Jaamacadda Carabta oo taageertay qorshaha Masar ee dib u dhiska Gaza

Jaamacadda Carabta oo taageertay qorshaha Masar ee dib u dhiska Gaza

Qaahira — 

Hoggaamiyayaasha waddamada Jaamacadda Carabta ayaa Talaadadii shalay isla qaatay qorshaha dib u dhiska Gaza ee ay Masar soo jeedisay kaas oo ay ku kacayso qarash gaaraya 53 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Qorshaha Masar ayaa ahaa mid lagaga fogaanayo in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulka go’doonsan Marinka Gaza taasoo ka hor imaaneysa qorshihii uu bishii Janaayo soo jeediyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Trump ayaa qorshihiisa ku sheegay in Mareykanka uu la wareegayo Gaza si wanaagsan uu dhisi doono falastiiniyiinta ku noolna dib u dejin loogu sameyn doono wadamada Masar iyo Urdun.

Madaxweynaha Masar Cabdilfataax Al Sisi ayaa xiritaankii shir-madaxeedka Carabta oo shalay ka dhacay Qaahira ka sheegay in soo jeedinta la aqbalay
Kulanka oo ay martigelisay Masar ayaa waxaa madaxdii ka qeyb gashay ka mid ahaa amiirka Qatar madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka Carabta iyo wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga.

Qorshaha Masar ee ka soo horjeeda qorshaha Trump ayaa ku baaqaya in dadka deggan Gaza ay ku nagaadaan gudaha dhulkooda gaar ahaan toddobo goobood oo gaar ah oo looga dhisayo guryo ku meel gaar ah.

Inta ay halkaasi ku noolyihiin ayaa qorshahan uu soo jeedinayaa in Gaza laga sifeeyo burburka miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa ee haraadiga dagaalka.

Masar iyo dalal kale oo badan oo Carabeed ayaa horey uga soo horjeestay qorshaha Trump ee dib u dhiska Gaza oo laga dhigo meel loo tamashle tago Bariga Dhexe.

Intii uu socday kulanka ayaa madaxweynaha Masar Sisi waxa uu uga mahadceliyay Trump dadaalka uu ugu jiray dib u dhiska Gaza isaga oo intaa ku daray in qorshaha Masar ee la soo jeediyay uu sidoo kale dhigayo in guddi ku meel gaar ah oo ka kooban aqoonyahanno iyo farsamayaqaano ay sii maamulaan Gaza iyadoo la tababarayo boolis cusub oo Falastiiniyiin ah.

Waxaa kaloo qorshuhu dhigayaa in deeq bixiyeyaasha shir ku aaddan dib u dhiska Gaza loo qabto shirkaas ayuu Sisi sheegay inuu Masar ka dhici doono bisha soo socota.

Ururka Xamaas oo Maraykanku u aqoonsaday argagixiso ayaa soo dhaweeyay hindisahan balse Israel ayaa dhaleeceysay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in soo jeedinta shir madaxeedka Carabta ay ku guuldarreysteen in ay wax ka qabtaan xaqiiqada dhabta ah ee ka dhalatay weerarkii Xamaas ee toddobadii October 2023 kii kaas oo dhaliyey dagaalka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israel ayaa lagu yiri weerarkii argagixiso ee Xamaas kaas oo sababay dhimashada kumanaan Israa’iil ah iyo boqolaal afduub lama sheegin sidoo kale ma jiro wax cambaareyn ah oo loo jeedinayo ururkan argagixisada ah ee dilaaga ah.

Hoggaamiyaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo fikirka Masar wuxuuna ku booriyay Trump inuu taageero qorshahan sababtoo ah kuma lug lahaan doono barakicinta Falastiiniyiinta ayuu yiri Maxamuud Cabbaas.

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa ka digtay halis amni oo ku soo wajahan caasimadda Soomaaliya gaar ahaanna in la beegsanayo goobo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ah goob lagu tilmaamo in ay tahay halka ugu ammaanka badan Muqdisho isla markaana dheegga ku haysa Xerada ay dalalka Shisheeye deggan yihiin ee Xalane.

Safaaraddu waxay joojisay dhammaanba dhaqdhaqaaqa shaqaaleheeda ilaa amar dambe iyada oo sidoo kale dadkeeda uga digtay in ay u Safraan Soomaaliya.

Kooxaha argagaxisada ee ka dagaallama Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay sii xoojiyey weerarada ay ku beegsanayaan saldhigayada ciiddamada dawladda iyada oo Maalintii Sabtida ay kooxdani weerar ku eekaysay magaalada Balcad oo caasimadda u jirto masaafo aan ka badnayn 35KM.

Dawladda Soomaaliya ayaa iyana xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxaha xagjir ah iyadoo kaashanaysa shacab iskood isu-abaabulay oo ciidanka dawladda ka barbar dagaallamaya.

https://t.co/WadJs91LEG

Booliska Puntland oo qabtay Saddex Eedeysane

Garoowe, March 04, 2025: Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay saddex eedeysane oo kala ah:

1. Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad

2. Fahad Maxamed Abshir

3. Caamir Cabdi Muuse Cabdi

Eedeysanayaashan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin moral-gelin iyo taageero siinta kooxaha khawaarijta ah. Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in eedeysanayaashu hadda ku jiraan gacanta ciidamada amniga, halkaas oo lagu wado baaritaanno dheeraad ah.

Booliska Puntland waxay ku boorinayaan bulshada inay ka fogaato faafinta warar aan munaasib ahayn oo la xiriira kiiskan, iyagoo xusay in baraha bulshada looga baahanyahay in loo adeegsado si mas’uuliyad leh.

Eedeysanayaashu waxay wajihi doonaan sharciga, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadaha awoodda u leh si ay uga jawaabaan eedeymaha loo haysto.

May be an image of text that says 'PUNTLAND PUNTLAND POLICE FORCE'

All reactions:

Ninkii burcad badeednimada u xirnaa muddo 10 sano ka badan oo maanta loo doortay xildhibaan

Ninkii burcad badeednimada u xirnaa muddo 10 sano ka badan oo maanta loo doortay xildhibaan

Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa maantay loo doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka ka dib doorashadii kursiga GSH248 ee lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug.

Kursigan ayaa waxaa baneeyay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo loo magacaabay taliye ku xigeenka NISA.

Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) waxaa dhawaan laga soo daayey xabsi ku yaal dalka Belguim oo uu ku xirnaa inka badan 10 sano kadib markii dowladda Belgium ay sheegtay in Afweyne uu ku lug lahaa afduubkii Markab Belgian ah ‘Pompei’ 2009.

Afweyne ayaa lala xiray nin kale oo la socday oo lagu magacaabo Mohamed Adan Tiiceey markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Brussels, kuwaasi oo saarnaa dayaarad ka timid Kenya.Xayeysiin

Waxaa la aaminsan yahay in booliis dharcad ah ay isaga dhigeen oo ay ka dhaadhiciyeen inuu wax ka sameeyo filim ku saabsan burcad badeedda, oo sidaasi lagu khiyaameeyay.

Dacwad oogayaasha dalka Belgium ayaa markii la xiray sheegay in ay garoonka diyaaradaha ee Brussels ku xireen Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaano “Afweyne” kadib markii uu ka soo degay diyaarad ka soo duushay magaalada Nairobi. Waxa ayna sheegeen in lala xiray nin la socday oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Tiicey.

Halkii ay saxiixi lahaayeen qandaraas filim, labadooda ayaa lagu eedeeyay inay afduubteen markabkii Belgium-ka ee Pompei iyo shaqaalahii saarnaa kaas oo la afduubtay sannadkii 2009-kii.

Eedeeyntaas oo ay labadoobu beeniyeen in ay ka tirsanaayeen Burcad badeedda Soomaaliya.

Xeer Ilaalinta Dowladda Belguim ayaa sheegtay in maamulku ay ku qanciyeen labada nin in ay la taliyeyaal u noqdaan filim ka hadlaya burcad-badeedda, sidaasina lagu soo xera geliyay.

Markii uu dhawaan soo gaaray Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) magaalada Muqdisho, kadib markii laga soo daayey xabsi ku yaal dalka Belgium, ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay siyaasiyiin , ganacsato, odayaal dhaqameed iyo dadweyne aad u badan kuwaas oo kaga hortay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Dib u soo laabashadii uu dalka ku soo laabtay

Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne ayaa waxaa muqdisho iyo Cadaado loogu sameeyay kulamo soo dhaweeyn ah, halkaas oo uu kaga hadlay mudadii dheereeyd ee uu xabsiga ku jiray

Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa waxaa muqdisho iyo Cadaado loogu sameeyay kulamo soo dhaweyn ah, halkaas oo uu kaga hadlay muddadii dheereyd ee uu xabsiga ku jiray .

Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa sheegay in qol sida qasnadda u sameysan uu ku jiray kaas oo albaabkiisu yahay 900 kilo kaas oo aad ciriiri u ahaa ” Waxa uu la mid ahaa god sida qabri oo kale ah oo lagu nool yahay” ayuu yiri Afweyne oo intaasi ku daray in aanay jirin ehel, asxaab , walaal iyo saaxiib iyo cid aad is taqaanaan midna” waa kaligaa, Ilaah aya kugu laba ah” ayuu yiri isagoo la hadlayey dad soo dhoweyntiisa ka soo qayb galay.

Afweyen waxa uu ka hadlay dareenkiisa sida u noqon jiray marka albaabka laga furo oo la yiraa qof ayaa kuu jooga , waxa ay iila mid ahayd buu yiri faraxdda ugu weyn ee aad faraxdo in aad banaanka uga baxaysid meeshaasi qasnadda oo kale ah.

Waxa uu aad ugu mahdceliyay dadkii kusoo booqday xabsiga intii uu xirnaa oo ugu horreeyo safiirkii Soomaaliya u fadhiyay midowga Yurub safiir Yoonis yaasiin xaashi oo uu sheegay in ka sokow safiirnimadiisa iyo xiriirkii dowlad nimo uu noqday buu yuri wehel .

Afweyne ayaa dadkii soo dhaweeyay u sheegay in uu u yimid , isla markaasna uu ka qeyb qaadan doono horumarka dalka isagoo gacan ka geysan doono caawinta dadka wixii karaankiisa ah.

Afweyne waxa uu aha ganacsade kasoo jeedo magaalada Cadaado iyo guud ahaan Galmudug kaas oo horey uga qayb qaatay mashaariic dhowr ah oo deegaanka ah, laga soo bilabo maamuulkii Ximan iyo Xeeb iyo heerrakii kala duwanaa ee dhismaha maamulka Galmudug, taasina waa tan keentay in dadka deegaanku ay si dirraan u soo dhaweeyaan markii xabsiga laga soo daayey ee uu kusoo noqday magaalada Cadaado.

Qudbadihii iyo soo dhaweyntii loo sameeyay Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa dhamaan dadkii ka hadlay waxa ay ugu yeerayeen Ganacsade iyo hoggaamiye taas oo si weyn uga duwan eedeynta iyo xariga lagu xiray Belguim ka dib markii ay ku eedeeyeen falal burcad badeednimo.

Maantana ugu danbeyntii Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) waxa lagu abaalmariyay in loo doortay Xildhibaan kursiga HOP248, kursigaas oo ka mid ah kuraasta xildhibanada Baarlamaanka Federaalka ah ee laga soo doorto Galmudug.

Tallaabadan lagu doortay ayaa daba socota kadib markii 25-kii bishii lasoo dhaafay, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, uu warqad u diray Guddiga Doorashooyinka, kana dalbaday inay si dhakhso leh loo soo buuxiyo kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Imaaraadka oo Dawladda Puntland ugu deeqay Gaadiid dagaal

Dawladda Puntland oo gaadiid dagaal ka heshay Dawladda ay deriska yihiin ee Imaaraadka Carabta

Gaadiidkani oo xalay laga soo saaray dekedda Boosaaso ayay dowladda Imaaraatiga Carbeed ku taageertay ciidamada Puntland oo dagaal adag kula jira dagaallamayaasha ajaanibta u badan ee Argagixisada ISIL sida ay sheegayaan ilo wareedyo amni.

Gawaari lagu gubay Gondar

Deeganka Axmarada[Aagga Gonder], waxaa lagu gubay in ka badan 10 gaadhi oo ah kuwa waawayn ee Isjiidka ah.Gaadiidkan oo midkiiba ilaa Labatan Milyan Bir lagu qiimeyo ayaa siday Saliid dibada loo dhoofinayay oo gaadhaysa 4kun oo Kiintaal.

Kooxaha Axmarada ee hubeysan ayaa rasaas ku furay gaadiidkan- Waxaana la afduubtay darawaladii waday gaadiidkan.

Dhacdadan oo laba cisho kahor dhacday ayaa hadal hayn badan keentay.Waxaana lalla yaabay in gaadiid ay saaran tahay hanti cadadkaas le’eg halmar dabka la qabadsiiyo.