26th July 2024  admin  Category :

DENI OO HAMBALYO U DIRAY GUDDOONKA CUSUB EE LOO DOORTAY AQALKA SARE EE SOOMAALIYA.

Muqdisho: 26 April 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Guddoonka cusub ee loo doortay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

“Waxaan u hambalyeeynaya Guddoonka cusub ee loo doortay Aqalka Sare ee Soomaaliya, Guddoomiye Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markale noqday Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo labada Guddoomiye ku-xigeen ee cusub Sen. Cali Shacbaan Ibraahim iyo Sen. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade.

Doorashada Guddoonka Aqalka sare waa dhameystirka dhismaha Hay’addo sharciyad haysta oo bud-dhig u ah Dowladnimada dalkeena, waxaan u rajeynaya Guddoonka Aqalka Sare in alle u fududeeyo masuuliyada iyo xilka loo doortay.

Waxaan inoo rajaynaya sidoo kale in Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka JFS iyo tan MadaxweynahaJFS ay si wanaagsan inoogu qabsoomto.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*