Wasiirka amniga oo shaqo joojin ku sameeyay taliye Xijaar

BREAKING: Another major setback to #Somalia’s long delayed election as Somali police commissioner says that he cannot guarantee the security of the venue of tomorrow’s planned election of the new parliament speaker and deputies. He called the election to be postponed. pic.twitter.com/SrxeG0gKtg
— Farhan Jimale (@farhanjimale) April 26, 2022
Xildhibaan Cabdirisaaq ” Anaga shaqadaydu waa doorasho, wixii diiwaan-gelin ah gudoomiyaha KMG ayay u taalaa”
Parliamentary select committee tasked with overseeing the elections of house leadership in the Somali parliament says it has “unanimously” agreed to bar rival politicians from #Garbaharey, #Elwak camps in Wednesday’s crucial vote. #Somalia pic.twitter.com/cEaSCIFAvi
— Abdulaziz Billow Ali (@AbdulBillowAli) April 26, 2022
Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal rasmi ah oo uu soo saaray ku adkeeyey in Hawlgalka ATMIS uu ku shaqeeyo habraaca amniga doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran iyo dardar gelinta dhamaystirka doorashooyinka si waafaqsan heshiishkii 17 Sebteembar.
UK steps up support as famine looms in Somalia
Minister for Africa Vicky Ford has announced a new £25 million aid package to provide vital services to almost a million people across the country, including food and Water, Sanitation, and Hygiene (WASH) support, as the country teeters on the brink of widespread famine.
https://www.gov.uk/government/news/uk-steps-up-support-as-famine-looms-in-somalia
ATMIS waa in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone
Ra’iisul Wasaare Rooble”Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota.
Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka.Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga.”.
Taliye Xijaar oo iska difaacay eedaymihii loo jeediyey ee carqaladeynta doorashada
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa beeniyey eedo loo jeediyey ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Eedahaas oo ka kala yimid guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Dhabancad iyo guddoomiyaha guddiga doorashada Golaha Shacabka xildhibaan Cabdirisaaq Cumar ayaa lagu sheegay in booliska ay is-hortaageen shaqooyinka baarlamanka.
Qoraal uu soo saaray taliye Xijaar ayaa lagu yiri “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu beeninayaa wararka aan sal iyo raadka toonna lahayn ee baraha bulshada lagu soo bandhigay, oo ahaa: 1. In Boolisku hor istaagay shaqada Golaha Shacabka ee Xarunta Villa Hargaysa iyo 2- In Ciidanka Booliska uu shalay Guddomiyaha KMG ee Baarlamanka u diideen Teendhada Hangarka, oo ah wax laga xumaado in dad Ma’uuliyiin ah abaalgud uga dhigaan Ciidanaka Booliska oo shaqo adag u haya ummada Somaaliyyed.”
Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu caddeynayaa in aysan jirin Ciidan Boolis ah oo saaka joogay Xarunta Villa Hargaysa, oo ay amnigeeda sugaan ciidamo kale oo aan ahayn Booliska, mana jirto ciidan boolis ah oo saaka tegay halkaas.”
“U diyaargarowga Doorashada Aqalka Sare oo ka socotay Teendhada Afisyooni awgeed, booliska iyagoo gudanaya waajibaadkooda, sidii caadiga ahayd, waxaa shalay Xarunta ka socday howlo amniga lagu sugayo, waajibaadka amni ee badqabka goobta, hubinta amniga mas’uuliyiinta, hawl-wadeennada, marti-sharafta iyo warbaahinta iyadoo la raacayo habraacyada doorashada, mana jirin shaqo ku saabsan Golaha shacabka oo halkaas ka socotay.”
Doorashada guddoonka Aqalka Sare ayaa maanta lasoo geba-gebeeyey, waxaana qorshuhu yahay in tan Golaha Shacabka ay dhacdo Arbacada berri ah.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad ka jeediyay Shirka Caalamiga ah ee Abaaraha Geeska Afrika, ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, isagoo Beesha Caalamka ku boorriyay in si deg deg ah loogu soo gurmado dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.
Ra’iisul Wasaare @MohamedHRoble oo khudbad ka jeediyay Shirka Caalamiga ah ee Abaaraha Geeska Afrika, ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, isagoo Beesha Caalamka ku boorriyay in si deg deg ah loogu soo gurmado dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso. pic.twitter.com/4UykHnYZns
— SomaliPM (@SomaliPM) April 26, 2022
DF Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta kuwait oo heshiis muhiim ah kala saxiixday
Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta kuwait oo soddon sanno kadib dib u bilaabaya xiriirka iyo wada shaqeynta taageerada dhaqaalaha.
Heshiiskaan oo maanta ka dhacay dalka Kuwait ayaa dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait Ambasaddor Dr. Cabdullaahi Maxammed Odowaa iyo agaasimahha guud ee Sanduuqa horumarinta dalka Kuwait Sayid Marwaan Al-Qanem.
DENI OO HAMBALYO U DIRAY GUDDOONKA CUSUB EE LOO DOORTAY AQALKA SARE EE SOOMAALIYA.
Muqdisho: 26 April 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Guddoonka cusub ee loo doortay Aqalka Sare ee Soomaaliya.
“Waxaan u hambalyeeynaya Guddoonka cusub ee loo doortay Aqalka Sare ee Soomaaliya, Guddoomiye Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markale noqday Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo labada Guddoomiye ku-xigeen ee cusub Sen. Cali Shacbaan Ibraahim iyo Sen. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade.
Doorashada Guddoonka Aqalka sare waa dhameystirka dhismaha Hay’addo sharciyad haysta oo bud-dhig u ah Dowladnimada dalkeena, waxaan u rajeynaya Guddoonka Aqalka Sare in alle u fududeeyo masuuliyada iyo xilka loo doortay.
Waxaan inoo rajaynaya sidoo kale in Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka JFS iyo tan MadaxweynahaJFS ay si wanaagsan inoogu qabsoomto.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.