Xilka had iyo jeer Muqdisho lagu bahdilo

Ma laga yaabaa in Rooble siddii siyaasyiintii Hawiye ee ka horaysay uu Inqilaabo madaxweyne Farmaajo

Dastuurka ay maanta Soomaalida haystaan ma jiro qodob qoraya reer hebel xilkaas ayuu leeyahay, sidaas si la mid ahna ma jiro xeer ay beeluhu wada samaysteen ama ay ku heshiiyeen in xilkaas maahee ayna xilka qaban karin. Hase ahaatee waxa jira is afgarad inta badan ay Soomaalidu ku qanacsan tahay oo in muddo ahba lagu soo dhaqmaayey.

Burburkii ka dib, waxa markii ugu horaysay sheegtay inuu Soomaaliya madaxwweyne ka yahay Allaha u wada naxariistee intii dhimatay Maxamed Farax Caydiid, oo ka soo jeeda beesha Hawiye wuxuu Raisul wasaare u magcaabay Maxamuud Xaji aadan oo ka soo jeeda beesha Ciise Majeerteen , waa la eryey.

Waxa ku xigay Heshiiskii Carta ee Cabdi Qaasim, ee ka soo jeeday beesha Hawiye wuxuu Raisul wasaare u doortay RW Cali Khaliif iyo Xasan Abshir oo ka soo kala jeeday beelaha Dhulbahante iyo Majeerteen. Waa la eryey.

Waxa la doortay Cabdulaahi Yuusuf oo ka soo jeeda beesha Majeerteen, waxa uu u magcaabay RW Nuur cade, oo ka soo jeeday beesha Hawiye . Waxay noqotay markii ugu horaysay in Raisul wasaarihii oo ka soo jeeda Beesha Hawiye uu inqilaabo madaxweynihii Daarood

Waxa ku xigay madaxweyne Shariif oo ka soo jeeda beesha Hawye, wuxuu magcaabay RW Farmaajo. Isagana shaqada waa waa laga eryey

Waxa ku xigay madaxweyne Xasan Sheekh oo ka soo jeeday beesha Hawiye, wuxuu magcaabay RW Saacid Shirdoon iyo RW Cabdiweli Sheekh oo ka soo jeeday beesha Daarood. Labadaba Mooshino ayaa laga keenay.

Ugu danbayntii waxa hadda Soomaaliya madaxweyne ka ah Madaxweyne Daarood ah, waxaana laga cabsi qabaa in Raisul wasaarihiisa oo ka soo jeeda beesha Hawiye uu inqilaabo siddii horay u dhacday. RW Rooble dhowr mar oo hore ayuu isku dayey Inqilaabka ee waxaan la garanayn in Madaxweyne Farmaajo uu marin doono halkii ay mareen Cali Khaliif Galaydh, Xasan Abshir Faarax.Maxamed Cabdi Yuusuf,Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf, Cumar C/rashiid Cali, Maxamed C/laahi Farmaajo. C/weli Maxamed Cali Gaas, Cabdulqadir Farax Shirdoon, Cabdiweli Sheekh.

Inta badan waa laga baaqsan lahaa bahdilkan n ku dhacayey siyaasiyiinta Daarood ee u badan beesha Majeerteen, haddii maamulka Puntland lagu maamuli lahaa siddii loogu talo galay, haddii ay noqon lahayd la xaalka Federaalka ama caddalada Bulshada reer Puntland.

ALLSANAAG.COM

Nin lagu eedaynayo Sirdoonka Pakistan oo iska dhigay baadhe Maraykan ah oo xiriir la sameeyey Ilaalada Aqalka Cad.

Laba nin oo lagu xidhay Washignton DC ayaa lagu eedeeyey inay iska dhigeen saraakiil ka tirsan waaxda amniga gudaha Maraykanka, si ay xog uga helaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Aqalka cad ee Maraykanka ee loo yaqaano Secret Service, ciidankaas oo ah kan ilaaliya madaxweyne Joe Biden iyo madaxda kale ee Maraykanka.

Dacwad-oogaha gacanta ku haya kiiskan ayaa sheegay in mid ka mida labada nin ee la xidhay uu si gaar ah xidhiidh ula leeyahay hay’adda sirdoonka ee dalka Pakistan ee loo yaqaano ISI.

Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Joshua Rothstein ayaa weydiistay garsooraha maxkamadda dacwaddani ka socoto, inaan la sii dayn Arian Taherzadeh oo 40 jir ah iyo Haider Ali oo 35 jir ah, iyada oo lagu eedaynayo labadan nin inay iska dhigeen baadhayaal ka tirsan waaxda amniga gudaha ee Maraykanka.

Labadan nin ee la xidhay ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay siiyeen hadyado qaali ah iyo alaabooyin kale, xubno ka tirsan ciidanka ilaalada aqalka cad ee Secret Service-ka, waxaana saraakiisha ay xidhiidhka la sameeyeen ku jiray mid ka mida saraakiisha u xilsaaran ammaanka marwada koowaad ee Jill Biden.

Xeer-ilaaliye Rothstein ayaa maxkamada u sheegay in sanadkii 2019, bilo ka hor intii aanay nimankani bilaabin ka dhex ugaadhsiga saraakiisha Maraykanka ee u shaqaysa laamaha ammaanka, inuu Cali u safray Pakistan, Turkey, Iran iyo Qatar, uuna u gudbay Doha dhowr jeer oo is xig-xigay. Waxaana Xeer-ilaaliyuhu sheegay in Cali uu u sheegay markhaatiyada inuu xidhiidh la leeyahay hay’adda sirdoonka ee dalka Pakistan ee loo soo gaadhiyo ISI.

Waxaa shaqada laga joojiyey afar sarkaal oo ka tirsan ciidanka ilaalada aqalka cad, kuwaas oo loo tuhmayo inay xidhiidh la sameeyeen nimankan.

Sida ku cad qoraal loo gudbiyey maxkamadda, Cali iyo Taherzadeh oo haysta dhalashada Maraykanka, waxay ku noolaayeen guri dabaq ah oo ku yaalla Washington DC, halkaas oo ay sidoo kale deggan yihiin shaqaale kala duwan oo u shaqeeya laamaha ammaanka Maraykanka.

Nimankan la xidhay ayaa ku qanciyey saraakiisha ka tirsan ciidanka Secret Service-ka, inay yihiin baadhayaal ka tirsan waaxda amniga gudaha, iyaga oo tusay, dharka ciidamadu xidhaan iyo waraaqo taageeraya sheegashadooda.

Illaa haatan ma cadda sababta labadan nin ku kelliftay inay tallaabadan qaadaan, inkasta oo xogaha la helayo ay sheegayaan inay jirtay hal mar oo ay qorteen qof saddexaad oo iyaga u shaqeeya, ayna u xilsaareen “inuu cilmi-baadhis ku sameeyo shakhsi taageero siiya Wasaaradda Difaaca iyo hay’adaha sirdoonka Maraykanka.”

Dhanka kale Taherzadeh ayaa qaar ka mida ciidanka ilaalada aqalka cad ka dhaafay lacagta kirada oo gaadhaysay illaa $4,000 bishii, sida ku cad qoraalka maxkamadda loo gudbiyey, isagoo sidoo kale siiyey telefoono qaali ah, qalabka wax lagu kor-joogteeyo, telefishan, iyo agab kale oo kala duwan.

Taherzadeh ayaa sarkaalka ka tirsan ciidanka qaabilsan ilaalada gaar ah ee marwada koowaad, wuxuu siiyey qori Rifle ah oo qiimihiisu gaadhayo illaa $2000, isagoo wanaag badan u sameeyey xaaskiisa sida inuu gaadhigiisa u dhiibo markay u baahato iwm.

Warqadda dhaarta ayaa lagu sheegay in Taherzadeh iyo Cali inay u muuqdeen kuwo gacanta ku haya dhowr qeybood oo ka tirsan dhismaha guriga, iyo in Taherzadeh uu marin u helay dhammaan nidaamka ammaanka ee dhismaha.

Nin Dhul doonayaa nabad ma rabo

Inta Isaaqland loo hayston dawlad, inta Ina Xaaji Nuur iyo jabhadka qoriga wata loo arkayo rag u shaqeeya dawlad la wada leeyahay iyo inta Garab sare iyo Isaaq loo wada hadlayo, waxay danni ugu jirtaa kuwa doonaya inay dhul ayna lahayn boobaan. Dhowr boqol oo sano ayaa dhulka la wada deganaa goomaa la hawaysan jiray Togga Shidan iyo xaruntii Allah aha u naxariistee Hoori.

Sidan ayeey ugu badisaa

Caasimaddii Soomaaliyeed ayaa u afduuban, waxayna ku gor gortamayaan haddan waxaan rabno iyo sidaan wax u rabno naloo yeelin, inta yar ee dawladnimo aynu haysano ayaan burburinaynaa.

Sodon sano ka hor, dawladdii Soomaliyeed ee jirtay ee xoogga lahayd, caalamkana wax la qaybsan jirtay waxa burburiyey beesha Hawiye, intaa kuma joogine waxay xasuuq iyo barakicin ku bilaabeen dhamaan umaddii Soomaaliyeed ee aan beeshooda ahayn ee ku sugnayd Koonfurta Soomaaliya.

Intaas markii ay dhacday ayaa reer walba wuxuu dib ugu laabteen degaanaddii ay horay Awoowayaashood uga yimaadeen si ay uga amaan helaan jabhaddii USC ee uu hogaamin jiray Allah ha u naxariistee Caydiid.

Muddo ka dib, ayaa Soomaalidu go’aansatay inay dib isugu soo laabtaan, oo waxay shir ku qabsadeen magaalada Carte ee Jabuuti, caqabad kale ayeey Soomaalidu inteedii kale kala kulantay Qoyskii Caydiid oo waxay yiraahdeen haddaan loo kala dooran madaxweynaha Soomaaliya Allah u naxariistee Cadow iyo Cabdi Qaasim, meesha waa lagu kala tegayaa. Waa loo yeelay oo waxa madaxweyne u wada tartamaya laba siyaasi oo ka soo wada jeeday beesha Caydiid.

Labaatan sano ka dib Carta , mar kale ayaa Qoyskii Caydiid ay afduubteen dawladdii Soomaaliya , markan waa ka khatar badan tahay intii hore, sababtoo ah dawladdii umadda ka wada dhaxaysay , caasimadda dalka, dhaqaalihii caalamku bixin jiray iyo hubkii loogu talo galay la dagaalamka argagixisada intaba afduub ayaa lagu haystaa, waxaana la taagan yahay haddii wixii aan doonayno naloo yeelin ” Annaga sidan ayeey noogu badisaa.

Ugu dsanbayntii imisaa loo afduubnaan karaa Qoys aan dawladnimo doonayn oo u arka qofkii ka shaqeeya Dawladnimo inuu yahay cadowgooda . Ma ahayn labaatan sano ka dib asaaskii Puntland in maanta umadda Soomaaliyeed lagu cabsiiyo haddan sidaan wax u rabno naloo yeelin waxba ka socon maayaan caasimaddii Soomalaiya , taasna waxa keentay nimankii madaxda ka noqday Puntland ee Musuqmaasaqu dilooday. Ninka aan tegi karin tuulada ugu xigta Muqdisho ee Diyaaradda u raacaya isagaa u baahan Dawladnimo IYO in la sii wada joogo ee waxa la la’yahay oo qura waa ciddii u sheegi lahayd, Hadddii Hawiyoow aydin dawladnimo doonayn meesha inagu kala kaxeeya.

ALLSANAAG.COM

Ruushka oo laga cayriyey xubinimada Xuquuqal Insaanka

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ka joojiyay Ruushka xubinimadii golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ( UN’s Human Rights Council (UNHRC), sababo la xiriira Warbixinada ku saabsan xaquuqda bani aadamka oo Ruushku ka xadgubayo dalka Ukrain ee uu ku soo duulay.

Mooshinka oo Qaramada midoobey ay hor keentay safiirka Maraykanka Linda Thomas-Greenfield ayaa waxa ka codeeyey Ruushka 93: waxa ka aamusay 58: waxa diiday : 24 in favor: 93 Abstained: 58 Against: 24

Wadamada diiday in Ruushka la buriyo

Image

Gabadh Madow oo ku biirtay maxkamadda sare ee Maraykanka.

Ketanji Jackson oo noqotay haweenaydii ugu horraysay ee madaw ah oo ku biirtay maxkamadda sare ee Maraykanka.

Golaha Senate-ka ee Mareykanka ayaa haweenaydii ugu horraysay ee madaw ah u ansixiyey inay noqoto garsoore rasmiya oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka Maraykanka. Codbixin ka dhacday golaha Senate-ka oo ay goobjoog ka ahaayeen dhammaan 100-ka xubnood ee golahaasi ka kooban yahay, ayaa 53 Senator oo ka mid ahi waxay ogolaadeen ama ansixiyeen in Ketanji Brown Jackson ay noqoto garsoore ka tirsan maxkamadda sare, halka 47 Senator oo kalena ay ka soo horjeesteen.

. Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris, oo ah gabadhii ugu horaysay ee Madow ee xilkaa qabata ayaa shirka Golaha aqalka sare gudoominaysay.

Jubbaland oo taageertay go’aankii uu RW Rooble ku caydhiyey wakiilka Midawga Afrika

Jubbaland oo taageertay go’aankii uu RW Rooble ku caydhiyey wakiilka Midawga Afrika

Dawlad goboleedka Jubbaland ayaa taageertay go’aankii ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu dalka uga caydhiyey wakiilka Midawga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, inkasta oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka horyimi go’aanka ra’iisal wasaaraha.

Halkan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee Jubbaland.

“Dowlada Jubaland waxay soo dhawaynaysaa go’aanka masiiriga ah ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gaartay Danjirahii hore ee Midowga Afrika Francisco Madeira, oo dalka laga caydhiyay kadib markii uu ku xadgudbay arimaha gudaha ee dalkeena taas oo xad gudub ku ah xeerarka Caalamiga ah ee diblomaasiyada kana baxsan shaqadii loo igmaday.

Inta uu madaxa ka ahaa howlgalka midowga afrika ee AMISOM Madeira, waxaa uu si dulaalnimo ah uga dhex shaqaynayay siyaasada gudaha ee dalkeena isagoo ku milmay xadhig jiidka siyaasada ee ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Francisco Madeira, waxaa uu qeyb ka ahaa duulaankii qaawana ee Madaxweynaha Xiligiisu dhamaaday uu kusoo qaaday Jubaland sidoo kale waxaa uu ka horyimid heshiiskii Dowlada Jubaland iyo siyaasyiintii tabashada ka qabay Doorashooyinka 2019ka ee Jubaland si qulqulatooyinka iyo kala aragti duwanaanta dadka ree Jubaland aan xal looga gaarin.

Sidoo kale waxaa uu in mudo ah ka caga jiidayay howlgalada ay qaadi jireen Ciidamada AMISOM isagoo meelo badan oo dalka kamid ahna ka saaray Ciidamadii joogay si ay dib ugu qabsadaan kooxaha argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wakiil uga ah shacabka Soomaaliyeed hirgalinta himilooyinka iyo danaha Ummada inta lagu guda jiro xiligan kala guurka ah.” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.