26th July 2024  admin  Category :

Muxuu yahay bustahan ay Al -Shabaab ‘kaga dhuumato’ duqeymaha cirka?

Waxaa dhamaadka toddobaadkii tagay maxkamadda ciidamada ee Muqdisho kasoo muuqday nin sida ay ciidamada amaanku sheegay, alaab u waday Al Shabaab.

Waxaa lagu eedeeyay in uu Jilib ka soo daabulay wax u muuqda bustayaal una waday Galhareeri si ay dagaalayahannada Al-Shabaab u adeegsadaan.

Qalabkan ayaa ah busteyaal ka samaysan maadada macdanka (aluminium) kuwaas oo loo adeegsado siyaabo kala duwan.

Qalabkan oo ay hore u adeegsadeen Taalibaan ayey dadka qaar is weydiinayaan waxa uu ka caawinayo dadka adeegsada.

Waa maxay qalabkani sideyse Al-shabaab u adeegsadaan?

Qalabkan sida aan kor ku xusnay wuxuu ka samaysan yahay maadada aluminium-ka. Waxay dadka shacabka ahi u adeegsadaan inay kaga gaashaantaan qabowga maadaama bustahani uu keenayo diirimaad degdeg ah.

Dadka dalxiisayaasha ah ee ku hoyda kaymaha roobka badan, kuwa buuraha fanta iyo dhakhaatiirta qaliinka iyo dadka bixiya adeegyada caafimaad ee degdegga ah ayaa adeegsada.

Balse waxaa laga yaaba xitaa dadka aysan hadda ugu horeyn ee yaqaan qalabkan inay is weydiiyaan sidey Al shabaab u adeegsan karaan bustahan?

Waxaa jira qalab aragga loo adeegsado xilliga habeenkii ah iyo meelaha mugdiga ah oo badanaa ay isticmaalaan ciidamada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hawl gallada fuliya habeenkii.

Sida ay drone-ka u aragto dadka meelaha mugdiga ah
Qoraalka sawirka,Sida ay drone-ka u aragto dadka meelaha mugdiga ah

Sidee u shaqeeyaa Alluminium-ka lagu dhuunto

Okiyaalaha ay habeenki xirtaan ciidamada hawlagallada fuliya iyo sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa ku xiran qalab la yiraahdo “thermos sencer”. Qalabkan ayaa akhrinaya xaraaradda jirka, wuxuuna bixinayaa muuqaal ku salaysan heerkulka ka baxa jirka xawayaanka iyo dadka, xitaa haddii uu darbi ka sokeeyo ama goobtu mugdi tahay.

Haddaba bustahan ka samaysan aluminium-ka ayaa dalfinaya ama qarinaya xaraaradda kasoo baxaysa jirka dadka waxayna taasi keenaysaa in qalabkii aragga ee mugdiga ama ama derbiyada gadaashooda wax laga arkayey uu akhrin kari waayo xaraaradda ama heerkulka jirka.

“Argagixisada eedaysanuhu wuxuu uga soo qaaday qalabkaas [bustaha] meel la yiraah Jilib wuxuuna u waday Galhareeri iyo dhulka hadda xorayntu ka socoto si qalabkaas ay u isticmaalaan kadibna diyaaraduhu u arki waayaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanbka booliska Soomaaliya isla markaana xeer ilaaliye ah oo maxkamadda u sharxayey waxa uu yahay qalabkan “loo waday” Al shabaab.

Waxaa la sheegay in ay qalabka hore u adeegsadeen ciidamda Taalibaan si ay uga dhuuntaan diyaaradaha NATO ee xilliyada habeenkii bartilmaameedsanaya.

Qalabkan iska fudud marka si loo eego ayaa sidoo kale loo adeegsadaa in lagu duubo ama lagu daboolo cuntada si uu kulaylka ugu kaydiyo in muddo ah.

Dadka ku dalxiisa meelaha roobabka badan ay ka da’aan isla markaana qabowga ah ayaa qalabka sii qaata si ay u huwadaan oo aysan qabow u dareemin xitaa haddii aysan isticmaaleyn dhar kale oo qaboga ka celiya.

.

Sida ay Drones-ka u isticmaalaan kaamerooyinka kulaylka raadiya

Kaamerooyinka heerkulka qiyaasa (thermal cameras) ee ku rakiban dayaaradaha bilaa duuliyaha ah ayaa ah kuwo adeegsada mowjadaha infrared, iyo qalab kulaylka dareema. Labadas marka lagu daro muuqaalka goobta ayaa waxaa ka soo baxaya sawir.

Sannadihii ugu dambeeyey ayaa marba marka ka sii dambaysa la sii horumarinayey farsamo ahaan qalabkaas, laakin weli mushkiladda haysata waa in aysan qaban karin waxyaabaha dib u soo celiya iftiinka iyo waxyaabaha aadka u ifaya, kuwaasoo aysan qiyaasi karin kulaylka ka soo baxa.

Sawirrada iyo kulaylka ka soo baxaya goobta ayaa la daraaseeyaa, sidaa ayaana lagu go’aamiyaa halka qofku taagan yahay, fogaanta uu u jiro, iyo inuu yahay qof ama xayawaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*