27th July 2024  admin  Category :

Ergayga gaarka ah ee arrimaha Beni-aadannimada XFS oo kulan la qaatay maamulka safaaradda Jarmalka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa qadka fogaan aragga ah kaga  qeybgalay kulan ay soo qabanqaabisay safaaradda Jarmalka oo sidoo kale ay goobjoogayaal ka ahaayeen deeqbixiyeyaasha caalamka ee fadhigoodu yahay Nairobi.

Safiir ku xigeenka Jarmalka Sascha oo hadalkiisa ku billaabay in uu bogaadinayo masuuliyadda hoggaanka cusub ee Soomaaliya ay iska saarayaan arrimaha beniaadannimada iyo sida firfircoon ee Xafiiska ergeygu u dhaqaajiyay howlahaan ayaa caddeeyay in Jarmalku xil iska saarayo gacan siinta Soomaaliya isaga oo sheegay in ay sanadkaan ku bixiyeen Soomaaliya ilaa 45 Milyan oo Yuuro.

Ergay Cabdiraxmaan oo Dowladda Jarmalka iyo hayadaha kaleba uga mahadceliyay sida ay ugu heellanyihiin mar walba gacan siinta dadkiisa ayaa dhinaca kale, uga warramay xaaladda daran ee abaaraha iyo sida looga baaqsan karo in xaaladda hadda jirta ay isu badasho  macluul.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*