Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xubinnimadii ka qaaday xubno ka tirsanaa FEIT soona saaray awaamir ku saabsan doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xubinnimadii ka qaaday xubno ka tirsanaa FEIT soona saaray awaamir ku saabsan doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu bogaadinayaa dadaalka Guddiga FEIT iyo guddoonkooda iyo xoghayeyaasha Guud ee Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee ku aaddan hirgelinta Jadwalka dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, waxa uuna sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu u hambalyaynayaa Xubnaha Baarlamaanka ee ilaa hadda qaatay Shahaadada xildhibannimo.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa ku boorrinayaa xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u qaataan shahaadada xildhibaannimo una diyaar garoobaan dhaarinta xildhibaannada si ay u bilaabaan gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

Dhinaca kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka war hayaa ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday, kuwaas oo la doonayay in lagu carqaladeeyo hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT taas oo muujinaysa damaca xafiisyada qaar ay ku doonayaan in ay ku hor istaagaan dhammeystirka doorashada dalka una weeciyaan jiho kale.

Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha oo gudanaya waajibaadka ka saaran dhammaystirka doorashooyinka dalku, markii uu arkay falalka la isku dayayo in lagu carqaladeeyo hirgelinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada.

Markuu arkay warqadda sumadeedu tahay GHDHF/104/03/2022 ee ka soo baxday Gudoomiyaha Guddiga FEIT kuna saabsan in xubno ka tirsan guddigu ku keceen falal ka baxsan anshaxa shaqada oo lagu hor istaagayo habsami u socodka shaqada guddiga, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu go’aamiyay;

Waxaa xubinnimada guddiga laga saaray

1. Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo lagu baddelay Mudane Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir

2. Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam oo lagu baddelay Mudane Xasan Cali Yuusuf

Waxaa sidoo kale digniin kama dambeys ah la siiyay xubnaha kala ah:

1. Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur

2. Cabdinaasir Maxamed Guuleed

3. Cabdijabbaar Cabdullaahi Faarax

4. Axmed Aadan Dagaal

5. Sacdiyo Xasan Xuseen

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu uga digayaa xubnaha ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, Shaqaalaha rayidka ah iyo xukuumadda in ay ka waantoobaan falalka isugu jira cabsi gelinta iyo musuqmaasuqa ee ay ka dhex wadaan heerarka kala duwan ee guddiyada maamulka doorashooyinka, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan haddii ay falalkaas ku sii socdaan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in baaris deg deg ah lagu sameeyo isku daygii galabnimadii 04/04/2022 ee xubnaha laga saaray guddiga FEIT iyo kuwa loo digay ku carqaladeeyeen habsami u socodka howsha shahaaddo bixinta ee guddigu wado, waana in taliyuhu mas’uuliyad gaar ah iska saaro amniga iyo badqabka goobaha ay ka socdaan howlaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu farayaa Guddiga FEIT in ay dardar geliyaan shaqadooda isla markaana ku taagnaadaan hirgelinta jadwalka diiwaangalinta iyo dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal.

Ugu danbayn, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in ay jiraan isbaheysiyo gudaha iy dibadda ah oo lagu doonayo in lagu hor istaago dhammeystirka howlaha doorashooyinka, si dalka looga abuuro degganaansho la’aan amni iyo mid siyaasadeed, sidaas awgeedna waxa uu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan una diyaar garoobaan sidii looga hor tagi lahaa duullaankaas ka dhanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, loona xaqiijin lahaa dhammeystirka doorashada oo mareysa heer gebogebo ah.

Alshabaab oo la murugooday reer Hargaysa

Madaxda Alshbaabku Soomaalida isugu mid maaha

Dhowr cisho ka hor maleeshiyaadka Alshabaab waxay soo weerareen magaalada Af Urur, oo ay ku ogaayeen inay ku sugan yihiin Askar ka soo jeeda beesha Harti ee Daarood, halkaas waxay ku dileen Afar qof. Saacado ka dibna waa sheegteen waana ku faaneen dilkooda. Maaha markii ugu horaysay, marar hore ayeey sidan oo kale sameeyeen oo ay xasuuq ka gaystaan Buuraha Calmadow iyo Boosaaso.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somaaliya Alshabaabku waxay ku dileen Kumaakun Soomaali ah oo isugu jira Waayeel, Caruur iyo Haween. Waxay burburiyeen Malaayiin doolar oo hanti ah. Mar kasta oo falkaas argagixisnimada ah ay sameeyaana waa sheegtaan. waana ku faani jireen. Marna kama ayna qoomamayn xasuuqyada ay gaystaan. Hal maalin ayeey dilaan 1000 qof, marna ma sheegin in xasuuqu si khaldan u dhacay. Waa ugu soo talo galaan inta ugu badan oo Hawiye iyo Daarood ah oo ay dili karaan

Sidan oo kale xasuuqa ay Soomaalida u gaysanayaan waxay ka sameeyeen guud ahaan Koonfurta Soomaaliya, Mar walbana waa sheegan jireen waana ku faani jireen iyaga oo ku jees jeesaya shacabka Muslimiinta ah ay xasuuqayaan oo tacsida u fadhiya

Maalmo ka hor masiibo ayaa ka dhacday magaalada Hargaysa ee caasimadda waqooyi galbeed oo waxa ka kacay dab ay hanti badani ku luntay, hase ahaatee ayna ciddi ku dhiman. Saacado ka dib kooxdii Alshabaab ee hantida Koonfurta Soomaaliya iyo Puntland burburin jirtay, kuna faani jirtay inta qof ay ka dileen ayaa soo saartay qoraal ay leeyihiin ” “Waxaan fursadaan uga faa’iideysaneynaa in aan la qeybsano walaaleheena ku dhaqan magaalada Hargeysa murugada ku aadan musiibada weyn ee ka soo gaaray dabkii xooganaa ee ka kacay suuqa magaalada, waxaan Allaah weydiisaneynaa inuu idinka ajar siiyo, musiibadaasna kheyr idin kugu bedelo” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xarakada.

Ugu danbayntii Soomaaliya kama jirto masiibo ka weyn alshabaab, waxay ku faanaan duminta hantida iyo dilka shacabka Puntland iyo koonfurta Soomaaliya oo ay iyagu gaystaan , haddase waxay sheegayaan inay ka xun yihiin dab ka dhashay Korontada, taasina waxay ku cadaynaysaa madaxda Isaaq ee alshabaab hogaamiyaa iyo Faysal Cali Waraabe inay Soomaaliya diidnimada iskaga mid yihiin.

Waa Xildhibaanad Federaal ah oo ka xanaaqsan, sidee Inaga oo Isaaq ah inoo siin karaan dhowr iyo milyan oo doolar reer Koonfureedku. Weli lama dhaarin

ALLSANAAG.COM

Shuruud ayaa loo baahan yahay

Lacagta dawladda federaalku ugu deeqday Hargaysa ma sidii kuwii caalmku Hargaysa siin jireen oo sida khaladka ah loo isticmaali jiray ayaa loo isticticmaalayaa mise dadka ay dhibaatada dabku soo qaartay ee loogu talo galay ayaa la gaarsiinayaa.

Sodon sano, bulshada caalamku deeqo lacageed ayeey maamulka Hargaysa siin jireen , hase yeeshee lacagahaas qaarkood si khaldan ayeey u isticmaali jireen maamulkaas, oo waxa la gelin jiray gaadiid dagaal oo lagu gubayo degaano kale ee Soomaaliyeed ilaa haatan qaarkood xoog ku joogaan degaanadaas.

Hadaba soo ma mudna in lacagtan Soomaali oo dhami ay ka soomanayd in shuruud lagu xiro, taas oo ah in a gaarsiiyo dadkii loogu talo galay oo qura oo ah dadkii dabku khasaaruhu gaarsiiyey oo aan loo isticmaali karin siddii horay u dhici jirtay Gadiid dagaal oo lagu dhibayo bulshada Soomaaliyeed ee gobolada Sanaag iyo Sool.

Ma Tahay Wax Wanaagsan?

Maamulka magaalada Hargeeysa ayaa warqad qoraal ah soo dhigay boggooda Facebook. Warqadan ayaa waxa ku qoran sanduuqyo lagu soo diri karo wixi kaalma ah ee lagu caawinayo dadka xoolahoodii ay kaga gubteeyn suuqa.

Waxaa cajiib ah in dadkii hantida ku waayey suuqa ee caawinaadda u baahanaa, in maamulka ka jira meeshaas uu siyaasadeenayo. Hadaba warqadan hoosta ku qoran waxa kalliya caawimaad looga baahan yahay dawladdaha caalamka iyo dadka ka soo jeeda deeggaanada maamulkaas ee ku dhaqan gudaha iyo debbedda. Soomaalida kale meel kasta oo ay joogaan ayaan waxooda loo baahneen. Ma tahay wax wanaagsan?

Liiska Xildhibaanadii maanta qaatay shahaadooyinka xubinimada BFS

Maanta oo ay ahayd maalintii labaad ee Bixinta Shahaadada Xildhibaanimo ee ka socotay Xarunta Guddiga FEIT, Waxaa qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanada hoos ku qoran, kuwaas oo isugu jira Mudanayaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare, oo ka kala yimid; Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Somaliland, Puntland iyo Jubband.

1. Sheikh Adan Madoobe GSH#189

2. Shariif Abdalla GSH#085

3. Abdillahi Abdi Mohamed GSH#264

4. Hussein Mohamed Nur GSH#051

5. Ahmed Abdi Hashi (Ahmed Taajir) GSH#166

6. Mohamed Abdullahi Keyse GSH#073

7. Sadiya Yasin Haji Samatar GSH#129

8. Hassan Abdi Ismail GSH#217

9. Omar Ibrahim Hashi GSH#114

10. Roda Arab Abdi GSH#219

11. Khadra Mohamed Tukale GSH#274

12. Sahra Olad Abdi GSH#018

13. Zamzam Dahir Mohamud AS#12

14. Leila Ahmed Ismail AS#37

15. Ahmed Mohamed Ali AS#21

16. Noradin Abdullahi Olujog GSH#246

17. Zamzam Abdullahi Ahmed AS#24

18. Abdirahman Mohamed Hussein GSH#069

19. Fartun Abdikadir Farah Karama AS#19

20. Yusuf Hussein Ahmed Gama’diid GSH#031

21. Ali Shaban Ibrahim AS#23

22. Prof/Dr. Osman Mohamud Mohamed (Dufle) AS#20

23. Salah Ahmed Jama AS#34

24. Guled Bihi Abdi GSH#255

25. Ahmed Osman Dirie GSH#233

26. Abdinur Ali Aden GSH#028

27. Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#107

28. Abas Ali Ibrahim GSH#111

29. Mohamed Abukar Ali GSH#025

30. Adar Hared Jibril GSH#132

31. Mohamed Abdurahman Nadif GSH#124

32. Bihi Iman Egeh GSH#237

33. Abdiqani Ismail Said GSH#241

34. Mohamoud Abdirahman Omar GSH#272

35. Adnan Osman Elmi GSH#236

36. Omar Yusuf Qaladid GSH#136

37. Ahmed Mohamud Jama GSH#029

38. Nasro Mahdi Arale GSH#023

39. Leylo Nur Maah AS#07

40. Sahra Jama Ali GSH#134

41. Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#127

42. Hassan Dahir Yarow AS#05

43. Zaynab Mohamed Amir GSH#267

44. Asad Abdirisaq Mohamed GSH#120

45. Yusuf Mohamed Ismail GSH#118

46. Ilyas Badal Gabose AS#01

47. Mohamed Hassan Adam GSH#133

48. Hamza Abdi Barre GSH#203

49. Abdi Hashi Abdullahi AS#33

50. His Hassan Adan GSH#015

51. Farhiyo Mohamud Dhakane GSH#052

52. Maryan Mohamud Isse GSH#226

53. Mohamud Abdirahman Sheikh Farah GSH#003

54. Osman Mohamed Abdi GSH#022

55. Fadumo Hassan Ali GSH#210

56. Abdi Ibrahim Warsame GSH#196

57. Abdulkadir Mohamed Wa’ays GSH#112

58. Mowlid Abdi Mohamed GSH#130

Ugu danbeyn waxaan bogaadinaynaa Xildhibaanada Labada Aqal qaatay Shahaadada, waxaana sidoo kale ku boorrinaynaa inta dhimman ee aan wali qaadan ku dedaalaan sidii ay ku qaadan lahaayeen , si aan uga dhabeyno Jadwalka Dhammeystirka Doorashada.

Mahad Ballaaran!

-Dhammaad-

Meeshee la Isaga Yimid?

Hadii masiibo ay dhacdo dabcan sabab ayaa jirta ay masiibadaa u dhacday. Qofka shakhsiga ah, dadka degan dal ama deggaan gaar ah, ayaa ay tahay in ay is weeydiiyaan sababta ay masiibo ugu habsatay. Illaahay ayaa garanaya waxa suuqa gubtay ee Hargeeysa uu sababsaday, balse waxaan is leeyahay arrimo badan oo jira darteed ayaa sabab u ah.

Mida ugu weeyn ee lagula kacay dadka Raxanweeynta ayaa ah mid aad u weeyn oo aan la illoobi karin. Waxaan la soconaa in dadka Raxanweeynta laga soo masaafuriyey deegaanadaas oo weliba maamulka uu amarkaas bixiyey. Dad badan ayaa taageersanaa in dadkaas aan waxba galabsan hantidooda laga dhaco, waana laga dhacay oo dadkii oo aan waxba sidan ayaa gawaari lagu soo daabulay sidii xoolihii.

Qaar badan oo dadkaas ka mid ah waxaa la kala tarxiilay waalidkii iyo carruurtiisii. Bal ka waran hooyo keligeed gaari la saaray, carruurteediina aysan jirin meel ay ku sheegto, miyuu jiraa walwal ka weeyn? Hadaba ma kula tahay in dulmigaa dadkaas loo geeystay oo weliba hantidoodii lagu dhacay uu meel la’aan dhacayo? Dadkii dhibka loo geeystay cafis lama weeydiisan oo sidaas ayaa wixii ay sannadaha badan soo tabcayeen lagu xallaaleeystay. Dib aan u milicsano muuqaaladii laga soo duubay xiligaas dadkii sabab la’aanta loo soo tarxiilay.

Ra’isul Wasaare Imran Khan oo ka badbaaday mooshin xil ka-qaadis ah

Ra’isul Wasaare Imran Khan oo ka badbaaday mooshin xil ka-qaadis ah


Ra’isul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa Axadda maanta ah ka badbaaday tallabo lagu doonayey in xilka looga tuuro, kadib markii guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka uu hor istaagay mooshin kalsooni kala noqosho ah oo uu ku tilmaamay mid aan dastuuri ahayn.

Inkasta oo uu badbaaday, hadana jihada Khan weli cadda, iyadoo mooshinkan uu horseeday xasillooni darro siyaasadeed oo cusub oo ka dhacda waddanka heysta hubka nukliyeerka ah ee 220-ka milyan oo qof ah.

Mucaaradka ayaa isla markiiba wacad ku maray inay kahortagayaan horistaagga codbixinta, oo uu sameeyay xubin ka tirsan xisbiga Ra’iisul Wasaaraha, halka Khan uu kula taliyay madaxweynaha dalka inuu kala diro Baarlamaanka, isagoo dadka Pakistan u soo jeediyay inay u diyaar garoobaan doorashooyin cusub.

Image

“Waxaan talo ugu soo jeediyay madaxweynaha in uu kala diro goleyaasha,” ayuu yiri Khan oo khudbad ka jeedinayay telefishinka, laakiin Bilawal Bhutto Zardari oo ah madaxa xisbiga mucaaradka ah ee Pakistan People’s Party (PPP) ayaa ballan qaaday in ay fadhi ku yeelan doonaan xarunta baarlamaanka, isagoo saxaafada u sheegay inay dacwad u gudbin doonaan maxkamadda sare.

Mucaaradka ayaa Ra’isul Wasaare Khan ku eedeynaya inuu ku guul dareystay soo nooleynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Waxa uu sheegay Khan, isaga oo aan soo qaadan wax caddeymo ah in tillaabada xilka looga tuurayo ay ka dambeeyeen Mareykanka, hadalkaas oo ay Washington hore u beenisay.

Ma jiro Ra’iisul Wasaare dhammeystay muddo xileedkiisa shanta sano ah tan iyo markii Pakistan ay xornimada ka qaadatay Britain sannadkii 1947-kii, waxaana dhowr jeer oo hore soo maamulay Pakistan Jeneraallo, kuwaas oo sannad walba khilaaf xooggan kala dhexeeyay waddanka ay deriska yihiin ee Hindiya oo ku hubeysan hubka Nukliyeerka.

Aadan Madoobe” Xildhibaanada KGS qaata Shahaadadiina”

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe “ Xildhibaanada walaalaheyga ah ee KGS waxaan leeyahay dib u dhac kale oo doorasho sabab ha u noqonina ee qaata Shahaadadiina”

Waxaa maalintii labaad si habsami leh xarunta dhexe ee guddiga doorashooyinka heer federaal uga socota diiwaangelinta iyo shahaado siinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka 11-aad.

Xubno ka mid ah kuwa Koonfur Galbeed ku metalaya Baarlamaanka oo ay  hoggaaminayaan Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Shariif Maxamed Cabdalla ayaa maanta lagu bilaabay shahaado bixinta.

“Waxaan ku boorrinaynaa mudanayaasha kale inay yimaaddaan Xarunta si looga dhabeeyo Jadwalka dhammeystirka doorashada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo ku fadhiya kursiga HOP#189 ayaa saakay lagu bilaabay shahaado siinta xildhibaanada cusub, sidoo kale waxaa qaatay Xildhibaan Shariif Cabdalla oo ku fadhiya HOP#085, Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur oo ku fadhiya HOP#051 iyo Xildhibaan Cabdillaahi Cabdi Maxamed oo ku fadhiya kursiga HOP#264 ayaa qaatay shahaadooyinka xildhibaanimo ee BJFS.

Gaas: Waxa is haysta guddiga doorashada ma’ahan ee cid kale ayaa ka dhex hadlaysa

Gaas: Waxa is haysta guddiga doorashada ma’ahan ee cid kale ayaa ka dhex hadlaysa

Magaalada Muqdisho waxa ka socota shaahada siinta xildhibaannada cusub ee dhawaan la shaaciyay liiskooda ee ka mid noqonaya Barlamaanka Soomaaliya.

Maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay diidan yihiin habka guddigu u maray soo saarista liiska cusub oo ay ka reebeen xubno laga soo doortay labadaas maamul goboleed.

Labada maamul goboleed ayaa sheegay in liisaska iyo waraaqaha xildhibaannada laga soo doortay deegannadooda ay ku wareejin doonaan xoghayayaasha labada aqal ee Barlamaanka, balse saaka waxa jiray xubno laga soo doortay Beledweyne oo shahaadada xildhibaanimo ka gudoomiyay gudoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal.

Hadaba muxuu ka dhigan yahay khilaafka cusub ee ay lugaha la gashay doorashada Soomaaliya.?

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, isla markaana noqday madaxweynaha Puntland.