Maxaa lagaga hadlayaa shirka Golaha Wadatashiga ee ka furmay Muqdisho?

Maxaa lagaga hadlayaa shirka Golaha Wadatashiga ee ka furmay Muqdisho?

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirka golaha wadatashiga qaranka ee dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah. Shirkan oo ay ka qaybgelayaan ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda dawlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa socon doona muddo laba maalmood ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ra'iisal wasaaraha iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug
Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug

Shirkan oo laba maalin socon doona ayaa ka furmay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana shir guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida laga soo xigta saraakiisha dowladda, shirka ayaa qodobada ay madaxdu diiradda ku saari doonto waxaa ka mid ah: wadashaqeynta madaxda federaalka iyo kuwo dowlad goboleedyada, amniga, dib-u-eegista dastuurka, dib u habeynta garsoorka dalka, federaalaynta iyo xaaladaha bani’aadanimo sida abaaraha ka taagan dalka.

Shirkan madaxda ka qeyb galeysa ayaa kala ah Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.


No media source currently available0:002:150:00 Direct link  Pop-out player

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee uu gudoomiyo Madaxweynaha dhawaan la doortay Xassan Sheekh Maxamud, iyo kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo in muddo ah ay isugu yimaadaan madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Duqa Muqdisho

Adrian Carton de Wiart: Askarigii Ingiriiska ee loo taagwaayay ee ay ciidamadii Daraawishta ay isha ka tuureen

Adrian Carton de Wiart: Askarigii Ingiriiska ee loo taagwaayay ee ay ciidamadii Daraawishta ay isha ka tuureen

Sir Adrian Carton de Wiart wuxuu lahaa hal-il, waxa uu ka soo dagaalamay saddex colaadood oo waaweyn lixdankii sano ee la soo dhaafay, waxa uuna ka soo badbaaday shilal diyaaradeed iyo xabsi.

Carton de Wiart waxa uu ka soo qeyb qaatay Dagaalkii Boer, Dagaalkii Koowaad iyo kii labaad ee Adduunka. Intii ay dagaaladaasi socodeen ayaa waxaa laga toogtay wajiga, waxa uuna sidaa ku waayay isha bidix, waxaana sidoo kale laga toogtay madaxa, sinta, lugaha, anqowga iyo dhagta.

Waxa uu ku dhashay magaalada Brussels 5tii Maajo ee 1880-kii. Saandkii 1891 waxa loo diray iskuul ku yaal England, si uu Jaamacadda Oxford uga soo barto sharciga.

Sannadkii 1899-kii wuxuu arkay fursad uu ku heli karo howlgalkiisii ​​ugu horreeyay ee dagaalka. Waxa uu ka tagay waxbarashadiisii, waxa uu u ambabaxay Koonfur Afrika si uu uga mid noqdo ciidammadii Ingiriiska ee dagaalkii labaad ee Boer. Maadaama uu ka yaraa da’da lagu noqdo milatariga, aabihiina uusan ogolaansho ka haysan, waxa uu degay kaarto ah in da’da uu weyneysto isagoo sheegtay inuu yahay 25 jir magac been abuur ahna wuu qortay.

Canton de Carton iyo Winston Churchill
Qoraalka sawirka,Canton de Carton iyo Winston Churchill

Markii uu qarxay dagaalkii 1-aad ee adduunka sannadkii 1914-tii, Carton de Wiart, oo markan qaatay dhalasho Ingiriis ah, waxa uu ka mid ahaa ciidankii loo diray Somaliland ee loo yaqaanay Somaliland Camel Corps oo la dagaallamayay ciidamadii dowladdii Daraawiishta.

Intii lagu guda jiray weerar lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen Ciidankii Soomaalida ee Daraawiishta ee uu hogaaminyay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, ayaa waxaa laga toogtay gacanta iyo wejiga, waxaana sidaasi ku waayay ishiisii bidix iyo qayb dhegtiisa ka mid ah. Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhacay buurta Shimbiris ee gobolka Sanaag sanadkii 1914.

Waxa uu ku soo laabtay Ingiriiska si loogu soo daweeyo isagoo la geeyay xarunta dadka lagu xanaaneeyo ee Park Lane. Waxay ahayd in uu isla goobtan ku soo laabto marka uu dhaawaaca ka bogsoodo.

Carton de Wiart waxaa loo xiray okiyaala madow balse waxaa la sheegey in ookiyaalaha uu dhiibaato badan ku qabay sidaa darteed waxa uu tuuray isagoo gaari saaran waxaana uu ka doorbiday inuu xirto marada madow ee Isha ugu xiran.

Carton de Wiart
Qoraalka sawirka,Sawir gacmeed laga sameeyay Carton de Wiart

Dib-u-dhacyada noocan oo kale ah kama aysan niyad jebin hadafkiisii dagaalka oo isla markiiba waxa uu ka mid noqday ciidamadii la dagaalamayay Jabhadda Galbeedka ee Ypres bishii Maajo 1915-tii.

Intii lagu guda jiray Dagaalkii Labaad ee Ypres, ciidamada Jarmalka madfac ay soo rideen ayuu Carton de Wiart gacanta bidix ku waayay. Sida lagu qoray buugga taariikh nololeedkiisa ee Happy Odyssey, waxa uu iska jaray laba farood markii uu dhakhtarku diiday in uu ka gooyo inkastoo dabayaaqadii isla sannadkaas uu dhakhtar ka gooyay gacanta dhan qalliin lagu sameeyay ka dib.

Sida uu uga adkaaday dhaawacyadii iyo naafanimada ayaa weli ah dhiirigelin, ayuu yidhi Sgt Thomas O’Donnell, oo Afgaanistaan ​​uga soo shaqeeyay Ilaalada Guutada 1-aad ee Scotland.

Memorial

Ka dib muddo uu ku maqnaa ka soo kabashada dhaawacyadii soo gaaray, Carton de Wiart ayay mar kale u suurtagashay inuu ku qanciyo guddiga caafimaadka in caafimaadkiisu taam u yahay si dagaalka uga qeyb qaato. Sannadkii 1916-kii, waxa uu la wareegay taliyaha guutada 8-aad ee Gloucestershire Regiment.

Wuxuu ka qeyb qaatay weeraro kale oo badan intii uu socday dagaalka, isagoo ay soo gaareen dhaawacyo kale. Mr A Holmes, oo la soo shaqeeyay Carton de Wiart oo soo ahaa kaaliyihiisa gaarka ah, ayaa 1964-tii BBC-da, u sheegay, sida uu sarkaalkaakan ugu badbaadiyay weeraro badan iyo in uu aad u nasiib badanaa.

Delville Wood

Carton de Wiart waxa uu ku noolaa dalka Poland dagaaladii koobaad ka dib balse wali xirfadiisa ciidan may dhamaan. Markii uu qarxay dagaalkii labaad ee aduunka, waxa uu hogaaminayay olole ka dhacay Norway sannadkii 1940-kii, waxaanu muddo kooban ku sugnaa Waqooyiga Ireland

Bishii Abriil 1941-gii ayaa hawlgal militari loogu diray Yugoslavia, laakiin diyaaradiisa ayaa lagu soo riday oo ku dhacday badda Mediterranean-ka.

Markii uu xeebta u dabbaashay, ayaa Talyaanigu qabtay. Inkasta oo uu ku jiray da’da 60-meeyada, haddaba wuxuu sameeyay isku dayo badan oo uu ku doonayay inuu kaga baxsado xerada ay ku jireen maxaabiista dagaalka lagu soo qabtay.

Ugu dambayntii waxaa la sii daayay laba sano ka dib, ka dibna waxaa Shiinaha u diray Winston Churchill si uu u noqdo wakiilkiisa gaarka ah, jagadaas ayuu hayay ilaa 1946.

Markii uu hawlgab noqday, ugu dambayntii waxa uu degay County Cork, isaga oo waqtigiisa ku qaatay kalluumaysi. Waxa uu ugu dambeyntii geeriyooday sannadkii 1963-dii isaga aan xabad iyo dagaal toona ku dhiman da’diisuna ahayd 83 jir.

Puntland oo xirtay rag u dhashay Yemen oo ka ganacsada tahriibka dhallinyarada

Puntland oo xirtay rag u dhashay Yemen oo ka ganacsada tahriibka dhallinyarada


Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa xalay soo qabtay rag watay doon oo u dhashay dalka Yemen kuwaas oo ay sheegeen in ay ka tahriibin jireen xeebta Booasaso dhalinyaro intooda badan da’doodu ka yartahay 20sano.

Qaar badan oo dhalinyaradaas ka mid ah ayaa la geeyay ilaa iyo Libya oo markii dambe waalidkood laga soo dalbaday lacago madax furasho ah.

May be an image of 7 people and body of water
May be an image of 2 people and outdoors
May be an image of 5 people and body of water

Ergayga gaarka ah ee arrimaha Beni-aadannimada XFS oo kulan la qaatay maamulka safaaradda Jarmalka

Ergayga gaarka ah ee arrimaha Beni-aadannimada XFS oo kulan la qaatay maamulka safaaradda Jarmalka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa qadka fogaan aragga ah kaga  qeybgalay kulan ay soo qabanqaabisay safaaradda Jarmalka oo sidoo kale ay goobjoogayaal ka ahaayeen deeqbixiyeyaasha caalamka ee fadhigoodu yahay Nairobi.

Safiir ku xigeenka Jarmalka Sascha oo hadalkiisa ku billaabay in uu bogaadinayo masuuliyadda hoggaanka cusub ee Soomaaliya ay iska saarayaan arrimaha beniaadannimada iyo sida firfircoon ee Xafiiska ergeygu u dhaqaajiyay howlahaan ayaa caddeeyay in Jarmalku xil iska saarayo gacan siinta Soomaaliya isaga oo sheegay in ay sanadkaan ku bixiyeen Soomaaliya ilaa 45 Milyan oo Yuuro.

Ergay Cabdiraxmaan oo Dowladda Jarmalka iyo hayadaha kaleba uga mahadceliyay sida ay ugu heellanyihiin mar walba gacan siinta dadkiisa ayaa dhinaca kale, uga warramay xaaladda daran ee abaaraha iyo sida looga baaqsan karo in xaaladda hadda jirta ay isu badasho  macluul.

Kaligii Taliyaha aan la bedelin oo amaanay Dimoqraadiyadda Soomaaliya

Lix caleemo-saar oo madaxweynayaasha Soomaaliya ah ayuu ka qayb galay intii uu xilka hayay.

Sanadkii 2000 ayay ahayd markii ugu horreysay ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ka qayb galo caleemo-saarka madaxda soomaalida. Xilligaas waxaa madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Cabdiqaasim Salaad Xassan oo doorashadiisu ka dhacday wadanka Jabuuti, kadib shirkii Carta.

Waqtigaas mudane Geelle wuxuu ahaa madaxweyne ugub ah oo talada dalkiisa kala wareegay adeerkiisa Xasan Guuleed Abtidoon oo Jabuuti maamulayay labaatan sano.

Geelle wuxuu marar kale goob-joog u noqday caleema-saaradii madaxweynayaashii Soomaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Shariif Sheikh Axmed sanadihii 2004 tii iyo 2009 kii.

Sanadahaas oo idil Jabuuti waxaa ka dhacayay doorahsooyin uu marwalba ku soo baxayay madaxweyne Geelle. Dadka dhaliila waxay sheegayeen in natiijada doorashooyinku ahaayeen kuwo uu isagu jaangoynayay.

Balse Soomaaliya isbadelladu joogto ayay ahaayeen. Sanadkii 2012 kii waxaa la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa macalin Jaamacad, sidoo kale waddanka ayaa ka baxay nimaadyo kumeel-gaar ah oo lagu soo maamulayay tan iyo burburkii Soomaaliya. Wufuud culus ayaa yimid wadanka oo ka qayb galayay caleemo-saarka madaxweynaha.

Mar kale, waa kan mudane Geelle oo diyaar u ah ka qaybgalka caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya, mar afaraad.

“Waxaan jeclahay inaan kuugu hambalyeeyo doorashada lagu doortay ee sida dimuqraadiga ah laguu doortay” ayuu yiri Geelle oo ka hadlayay munaasabadda caleemasaarka.

Afar sano kadib markii uu dhamaaday muddo xileedkii madaxweyne Xasan Sheekh Soomaaliya waxay gashay xilli doorasho, sidoo kale Jabuuti waxay u ahayd waqti doorasho.

Doorashadii Soomaaliya, Waa laga guuleystay Xasan Sheekh oo doonayay in uu markale noqdo madaxweyne. Laakiin Jabuuti sidii la filayay markii afaraad ayaa la shaaciyay guusha madaxweyne Geelle.

Mucaaradka Jabuuti waxay sheegeen in natiijada doorashada la sii ogaa inta uusan bilaaban ololuhu. Dhanka kale madaxweyne Geelle wuxuu wadanka ka masaafuriyay koox weriyaal ah oo ka socday BBC, oo wareysiyo ka qaaday wasiirka arimaha dibadda Jabuuti iyo mid kamid ah musharrixiintii la tartamayay mudane Geelle. Wariyaashu waxay sheegeen in ay haysteen warqad u fasaxeysa in ay ka dhex shaqeeyaan gudaha dalka.

Markii ay dhamaatay doorashadaas mar kale waan kan mudane Geelle oo isaga oo madaxweyne “la jecel yahay ah” ka qayb galaya caleemasaarka Madaxweyne Farmaajo.

Doorashadii ugu dambeysay ee Jabuuti waxay dhacday sanadkii 2021 kii xilligaas oo uu mudane Geelle mar kale olole u galay sidii uu madaxweynimada u sii joogi lahaa. Laakiin isagu war kaas ka duwan ayuu BBC da la wadaagay.

“Runta haddii aan sheego dadka ayaa igu khasbaya (madaxweyne-nimada).” Ayuu yiri Geelle “Ayaantii dhaweyd anigoon wali hadlinba, ayay dadweynuhu gaar ahaan dhallinyaradu ay igu dhaheen joog ha dhaqaaqin. Markaas ayaan u soo dhigtay inaan markii ugu dambeysay sameeyo (tartanka) oo aan sii joogo.”

Doorashadan waxaa qaadacay dhamaan xisbiyada mucaaradka ee jabuuti, waxaana la tartamayay Geelle nin ku cusub siyaasadda oo lagu magacaabo Sakariye Ismaaciil Faarax.

Gudoomiyaha Xisbiga ARD ee Jabuuti ayaa yiri: “Doorashada Jabuuti way macno beeshay. Inta masuuliyiintu iscaleema-saarayaanna waxaa sii kordhaya khatarta fowdo iyo xasillooni-darro.”

Ismaaciil Cumar Geelle
Qoraalka sawirka,Wuxuu ka mid ahaa madaxada wadamada geeska Afrika ee ka qaybgalaysa caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh

Saddex iyo labaatan sano kadib madaxweyne Ismaaciil cumar Geelle maanta wuxuu joogaa Mqudisho isaga oo ka qayb galaya caleema-saarka madaxweynihii 6 aad ee xil ka qabta Soomaaliya intii uu isagu maamulayay Jabuuti.

Wuxuu amaanay isabdelka madaxweynayaasha, wuxuuna sheegay in ay guul tahay oo uu ku faraxsanyahay.

Jabuuti waa dal faqri ah. sida uu sheegay Bankiga Adduunka 23% dadka reer Jabuuti waxay ku nool yihiin saboolnimo, sida kuwa dagan xaafadda Balbala ee danyartu ku nooshahay, shaqo la’aantuna waxay joogtaa heer aad u sareeysa.

Haddaba madaxweynaha jabuuti maka dhabayn doonaa hadalkiisii ahaa in uusan mardambe isa soo sharrixi doonmise wuxuu goob joog u noqon doonaa caleemo-saarro kale isaga oo madaxweyne ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Madaxdii Ka Qeyb Gashay Caleema Saarkiisa

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Madaxdii Ka Qeyb Gashay Caleema Saarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo guud iyo kuwa gaar gaar ahba la qaatay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Mudane Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaareyaasha dalalka Itoobiya iyo Masar, Mudane Abiy Axmed iyo Mudane Mustafa Madbuuli.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo dowladaha ka soo qeyb galay Munaasabadda Caleemo-Saarka, waxa uuna u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya dalalka Caalamka, iyadoo lagu saleynaayo danta iyo ilaalinta dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo dowladaha ka soo qeyb galay Munaasabadda Caleemo-Saarka, waxa uuna u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya dalalka Caalamka, iyadoo lagu saleynaayo danta iyo ilaalinta dowladnimada Soomaaliya.

madaxweyne xasan sheekh oo kulan gaar ah la qaatay madaxdii ka qeyb gashay caleema saarkiisa.
madaxweyne xasan sheekh oo kulan gaar ah la qaatay madaxdii ka qeyb gashay caleema saarkiisa.
madaxweyne xasan sheekh oo kulan gaar ah la qaatay madaxdii ka qeyb gashay caleema saarkiisa.

madaxweyne xasan sheekh oo kulan gaar ah la qaatay madaxdii ka qeyb gashay caleema saarkiisa.madaxweyne xasan sheekh oo kulan gaar ah la qaatay madaxdii ka qeyb gashay caleema saarkiisa.madaxweyne xasan sheekh oo kulan gaar ah la qaatay madaxdii ka qeyb gashay caleema saarkiisa.

Rooble oo soo dhoweeyey Madbuuli

Ra’isal wasaare Rooble ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Masar Mudane Mustafa Madbuuli oo ka mid ah madaxda caalamka ee ka qeyb galeysa caleemosaarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Xasan Culusoow oo dhowr qodob uga hadlay khudbaddii Caleema Saarka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabaddii caleema saarkiisa ayaa soo bandhigay qaar ka mid ah qodobada aas aasiga u ah dowladdiisa, sida xasillinta dalka, horumarinta nidaamka federalka, xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee u dhexeeya dowladda Federalka iyo dowlad goboleedyada iyo sare u qaadidda iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay sida ay ahmiyad weyn ugu leedahay dowladnimada Soomaaliya wada shaqeyn iyo wadatashi uu dastuurka sal u yahay oo dhexmara Dowladda Federalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka a

“Xasillooni siyaasadeed oo lagu gaaro wadatashi, wada ogol iyo wadajir ka dhexeeya hoggaanka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyada oo markasta la tixgalinayo, dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala .”

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu hoosta ka xarriiqay in xiriirka ugu muhiimsan ee ay Soomaaliya aduunka la yeelan karto uu yahay mid ku qotoma ganacsi iyo iskaashi dhaqaale isaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed lagu yaqaan in ay yihiin kuwo dhinaca hal abuurka ganacsi ku wanaagsan.

“Dadka Soomaaliyeed waa kuwo lagu yaqaan in ay aad ugu fiican yihiin baayac-muushtarka, iyaga oo dalal badan oo Afrika, Bariga Dhexe iyo kuwa Galbeedkaba ku leh ganacsiyo waa weyn oo qeyb libaax leh ka qaata kobcinta dhaqaalaha dalalkaas.”

Dhinaca amniga, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu sheegay in iskaashi lala yeesho dunida inteeda kale, gaar ahaan kuwa Geeska Afrika ay wax weyn ka tari doonto.

“Dalalka Geeska Africa, maanta waxaa haysta culeysyo amni oo ka imanaya kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, sidaas daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in aan isku garabsanno si aan cadawga uga badbaadinno shacabkeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu xusay in Geeska Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya ay abaar ba’an oo isu bedeli karta macaluul ay ka jirto, taas oo saameysay boqolaal milyan oo dad ah, maadama ay abaartu noqotay mid dalka sanad walba ku soo noq noqota, sababna ay u yohiin arrimo badan oo isu tagay, waxa uu ballan qaaday in dowladdiisu ay ahmiyad weyn siin doonto si wax looga qabto.

“Waxaa arrimahaas (Abaaraha) sabab u ah dhibaatooyin is biirsaday, sida, is bedelka cimilada, burburka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo nuglaanta dowladnimo. Sidaas daraadeed, dowladeydu waxa ay dhisi doontaa xukuumad u xilsaaran arrimaha bay’ada.”

Madaxweynaha Jamhuuradda, Mudane Xassane Sheekh waxa uu sidoo kale bidhaanshay in dowlada ay ku shaqeyn doonto siyaasad arrimo dibadeed oo dhex dhexaad ah, ku saleysan in saaxiib lala noqdo dal walba oo ixtiraama madax bannaanida iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxaa mabd’a aas aasi ah noo noqon doona siyaasad arrimo dibedeed oo dhex dhexaad ah, isla markaana aan ku dhex milmin loolanka caalamka ka jira, waxa aan saaxiibo la ahaan doonnaa dal walba oo diyaar u ah in uu ixtiraamo madax bannaanida dalkeena iyo mid ahaanshaha gayyigeeda.”