28th March 2024  admin  Category :

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe “ Xildhibaanada walaalaheyga ah ee KGS waxaan leeyahay dib u dhac kale oo doorasho sabab ha u noqonina ee qaata Shahaadadiina”

Waxaa maalintii labaad si habsami leh xarunta dhexe ee guddiga doorashooyinka heer federaal uga socota diiwaangelinta iyo shahaado siinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka 11-aad.

Xubno ka mid ah kuwa Koonfur Galbeed ku metalaya Baarlamaanka oo ay  hoggaaminayaan Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Shariif Maxamed Cabdalla ayaa maanta lagu bilaabay shahaado bixinta.

“Waxaan ku boorrinaynaa mudanayaasha kale inay yimaaddaan Xarunta si looga dhabeeyo Jadwalka dhammeystirka doorashada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo ku fadhiya kursiga HOP#189 ayaa saakay lagu bilaabay shahaado siinta xildhibaanada cusub, sidoo kale waxaa qaatay Xildhibaan Shariif Cabdalla oo ku fadhiya HOP#085, Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur oo ku fadhiya HOP#051 iyo Xildhibaan Cabdillaahi Cabdi Maxamed oo ku fadhiya kursiga HOP#264 ayaa qaatay shahaadooyinka xildhibaanimo ee BJFS.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*