Gabdhaha Caabud waaq oo $62K oo doollar ku taageerey maamulka Khaatumo
Gabdhaha #Caabudwaaq oo $62K oo doollar ku taageerey maamulka #SSCKhaatumo. #Somalia pic.twitter.com/NOudu5Rxub
— Mohamed Salh (@MohamedSelh) September 18, 2023
Gabdhaha Caabud waaq oo $62K oo doollar ku taageerey maamulka Khaatumo
Gabdhaha #Caabudwaaq oo $62K oo doollar ku taageerey maamulka #SSCKhaatumo. #Somalia pic.twitter.com/NOudu5Rxub
— Mohamed Salh (@MohamedSelh) September 18, 2023
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay kulan looga hadlayay Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee Q.M
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo ka qaybgalaya kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka socda magaalada New York, ayaa khudbad uu ka jeediyey kulan lagu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara wuxuu kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku ku tillaabsanayo.
Ra’isul Wasaare Xamsa ayaa kulanka warbixin ka siiyey dadaallada lagu hiigsanayo Yoolasha Horumarka Waara ee Soomaaliya ka socda iyo sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka lagu soo dabbaalo amni, xasillooni iyo baraare loo aayo, tiiyoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saboolnimo, colaad iyo daruufo kale oo ka dhashay isbedelka cimilada oo ku gudban in sidii la rabay looga libkeeno yoolasha qaarkood.
Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Federaallka Soomaaliya ay Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP9) ku jaangoysey Yoolasha Horumarka Waara ee QM, wuxuuna si gaar ah u xusay in laga soo billaabo 2017-kii lagu guuleystey in hoos loo dhigo heerka saboolnimada 15%, sidoo kalena la yareeyey umul-raacashada haweenka 43%, halka heerka wax akhristaka haweenka da’doodu u dhexeyso 15-24 sare loo qaaday 12.4%.
Ra’isul Wasaare Xamsa mar uu ka hadlayey tillaabooyin u qorsheysan dowladda, si loo gaaro Yoolasha Horumarka Waara, wuxuu daaha ka rogey qorsheyaal lagu kobcinayo karaanka dadweynaha, sida maalgashi lagu sameeyo tayada waxbarashada, baahinta fursadaha waxbarashada dalka, hoos u dhigista wax qoris iyo akhiris la’aanta iyo abuurista dugsiyo farsamada gacanta ah.
Ra’isul Wasaare Xamsa wuxuu intaas ku daray in dowladdu mudnaan gaar ah siineyso taabbagelinta hannaan lagu kobcinayo waxsoosaarka beeraha dalka, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin casri ah oo wax ka taraya beeqaaminta biyaha iyo waraabka, si looga gaashaanto saameynta daran ee ka dhalata isbeddelka cimilada oo Soomaaliya u nugushahay. Si taas loo suurtogeliyana, Rai’sul Wasaaruhu wuxuu tibaaxay in Soomaaliya ay ay firfircoon qaadaneyso dadaallada caalamiga ah ee lagu hiigsanayo Yoolasha Horumarka Waara.
Dhanka horumarinta xaquuqda aadanahana, Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre wuxuu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu dardargelineyso ciribtirka cunfiga iyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed, isagoo ballanqaaday in la xaqiijinayo sidii haweenku uga dhex muuqan lahaayeen hoggaanka dalka.
Muxuu yahay bustahan ay Al -Shabaab ‘kaga dhuumato’ duqeymaha cirka?
Waxaa dhamaadka toddobaadkii tagay maxkamadda ciidamada ee Muqdisho kasoo muuqday nin sida ay ciidamada amaanku sheegay, alaab u waday Al Shabaab.
Waxaa lagu eedeeyay in uu Jilib ka soo daabulay wax u muuqda bustayaal una waday Galhareeri si ay dagaalayahannada Al-Shabaab u adeegsadaan.
Qalabkan ayaa ah busteyaal ka samaysan maadada macdanka (aluminium) kuwaas oo loo adeegsado siyaabo kala duwan.
Qalabkan oo ay hore u adeegsadeen Taalibaan ayey dadka qaar is weydiinayaan waxa uu ka caawinayo dadka adeegsada.
Qalabkan sida aan kor ku xusnay wuxuu ka samaysan yahay maadada aluminium-ka. Waxay dadka shacabka ahi u adeegsadaan inay kaga gaashaantaan qabowga maadaama bustahani uu keenayo diirimaad degdeg ah.
Dadka dalxiisayaasha ah ee ku hoyda kaymaha roobka badan, kuwa buuraha fanta iyo dhakhaatiirta qaliinka iyo dadka bixiya adeegyada caafimaad ee degdegga ah ayaa adeegsada.
Balse waxaa laga yaaba xitaa dadka aysan hadda ugu horeyn ee yaqaan qalabkan inay is weydiiyaan sidey Al shabaab u adeegsan karaan bustahan?
Waxaa jira qalab aragga loo adeegsado xilliga habeenkii ah iyo meelaha mugdiga ah oo badanaa ay isticmaalaan ciidamada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hawl gallada fuliya habeenkii.
Okiyaalaha ay habeenki xirtaan ciidamada hawlagallada fuliya iyo sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa ku xiran qalab la yiraahdo “thermos sencer”. Qalabkan ayaa akhrinaya xaraaradda jirka, wuxuuna bixinayaa muuqaal ku salaysan heerkulka ka baxa jirka xawayaanka iyo dadka, xitaa haddii uu darbi ka sokeeyo ama goobtu mugdi tahay.
Haddaba bustahan ka samaysan aluminium-ka ayaa dalfinaya ama qarinaya xaraaradda kasoo baxaysa jirka dadka waxayna taasi keenaysaa in qalabkii aragga ee mugdiga ama ama derbiyada gadaashooda wax laga arkayey uu akhrin kari waayo xaraaradda ama heerkulka jirka.
“Argagixisada eedaysanuhu wuxuu uga soo qaaday qalabkaas [bustaha] meel la yiraah Jilib wuxuuna u waday Galhareeri iyo dhulka hadda xorayntu ka socoto si qalabkaas ay u isticmaalaan kadibna diyaaraduhu u arki waayaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanbka booliska Soomaaliya isla markaana xeer ilaaliye ah oo maxkamadda u sharxayey waxa uu yahay qalabkan “loo waday” Al shabaab.
Waxaa la sheegay in ay qalabka hore u adeegsadeen ciidamda Taalibaan si ay uga dhuuntaan diyaaradaha NATO ee xilliyada habeenkii bartilmaameedsanaya.
Qalabkan iska fudud marka si loo eego ayaa sidoo kale loo adeegsadaa in lagu duubo ama lagu daboolo cuntada si uu kulaylka ugu kaydiyo in muddo ah.
Dadka ku dalxiisa meelaha roobabka badan ay ka da’aan isla markaana qabowga ah ayaa qalabka sii qaata si ay u huwadaan oo aysan qabow u dareemin xitaa haddii aysan isticmaaleyn dhar kale oo qaboga ka celiya.
Kaamerooyinka heerkulka qiyaasa (thermal cameras) ee ku rakiban dayaaradaha bilaa duuliyaha ah ayaa ah kuwo adeegsada mowjadaha infrared, iyo qalab kulaylka dareema. Labadas marka lagu daro muuqaalka goobta ayaa waxaa ka soo baxaya sawir.
Sannadihii ugu dambeeyey ayaa marba marka ka sii dambaysa la sii horumarinayey farsamo ahaan qalabkaas, laakin weli mushkiladda haysata waa in aysan qaban karin waxyaabaha dib u soo celiya iftiinka iyo waxyaabaha aadka u ifaya, kuwaasoo aysan qiyaasi karin kulaylka ka soo baxa.
Sawirrada iyo kulaylka ka soo baxaya goobta ayaa la daraaseeyaa, sidaa ayaana lagu go’aamiyaa halka qofku taagan yahay, fogaanta uu u jiro, iyo inuu yahay qof ama xayawaan.
Wasiir sheegay in geedda Yoocada la gaynayo Xadka u dhaxeeya Beelaha Harti iyo Isaaq
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada ee dawladda Puntland Adam Aw Hirsi, ayaa qoraal uu soo dhigay ku sheegay in geedka madax maray Beesha Isaaq ee Yoocad ee ku yaala duleedka Garoowe in loo rarayo Xadka u dhaxeeya Beelaha Hari ito Isaaq ee duleedka magaalada Burco ee gobolka Togdheer.
Xildhibaanada Federaalka ee reer Maakhir oo la kulmay Gudoomiyaha Hay’adda Musiibooyinka Qaranka
Yaa Soomaali ah maxaase laga beddeley kaarka aqoonsiga ee hadda la daahfuray
16-ka bisha Sibteembar waxay ku beegnayd maalinta aqoonsiga aduunka, waxayna dawladda Soomaaliya soo bandhigtay habka bixinta kaararka aqoonsiga Soomaaliya.
Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa daahfuray nidaamka bixinta kaararka aqoonsiga ee muwaadiniinta Soomaaliyeed iyada oo lasoo bandhigay nooca kaarka cusub.
Waxaa laga dheehan karay isbeddal lagu sameeyay kaarkii hore ee lala qaadan jiray baasaboorka Soomaaliga. Isbeddelka ugu muhiimsan ee muuqday wuxuu ahaa erayga jinsiga turjumadiisa afka Ingiriiska oo awal ahayd ‘gender’ ayaa hadda loo badalay ‘sex’.
Farqiga u dhexeeya labada eray iyo sababta loo malaynayo in loo badaley waxaad kaga bogan kartaa qaybta hoose ee qormada, balse marka hore aan eegno su’aasha kale ee ah; “yaa Soomaali ah?”.
Su’aashana waxay muhiim u tahay marka dawlad ay bixinayso kaar aqoonsi waxay siisaa oo kaliya dadka ay dawladdaasi u aqoonsan tahay muwaadiniinteeda, ama si kale haddaan u dhigno dadka uu dastuurka dalkaasi u aqoonsan yahay muwaadin.
Haddaba yaa muwaadin Soomaali ah? iyada oo aan ognahay arrimaha cakiran ee ku saabsan xuduudah Soomaaliya iyo dhulka ay Soomaaliya sheegato balse aysan ka talin.
Dastuurka ku meel gaarka ah ee la ansixiyey sannadkii 2012-kii wuxuu ogalaanayaa in qofka Soomaaliga ah ee haysta dhalashada dal kale uu qaadan karo dhalashada Soomaaliya halka dastuurkii lixdankii uusan taas ogolayn.
Haddaba aan eegno sida qofku xaq ugu yeelanayo dhalashada Soomaaliya innaga oo soo xiganayna dastuurka.
Waxaa heli kara dhalashada Soomaaliya qofka:
Sida ka muuqata qodobka koowaad waxaa Soomaali noqon kara qof kasta oo hooyada am aabahay dhalay midkood uu Soomaali yahay, taas oo Meesha ka saaraysa shardiga halka uu qofku ama waalidkii ku dhasheen ah. Haddii aan si kale u dhigno waxaa dhalashada ama aqoonsiga Soomaaliya xaq u leh qof waliba oo qowmiyad ahaan Soomaali ah, xitaa hadii hooyada oo kaliya ay Soomaali tahay.
Tani waxay fursad muwaadinnimo siinaysaa dadka Soomaalida ah balse dalalka deriska ah ku dhashay amaba dal kale ku dhashay xitaa haddii labada waalid midina uusan ku dhalan dhulka ay Qaramada midoobey Soomaaliya u aqoonsan tahay.
Baasaboorada ay dowladuhu u sameeyaan muwaadiniintooda si ay ugu safraan iyo kaararka aqoonsiyada ayaa waxaa ku qoran eray bixinno lagu aqoonsado xogta qofka wata, sida taariikhda dhalashada iyo halka uu ku dhashay qofku.
Xogtu waxay gaar u tahay qofka wata aqoonsiga lamana turjumo, balse tusmooyinka sida erayada ‘magaca’, “taariikhda dhalashada’ iyo ‘halka laga bixiyey’ aqoonsiga ayaa lagu turjumaa luuqad kale oo badanaa ah mid ama qaar ka mid ah kuwa caalamiga ah sida Carabiga iyo Ingiriiska.
Aqoonsiga Soomaaligu wuxuu ka mid yahay kuwa eray bixintooda lagu turjumo laba luuqadood oo aan af Soomaaliga ahayn, kuwaas oo kala ah Carabi iyo Ingiriis.
Haddaba waxaa muran dhaliyey turjumada afka Ingiriiska ee lagu turjumay eray ka mid ah kuwa ku qoran baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga ee soomaaliga, waana erayga “jinsiga” oo loola jeedo lab ama dheddig midka uu yahay qofka wata aqoonsiga.
Sheekha ayaa ku tilmaamay wax laga fiican yahay xulushada ereygaan.
Aqoonsiyada la midka ah kan Soomaaliga ee lagu turjumo afka Ingiriiska iyo xitaa kuwa asal ahaan Ingiriisku u yahay afkooda hooyo, waxaa erayga jinsiga qofka ku qoran baasabooro badan oo Afrikan, Yurub iyo wadamo muslim ah ereyga ‘sex’ halka kan Soomaaliga uu ku qornaa ‘gender’.
Nooca cusub ee ay shalay dawladdu soo bandhigtay ayey ka muuqatay in laga badalay eraygii ‘gender’ laguna badalay ‘sex’.
“Bal waxaad is weydiisaan dowladda Soomaaliya iyo Soomaali, meesha ‘sex’ maxay uga guureen oo ay ‘Gender’ u qaateen,” su’aashan waxaa dad uu ka hor hadlayey usoo bandhigay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dood ka qaba eray bixinta ‘gender’ oo ku qoran baasaboorka Soomaaliga.
Doodani muddo ayey soo taagnayd waxayna dadka caadiga ah ku dhalisay su’aasha ah, waa maxay farqiga u dhexeeya labada eray?
Sida ku cad qaamuusyada afka Ingiriiska iyo sidoo kale eray bixinnada dowladda ingiriiska, erayga ‘sex’ wuxuu tusmeynayaa kala duwanaanshaha jinsiga abuurka alle oo ku salaysan xubnaha taranka ee qofka iyo tusmada hidde sidaha oo afka sayniska loogu yeero (Chromosomes) taas oo ka dhigan in qofka uu noqon karo oo kaliya laba ama dheddig, inkasta oo ay jirto xaalad kale oo qofka laga wada helayo xubiniha jirka ee u gaarka ahaa labka iyo sidoo kale kuwii dheddigga.
Halka erayga ‘Gender’ uusan ku koobnayn jinsiga abuurka Alle oo kaliya ee sidoo kale uu fursad siinayo qofku siduu isku arko, lab, dheddig ma intaa wax dhaafsiisan, waana tan halka doodu ka dhalatay.
Qeexitaankan waxaan kasoo xigannay qaamuusyada afka Ingiriiska iyo sidoo kale eray bixinnada dowladda Ingiriiska oo iyadu muhiimad gooni ah siisay kala soocidda micnaha labada eray maadaama erayga ‘gender’ uu aqoonsanayo jinsiyo dheeri ka ah lab iyo dheddig ama waxa uu qofku isu aqoon sanayahy iyo sidoo kale waxa bulshadu u aqoonsan tahay.
Waxaa soo baxay dad su’aal geliyey haboonaanta eraygaas ee in uu ku qornaado baasaboorka Soomaaliga ah isaga oo leh micno ka duwan kan ‘sex’, waxaana u dambeeyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo bishii Luulyo baraha bulshada lagu arkay isaga oo dhaleecaynaya dowladda Soomaaliya kuna eedeynaya in ay u gogol xaareyso aqbalaadda wax ay diideen “dalal aan muslimiin ahayn”.
Ra”iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dalka Maraykanka
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona horumarradii ugu dambeeyey ee Dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca amniga iyo xasilloonida; dhimista saboolnimada, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka, Xuquuqda aadanaha, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimillada.
Ra’iisul Wasaaruhu inta uu ku sugan yahay xarunta QM wuxuu kulamo kal duwan la yeelan doonaa madax uu ugu horreeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay; iyo sidoo kale madax ka tirsan Dowladda Mareykanka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sidoo kale kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka, kuwaas oo uu uga warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen ciribtirka Khawaarijta iyo horumarka dhinacyada kala duwan ay ka sameysay muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York oo ay uga qaybgalayaan Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona horumarradii ugu dambeeyey ee Dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca amniga iyo xasilloonida; dhimista saboolnimada, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka, Xuquuqda aadanaha, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimillada.Ra’iisul Wasaaruhu inta uu ku sugan yahay xarunta QM wuxuu kulamo kal duwan la yeelan doonaa madax uu ugu horreeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay; iyo sidoo kale madax ka tirsan Dowladda Mareykanka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sidoo kale kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka, kuwaas oo uu uga warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen ciribtirka Khawaarijta iyo horumarka dhinacyada kala duwan ay ka sameysay muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay.
Macron oo sheegay in danjiraha u fadhiya Niger uu “la hayste” u yahay taliska militariga
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Jimcihii sheegay in ergayga Faransiiska ee Niger uu sidii la hayste oo kale ugu nool yahay safaaradda Faransiiska ee dalkaasi, waxaana uu ku eedeeyay taliska militariga ee talada qabsaday in ay xannibeen raashinkii safaaradda la geyn lahaa.
Macron ayaa magaalada Semur-en-Auxois ee Faransiiska wariyeyaasha ugu sheegay in safiirku uu ku nool yahay “cuntada ciidamada.”
“Hadda oo aan hadleyno, waxa aan leennahay safiir iyo shaqaale diblamaasiyadeed oo lagu haysto safaaradda Faransiiska” ayuu yiri.
“Waxa ay u diideen in raashin loo geeyo” ayuu yiri isagoo sida muuqata ula jeeday hoggaanka cusub ee militariga Niger. “ waxa uu cunayaa raashinka ciidamada”.
Hogaamiyayaasha militariga Niger ayaa u sheegay safiirka Faransiiska Sylvain Itte in uu dalka isaga tago ka dib markii ay 26-kii July afgambiyeen Madaxweyne Maxamed Bazoum.
Laakiin 48 saacadood oo kama dambays ah oo loo siiyay in uu dalka uga baxo taasi oo ay militarigu ku dhawaaqeen bishii August ayaa mar hore dhamaatay, isaga oo wali ku sugan Niger, xilli ay dowladda Faransiisku diiday in ay go’aankaasi u hoggaansanto, amaba ay aqqoonsato sharcinimada hoggaanka militariga ee talada qabsaday.
Afgenbiga ayaa waxaa cambaareeyay Faransiiska iyo inta badan dalalka deriska la ah Niger.
Macron ayaa sheegay in safiirku “uusan bixi karin, oo uu yahay qof aan dalka laga rabin (persona non grata), islamarkaana raashinkii loo diiday.”
Mar la weydiiyay in Faransiisku uu ka fiirsan doono in uu safiirka dib usoo celiyo ayuu Macron yiri: “Waxa aan sameyn doonaa wax kasta oo aan ku heshiinno madaxweyne Bazoum sababtoo ah waa mas’uulka sharciga ah, oo aan maalin walba la hadlo.”
Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Catherine Colonna ayaa goor dambe sheegtay in safiirku “uu shaqeynayo” uuna sii shaqeyn doono inta uu Faransiisku doonayo.
“Aad baan uga faa’iideysan karnaa xiriirkiisa iyo kuwa kooxdiisa,” ayay Colonna u sheegtay telefishinka LCI, iyadoo intaa ku dartay in danjiraha uu haysto koox yar oo la shaqeyneysa.
Faransiiska ayaa waxaa Niger u jooga ilaa 1,500 oo askari, waxaana uu sheegay horraantii bishan in ka bixinta ciidamadaasi ee Niger ay kala xaajoon karaan Bazoum oo kali ah.
Hoggaanka militariga ee talada haya ayaa meesha ka saaray heshiiskii iskaashiga ciidamada ee Niger kala dhexeeyay Faransiiska, waxayna weydiisteen ciidamada Faransiisku in ay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan dalkaasi.
Macron ayaa muddo toddobaadyo diidayay dalabka la xiriira in uu Niger ka baxo safiirka Faransiiska, tallaabadaasi oo uu taagero kaga helay Midowga Yurub oo amarka militariga ku tilmaamay “daandaansi.”
Midowga Yurub ayaan isna “aqqoonsaneyn” mas’uuliyiinta la wareegay awoodda Niger, sida ay bishii hore sheegtay afhayeenka arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Nabila Massrali.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo daah furay Qadashada kaarka Aqoonsiga Dadwaynaha
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku daah-furay munaasabad ballaaran, qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha 16 Sebtembar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshadeenna, kuwaasi oo ay kamid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Xukuumadda DanQaran ay meel marisay shuruucdii ilaalin lahayd xogta muwaadiniinta, hagina lahayd Hay’adaha ku shuqul leh bixinta iyo keydinta Aqoonsiga Qaran.
“Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka hadlayey munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha, ayaa hoosta ka xariiqay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadceliyey Dowladda Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’adaha Bangiga Adduunka iyo UNDP.
Dawladda Soomaaliya ayaa mar labaad ka bad baadinaynay Siyaasiyiinta Hawiye oo doonayey inay bilaabaan fawodaddii 1991 mid la mid ah
I agree with former @Golaha_shac_JFS that the “opposition” tried to destabilize Somalia, but without Mr. @M_Farmaajo’s and the former speaker’s wisdom and calmness, #Somalia🇸🇴would have devolved into chaos and civil war! pic.twitter.com/w1Q51n6FUG
— Somalia (@kingofSomaliaa) September 15, 2023