26th July 2024  admin  Category :

Taliye Xijaar oo iska difaacay eedaymihii loo jeediyey ee carqaladeynta doorashada

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa beeniyey eedo loo jeediyey ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Eedahaas oo ka kala yimid guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Dhabancad iyo guddoomiyaha guddiga doorashada Golaha Shacabka xildhibaan Cabdirisaaq Cumar ayaa lagu sheegay in booliska ay is-hortaageen shaqooyinka baarlamanka.

Qoraal uu soo saaray taliye Xijaar ayaa lagu yiri “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu beeninayaa wararka aan sal iyo raadka toonna lahayn ee baraha bulshada lagu soo bandhigay, oo ahaa: 1. In Boolisku hor istaagay shaqada Golaha Shacabka ee Xarunta Villa Hargaysa iyo 2- In Ciidanka Booliska uu shalay Guddomiyaha KMG ee Baarlamanka u diideen Teendhada Hangarka, oo ah wax laga xumaado in dad Ma’uuliyiin ah abaalgud uga dhigaan Ciidanaka Booliska oo shaqo adag u haya ummada Somaaliyyed.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu caddeynayaa in aysan jirin Ciidan Boolis ah oo saaka joogay Xarunta Villa Hargaysa, oo ay amnigeeda sugaan ciidamo kale oo aan ahayn Booliska, mana jirto ciidan boolis ah oo saaka tegay halkaas.”

“U diyaargarowga Doorashada Aqalka Sare oo ka socotay Teendhada Afisyooni awgeed, booliska iyagoo gudanaya waajibaadkooda, sidii caadiga ahayd, waxaa shalay Xarunta ka socday howlo amniga lagu sugayo, waajibaadka amni ee badqabka goobta, hubinta amniga mas’uuliyiinta, hawl-wadeennada, marti-sharafta iyo warbaahinta iyadoo la raacayo habraacyada doorashada, mana jirin shaqo ku saabsan Golaha shacabka oo halkaas ka socotay.”

Doorashada guddoonka Aqalka Sare ayaa maanta lasoo geba-gebeeyey, waxaana qorshuhu yahay in tan Golaha Shacabka ay dhacdo Arbacada berri ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*