26th July 2024  admin  Category :

Ma laga yaabaa in Rooble siddii siyaasyiintii Hawiye ee ka horaysay uu Inqilaabo madaxweyne Farmaajo

Dastuurka ay maanta Soomaalida haystaan ma jiro qodob qoraya reer hebel xilkaas ayuu leeyahay, sidaas si la mid ahna ma jiro xeer ay beeluhu wada samaysteen ama ay ku heshiiyeen in xilkaas maahee ayna xilka qaban karin. Hase ahaatee waxa jira is afgarad inta badan ay Soomaalidu ku qanacsan tahay oo in muddo ahba lagu soo dhaqmaayey.

Burburkii ka dib, waxa markii ugu horaysay sheegtay inuu Soomaaliya madaxwweyne ka yahay Allaha u wada naxariistee intii dhimatay Maxamed Farax Caydiid, oo ka soo jeeda beesha Hawiye wuxuu Raisul wasaare u magcaabay Maxamuud Xaji aadan oo ka soo jeeda beesha Ciise Majeerteen , waa la eryey.

Waxa ku xigay Heshiiskii Carta ee Cabdi Qaasim, ee ka soo jeeday beesha Hawiye wuxuu Raisul wasaare u doortay RW Cali Khaliif iyo Xasan Abshir oo ka soo kala jeeday beelaha Dhulbahante iyo Majeerteen. Waa la eryey.

Waxa la doortay Cabdulaahi Yuusuf oo ka soo jeeda beesha Majeerteen, waxa uu u magcaabay RW Nuur cade, oo ka soo jeeday beesha Hawiye . Waxay noqotay markii ugu horaysay in Raisul wasaarihii oo ka soo jeeda Beesha Hawiye uu inqilaabo madaxweynihii Daarood

Waxa ku xigay madaxweyne Shariif oo ka soo jeeda beesha Hawye, wuxuu magcaabay RW Farmaajo. Isagana shaqada waa waa laga eryey

Waxa ku xigay madaxweyne Xasan Sheekh oo ka soo jeeday beesha Hawiye, wuxuu magcaabay RW Saacid Shirdoon iyo RW Cabdiweli Sheekh oo ka soo jeeday beesha Daarood. Labadaba Mooshino ayaa laga keenay.

Ugu danbayntii waxa hadda Soomaaliya madaxweyne ka ah Madaxweyne Daarood ah, waxaana laga cabsi qabaa in Raisul wasaarihiisa oo ka soo jeeda beesha Hawiye uu inqilaabo siddii horay u dhacday. RW Rooble dhowr mar oo hore ayuu isku dayey Inqilaabka ee waxaan la garanayn in Madaxweyne Farmaajo uu marin doono halkii ay mareen Cali Khaliif Galaydh, Xasan Abshir Faarax.Maxamed Cabdi Yuusuf,Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf, Cumar C/rashiid Cali, Maxamed C/laahi Farmaajo. C/weli Maxamed Cali Gaas, Cabdulqadir Farax Shirdoon, Cabdiweli Sheekh.

Inta badan waa laga baaqsan lahaa bahdilkan n ku dhacayey siyaasiyiinta Daarood ee u badan beesha Majeerteen, haddii maamulka Puntland lagu maamuli lahaa siddii loogu talo galay, haddii ay noqon lahayd la xaalka Federaalka ama caddalada Bulshada reer Puntland.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*