Banaan bax ka socda Pakistan

Kumaakun reer Pakistan ah ayaa caawa isugu soo baxay magaalooyinka waawayn ee dalkaas iyagoo taageero aan inaba caadi ahayn u muujiyay RW imran Khan.

Image

Dowlad Deegaanka oo diiday go’aan quseeya dhar xirashada dumarka Soomaalida

Dowlad Deegaanka oo diiday go’aan quseeya dhar xirashada dumarka Soomaalida

Xukuumada ayaa ka hadashay warqadii aan baahinay ee kasoo baxday wakaaallada korontada ee Jigjiga. Warqaddan wakaaladda kasoo baxday ayaa lagu sheegay in dumarka ka shaqaynaya xafiiska ay soo xidhaan saraawiil, oo aysan soo xiran dharka dhaqanka Soomaalida.

Wasiirka warfaafinta,Abdukadir Rashid oo warqadaas ka hadlayay ayaa yidhi:

“Warqadaas kasoo baxday xafiiska korontada ee laanta jigjiga waa warqad gaf ku ah dhaqanka, diinta iyo xuquuqda dadka soomaalida ah ujeedo siyaasadeedna laga leeyahay!Maanta ma ahan xilligi la is huwanaan jiray ee waa xilli uu dalka oo dhan ka jiro isbedel loo simanyahay:

“Marnaba gor-gortan kama galayno gafkan talaabada ku haboona waan kaqaadaynaa!” ; ayuu yidhi Abdiqadir Rashid.

Waxaan sugaynaa tallaabada ku haboon ee xukuumadu ka qaado shirkadda korontada oo hadal hayn iyo caro badan ka dhex dhalisay dadka.

Warbaahin wada Dumar ah

Maanta oo bishu tahay, April 11, 2022, Muqdisho waxa looga dhawaaqay warbaahin ay dumar madax ka yihiin shaqaaluhuna wada dumar yihiin. Kooxdan magacoodu waa ” Bilan”. Warbaahintoodu waxay isugu jirtaa Idaacad, Talafishan iyo Onlilne

Bilan’ sida ay sheegeen waxay siin doontaa haweenka meel ammaan ah oo ay ku shaqeeyaan iyo awood ay ku dooran karaan waxay soo tebiyaan iyo sida ay u tebiyaan, iyadoo kooxdu ay dabooli doonto warar adag iyo sheekooyin qotodheer, oo diiradda saaraya arrimaha muhiimka u ah dumarka.
“Iyada oo leh aragtideeda gaarka ah iyo galaangal u helidda nolosha haweenka iyo ra’yiga, ‘Bilan’ waxa ay hiigsaneysaa in ay abuurto hannaan cusub oo aan ku koobneyn oo kaliya haweenka saxafiyiinta ah, laakiin sidoo kale ay ka faa’iidaysanayaan saxafiyiinta Soomaaliyeed, bidhaaminta sheekooyinka – laga soo bilaabo rabshadaha qoyska ilaa ka hadalka sinnaan la’aanta – oo muddo dheer la iska indho-tirayey.
Iyadoo ay taageerto hay’adda UNDP” ayey sii raaciyeen warbaahinta Billan

May be an image of 1 person and text

Madaxweynaha Jubbaland oo casho sharaf u sameeyay Xildhibaanno

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa afur iyo casho sharaf Xarunta Madaxtooyada ugu sameeyay Xildhibaannada Baarlamaanka ee dhawaan lagu doortay deegaan doorashada Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Jubbaland.

Munaasabadan waxaa ka qeybgalay labada Madaxweyne ku-xigeen ee Jubbaland, Guddoonka Baarlamaanka, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo dadweyne kala duwan oo munaasabadda lagu casuumay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kula dardaarmay Xildhibaannada inay si hufan u gutaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Rooble iyo Damaciisa

Doorashada lagu soo dooranayo xubnaha baarlamaanka dalka ayaa maraya meel gabaggabo ah, balse waxaa jira shakhsiyaad abbuuraya isqabqabsi hor leh si doorashada ay u sii jiitanto. Ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiya doorashooyinka ayaa dhawaan liiska ka saaray xubno laga soo doortay maamulada Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed. Sidoo kale, Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa isna shaqada ka ceeyriyey shakhsiyaad ka tirsan Guddiga Hirgellinta Doorashooyinka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa aad u xiiseenaya sidii uu xafiiska kusii joogi lahaa.  Maalin dhaweed warqad uu soo saaray, wuxuu dalka uga ceeyriyey ergeyga Midowga Africa ee Soomaaliya, Francisco Madeira. Ra’iisal Wasaare Rooble umma marin ceeyrinta ergeyga nidaamka dawliga ah. Hase ahaatee, qorshaha uu ka lahaa arrintaas ayaa ah sidii uu fawdo hor leh uu u abbuuri lahaa si doorashada looga sii jeesto, isaguna meesha uu u sii joogo.

Cod la sheegay in laga duubay ergayga Midowga Afrika ayaa ah mid aan la hubbin inuu yahay codkaas isaga iyo in kale, waxaase la is weeydiinayaa haddiiba ay arrintaas ay jirto sababta uu Ra’iisal Wasaare Rooble uu u soo mari waayey dariiqa saxda ah, iyadoo waddatashi guud uu kala yeelanayo golaha wasiiradda iyo madaxweeynaha inta uusan warqad xiimeeysa uusan soo saarin. Si kastaba, Midowga Afrika ayaa ka soo hor jeestay ceeyrinta ergiga ee ka timid Rooble, waxeeyna u arkaan inuu yahay go’aan shakhsi ka yimid oo aan aheen mid dawladda ay u dhantahay.

Fawdada uu ra’iisal wasaaraha waddo ayaa waxa ka hadlay Madaxweeynaha Koonfur Galbeed Laftagareen oo ku eedeeyey in Rooble uu doonayo in kuraasta Koonfur Galbeed laga siiyo kursi iyo labbo. Hase ahaatee, Laftagareen ayaa arrintaas ka diiday Rooble. Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyey in Rooble ay ka tustay oo kalliya kuraasta Koonfur Galbeed, meesha kuwii gobolada kale uu ka aamusay wixii ka dhacay oo idil.

Ficilada ra’iisal wasaaraha uu sameenayo inta badan ayaa ah kuwo ay ku lug leeyihiin garabyada mucaaradka. Mucaaradka tallada ay ra’iisalwasaaraha siiyaan ayaa ah sidii uu u sii qasi lahaa dalka, iyaga oo is leh ku xummeeya Farmaajo. Mucaaradka marna kama hadlaan kuraasta ku maqan Axmed Madoobe iyo Cali Guud Laawe, xubnaha sida gaarka loo beegsaday ee liiska laga reebay iyo xubnihii Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ee dhawaan shaqada laga ceeriyey.

Balse mucaaradka waxeey baraha bulshada ku soo qoraan oo kalliya Farmaajo doorasho ma rabyo, kursiga ayuu rabbaa inuu sii fadhiyo, ciidan ayaa badda iyo cirka uga imanaya oo dalkuu rabbaa inuu xoog ku qabsado, cid kastoo la qarxiyo Farmaajaa ka danbeeya isagoo ulla jeeda in doorsho aysan dhicin, doorashada isaga ayeey ka socon la’dahay iyo waxyaabo kale oo badan.

Hadaba beesha caalamka oo fahamsan dhaqanka Ra’iisal Wasaare Rooble ee ku dhisan fawdada iyo iskadabba wareega, ayaa doonaya in doorashada la soo dhammeeystiro iyo in la dhaariyo xubnaha baarlamaanka si madaxweeyne loo soo doorto.

Gabagabdii, Ra’iisal Wasaare Rooble marna kuma guulleeysan doono qaska iyo fawdada uu abbuurayo si waqtiga uu u sii dheereeysto, balse ra’iisalwasaaraha waxaa laga fillayaa inuu xoogga saaro sidii uu u soo dhameeystiri lahaa doorashada inta yar ee ka dhiman, isagoo ka foggaanaya wax kasta oo dib u dhigi kara doorashada.

Statement of the Chairperson on the status of AU Special Representative for Somalia

Statement of the Chairperson on the status of AU Special Representative for Somalia

Gudoomiyaha Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa qaadacay talaabadi uu Ra’isal wasaare Rooble ku eryey wakiilkii midowga Afrika Amb Madeira.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inu Ka walaacsanyahay warqadaas uu Ra’isal wasaaraha soo saaray isagoo dhinaca kale sheegay iney qiimeynayaan tixgalinayaanna warqadi uu madaxweynaha so saaray ee dib u xaqiijineysay balanqaadki la shaqeyntiisa Miidawga Afrika

“Gudoomiyaha waxu dib u xaqiijinayaa kalsoonida Iyo aaminada buuxa uu ku qabo Amb. Madeira si loogu so celiyo Soomaaliya xasilooni Iyo Amni waarna” ayaa lagu yiri qoraalka.

Go’aankan ayaa la sheegayaa inuu ka dambeeyay markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku cadaadiyay Midowga Afrika inay garab istaagaan Farmaajo oo qorsheynaya muddo kororsi hor leh.

Go’aanka Midowga Afrika ayaa dhabarjab siyaasadeed oo weyn ku ah ra’iisul wasaare Rooble, mana cadda tallaabada xigta ee uu qaadi doono, iyo sida uu danjire Madeira uga saari doono Soomaaliya.

Xildhibaannada qaatay shahaadada Xildhibaannimo

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay liiska tirada Xildhibaannada Guud ee qaatay Shahaadada Xildhibaannimo ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya:

  1. Abdisalam Haji Ahmed Liban GSH#038
  2. Yusuf Gelle Ugas GSH#026
  3. Mohamed Ali Omar (Caanonuug) GSH#108
  4. Mustaf Sheikh Ali Dhuhulow GSH#049
  5. Mohamed Harun Abdullahi GSH#208
  6. Mohamed Abdi Hayir Mareye GSH#225
  7. Abdirahman Mohamed Sheikh GSH#070
  8. Abdinasir Haji Shirwa Mohamed GSH#004
  9. Abdirisaq Abdullhi MoalimGSH#063
  10. Abdirizak Omar Mohamed GSH#011
  11. Mohamed Omar Aimoy GSH#005
  12. Mohamed Nur Abukar GSH#265
  13. Abdi Ahmed Dhuhulow-Dhegdheer AS#11
  14. Jawaahir Mohamed Ahmed GSH#001
  15. Qaali Ahmed Diiriye GSH#096
  16. Nuuriya Adan Ciise GSH#212
  17. Muse Said Jama GSH#263
  18. Ahmed Abdi Koshin GSH#205
  19. Hirsi Adan Roble GSH#101
  20. Abdi Hassan Awale Qaybdiid AS#15
  21. Mohamed Ibrahim Ali -Cajiib GSH#064
  22. Nadra Salah Abdi GSH#257
  23. Duniya Mohamed Ali AS#014
  24. Qaladla Cali Cawaale GSH#017
  25. Mohamed Ibrahim Cabdi GSH#206
  26. Omar Shariif Mohamed GSH#266
  27. Omar Ali Abdi GSH#035
  28. Mohamud Abdulkadir Haji GSH#084
  29. Mohamed Ali Xagaa GSH#268
  30. Mahad Mohamed Salad GSH#147
  31. Abdisabir Nur Shurie GSH#071
  32. Dahabo Susow Mohamud GSH#088
  33. Adar Ali Mohamed GSH#081
  34. Bilal Idris Abdullahi AS#038
  35. Suleyman Ali Hussein GSH#260
  36. Ali Mohamud Adam GSH#240
  37. Hussein Qasim Yusuf GSH#043
  38. Zamzam Mohamed Omar GSH#243
  39. Muse Ahmed Ismail GSH#076
  40. Abdirahman Mohamed Mohamud GSH#095
  41. Ali Mohamed Omar GSH#115
  42. Daahir Amiin Jeesoow GSH#030
  43. Abdikariim Abdow Heydar GSH#252
  44. Khalif Abdi Omar GSH#032
  45. Mariam Aweis Jama GSH#113
  46. Jama Mohamed Askar GSH#254
  47. Dr. Mohamed Elmi Ibrahim GSH#218
  48. Shamso Hassan Elmi GSH#020
  49. Marwa Abdibashir Hagi Ali GSH#234
  50. Dr. Elmi Mohamud Nur GSH#214
  51. Faaiza Mohamed Jeyte GSH#048
  52. Muhamed Hussein Abukar GSH#055
  53. Aidarus Salah Yusuf GSH#224
  54. Saed Abdi Hussein AS#39
  55. Sheikh Adan Madoobe GSH#189
  56. Shariif Abdalla GSH#085
  57. Abdillahi Abdi Mohamed GSH#264
  58. Hussein Mohamed Nur GSH#051
  59. Ahmed Abdi Hashi (Ahmed Taajir) GSH#166
  60. Mohamed Abdullahi Keyse GSH#073
  61. Sadiya Yasin Haji Samatar GSH#129
  62. Hassan Abdi Ismail GSH#217
  63. Omar Ibrahim Hashi GSH#114
  64. Roda Arab Abdi GSH#219
  65. Sahra Olad Abdi GSH#018
  66. Zamzam Dahir Mohamud AS#12
  67. Leila Ahmed Ismail AS#37
  68. Ahmed Mohamed Ali AS#21
  69. Noradin Abdullahi Olujog GSH#246
  70. Zamzam Abdullahi Ahmed AS#24
  71. Abdirahman Mohamed Hussein GSH#069
  72. Fartun Abdikadir Farah Karama AS#19
  73. Yusuf Hussein Ahmed Gama’diid GSH#031
  74. Ali Shaban Ibrahim AS#23
  75. Prof/Dr. Osman Mohamud Mohamed (Dufle) AS#20
  76. Salah Ahmed Jama AS#34
  77. Guled Bihi Abdi GSH#255
  78. Ahmed Osman Dirie GSH#233
  79. Abdinur Ali Aden GSH#028
  80. Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#107
  81. Abas Ali Ibrahim GSH#111
  82. Mohamed Abukar Ali GSH#025
  83. Adar Hared Jibril GSH#132
  84. Mohamed Abdurahman Nadif GSH#124
  85. Bihi Iman Egeh GSH#237
  86. Abdiqani Ismail Said GSH#241
  87. Mohamoud Abdirahman Omar GSH#272
  88. Adnan Osman Elmi GSH#236
  89. Omar Yusuf Qaladid GSH#136
  90. Ahmed Mohamud Jama GSH#029
  91. Nasro Mahdi Arale GSH#023
  92. Leylo Nur Maah AS#07
  93. Sahra Jama Ali GSH#134
  94. Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#127
  95. Hassan Dahir Yarow AS#05
  96. Zaynab Mohamed Amir GSH#267
  97. Asad Abdirisaq Mohamed GSH#120
  98. Yusuf Mohamed Ismail GSH#118
  99. Ilyas Badal Gabose AS#01
  100. Mohamed Hassan Adam GSH#133
  101. Abdillahi adan Ahmed GSH#193
  102. Hamza Abdi Barre GSH#203
  103. Abdi Hashi Abdullahi AS#33
  104. His Hassan Adan GSH#015
  105. Farhiyo Mohamud Dhakane GSH#052
  106. Maryan Mohamud Isse GSH#226
  107. Mohamud Abdirahman Sheikh Farah GSH#003
  108. Osman Mohamed Abdi GSH#022
  109. Fadumo Hassan Ali GSH#210
  110. Abdi Ibrahim Warsame GSH#196
  111. Abdulkadir Mohamed Wa’ays GSH#112
  112. Mowlid Abdi Mohamed GSH#130
  113. Osman Abokor Mohamed Dubbe AS#36
  114. Abdirahman Ahmed Suge GSH#245
  115. Ibrahim Awgab Osman AS#06
  116. Hassan Idow Mohamed AS#22
  117. Nor Mohamed Gedi AS#18
  118. Abdiwahab Abdi Omar GSH#270
  119. Mohamud Abdullahi Ahmed GSH#006
  120. Yusuf Ibrahim Afrah GSH#033
  121. Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) GSH#058
  122. Malik Ibrahim Abdalla GSH#66
  123. Ifrah Mohamed Awed GSH#037
  124. Abdillahi Bidhan Warsame GSH#235
  125. Abdirahman Mohamed Mohamud (Faroole) AS#46
  126. Fardowsa Osman Egal HOP#232
  127. Saredo Mogamud Hassan (Jeyte) AS#54
  128. Deqo Hassan Hussein AS#43

129.Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore) GSH#008

  1. Abdisamad Yusuf Mohamed AS#52
  2. Mohamed Bashiir Ali GSH#083
  3. Hirsi Jama Gaani GSH#223
  4. Abdirashid Mohamed Hidig GSH#072
  5. Said Mohamed Ali GSH#093
  6. Iftiin Hassan Iman (Baasto) AS#04

136.Sadak Omar Mohamed (Saadaq-Joon) GSH#248

  1. Osman Ali Yusuf GSH#198
  2. Abdullahi Sheikh Ismail AS#02
  3. Muse Sudi Yalahow AS17
  4. Abdihakim Moalim Ahmed AS#13
  5. Qali Ali Shire GSH#060
  6. Sadiq Abdullahi Abdi GSH#092
  7. Maryan Farah Kahiye AS#08
  8. Ahmed Mohamed Said AS#41
  9. Mahdi Mohamed Gulaid
  10. Mohamed Adam Dini GSH#036
  11. Mohamed Ali Yusuf (Gaagaab) AS#50
  12. Said Ali Muse GSH#027
  13. Ismail Shire Jama GSH#142
  14. Abdiqani Mohamud Mohamed GSH#075
  15. Abdikani Gelle Mohamed AS#44
  16. Abdullahi Farah Mire GSH#228
  17. Abdullahi Mohamed Jama GSH#191
  18. Abdullahi Ali Hersi (Timacadde) AS#53
  19. Farhiya Yusuf Omar GSH#121
  20. Mohamed Abdirahman Ahmed Ali GSH#128
  21. Ali Haji Dahir Saleban Adam GSH#220
  22. Khadra Ahmed Mohamed GSH#174
  23. Sadam Mohamud Abdi (Jabeer) GSH#158
  24. Abdirisak Hassan Ahmed (Dhookir) GSH#221
  25. Ali Mahdi Mohamed GSH#169
  26. Ainanshe Yusuf Hussein GSH#222
  27. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#190
  28. Samira Maxamud Haji AS#51
  29. Saynab Ismail Mohamed AS#45
  30. Mohamed Abdi Osman AS#49
  31. Daud Abdikarim Sh Omar GSH#014
  32. Farhan Ali Hussein AS#47
  33. Abdulrahman Ahmed Osman GSH#010
  34. Mohamed Farah Nur GSH#192
  35. Abdikafar Elmi Hange GSH#144
  36. Mohamood Ahmed Adan GSH#157
  37. Mohamed Abdullahi Burale GSH#059
  38. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#019
  39. Abdirahman Idan Yonis GSH#259
  40. Ali Yusuf Ali Hosh GSH#200
  41. Ismail Abdulrahman Basheir GSH#238
  42. Abdikarim Omar Hussein GSH#074
  43. Mohamed Ibrahim Nur (Macalimu) GSH#068
  44. Dr. Mohamed Hassan Mohamed GSH#207
  45. Bashir Abdi Mohamed GSH#273
  46. Faisal Ahmed Mohamud GSH#149
  47. Abdullahi Hassan Roble GSH#249
  48. Said Siyad Shirwac AS#09
  49. Hussein Ahmed Ulusow GSH#021
  50. Farhan Ali Mohamoud AS#10
  51. Abdirisaq Mohamed Osman AS#03
  52. Zahra Abdulahe Igal (Bundubte) GSH#094
  53. Ali Haji Adam Abukar GSH#039
  54. Abdirahman Abdulkadir Ade GSH#105
  55. Khadra Mohamed Tukale GSH#247
  56. Amina Omar Jama GSH#202
  57. Dahir Ayanle Said AS#48

Guddiga doorashada federaalka oo si cusub uga hadlay kuraastii la hakiyay

Guddiga doorashada federaalka oo si cusub uga hadlay kuraastii la hakiyay

Xilli ay socdaan dedaalo la’isugu soo dhoweynayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu khilaaf ka dhex dhashay arrimo la xiriira kuraas la hakiyay ayay guddiga doorashada isku dayayaan in ay sharaxaan go’aankii ay ku hakiyeen kuraas.

Guddiga ayaa bogooda kusoo daabacay muuqaal uu isla guddiga uu baahiyay sanadkii hore, kaas oo ay kaga hadlayaan kuraasta la hakiyay, balse ay sheegeen in xilligaas ay ahayd xilligii uu xilka hayay guddoonkii hore ee uu hormuudka ka ahaa Maxamed Xasan Cirro.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa guddiga ku eedeeyay in bogga rasmiga ah ee wax lagu soo daaboco uu gacanta ku hayo xafiiska Ra’isulwasaaraha, go’aankii lagu hakiyay kuraastana uusan waxbo ka ogeyn guddoomiye Muuse Geelle.