimada. Suldaan Saciid ayaa u saxiixay. Waxay wada socdaan oo maal geliyey  Asad Cismaan Diyaano

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore, wuxuu ka soo jeedaa beesha Reer Saalax. doorasho kuma iman oo waxa daadihinayey . Ilaa hadda waa madax banaan yahay. Lamana saadaalin karo waxay siyaasadiisu noqon doonto. Sababtoo ah waa nin isbedel badan.  Dadka qaarkiis waxay noo sheegeen inaanu la qabsan karin Puntland oo uu l jaan qaadi karo maamulka Hargaysa

Cabdiraxmaan cali Jibriil, wuxuu ka soo jeedaa beesha Gaashaanbuureed. Wuxuu ka mid ahaa Xildhibaanadii hore. Ma jirin murasahax ka soo jeeda beelaha Gaashaanbuuree oo la tartamay. Mana jiro Oday dhaqmeedyada beelaha Gaashaanbuureed oo diidan Xildhibaanimadiisa. Isanagana waxa lagu xantaa inuu ka mid yahay ururka Ictisaam

Ugu danbayntii dhamaantood guul ayaan u rajeenaynaa, kii soo baxana Hambalyo ayaanu leenahay. Lagama yaabo inan taageerno ama u sacab tuno  nin maanta Xildhibaan ku noqday kala qaybinta beeshiisa oo ugu xoog sheegtay lacag iyo Isimka beesha  oo habeen ka xiga xildhibaankii kale reer Maakhir ee la tartamayey, isaga oo ka shaqaynaya lugooyada Puntland iyo shacabkareer  Maakhir isaga oo dhanbaal ka soo qaaday cadowga Puntland.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*