28th March 2024  admin  Category :

Hadii masiibo ay dhacdo dabcan sabab ayaa jirta ay masiibadaa u dhacday. Qofka shakhsiga ah, dadka degan dal ama deggaan gaar ah, ayaa ay tahay in ay is weeydiiyaan sababta ay masiibo ugu habsatay. Illaahay ayaa garanaya waxa suuqa gubtay ee Hargeeysa uu sababsaday, balse waxaan is leeyahay arrimo badan oo jira darteed ayaa sabab u ah.

Mida ugu weeyn ee lagula kacay dadka Raxanweeynta ayaa ah mid aad u weeyn oo aan la illoobi karin. Waxaan la soconaa in dadka Raxanweeynta laga soo masaafuriyey deegaanadaas oo weliba maamulka uu amarkaas bixiyey. Dad badan ayaa taageersanaa in dadkaas aan waxba galabsan hantidooda laga dhaco, waana laga dhacay oo dadkii oo aan waxba sidan ayaa gawaari lagu soo daabulay sidii xoolihii.

Qaar badan oo dadkaas ka mid ah waxaa la kala tarxiilay waalidkii iyo carruurtiisii. Bal ka waran hooyo keligeed gaari la saaray, carruurteediina aysan jirin meel ay ku sheegto, miyuu jiraa walwal ka weeyn? Hadaba ma kula tahay in dulmigaa dadkaas loo geeystay oo weliba hantidoodii lagu dhacay uu meel la’aan dhacayo? Dadkii dhibka loo geeystay cafis lama weeydiisan oo sidaas ayaa wixii ay sannadaha badan soo tabcayeen lagu xallaaleeystay. Dib aan u milicsano muuqaaladii laga soo duubay xiligaas dadkii sabab la’aanta loo soo tarxiilay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*