16th April 2024  admin  Category :

Yaa Soomaali ah maxaase laga beddeley kaarka aqoonsiga ee hadda la daahfuray

16-ka bisha Sibteembar waxay ku beegnayd maalinta aqoonsiga aduunka, waxayna dawladda Soomaaliya soo bandhigtay habka bixinta kaararka aqoonsiga Soomaaliya.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa daahfuray nidaamka bixinta kaararka aqoonsiga ee muwaadiniinta Soomaaliyeed iyada oo lasoo bandhigay nooca kaarka cusub.

Waxaa laga dheehan karay isbeddal lagu sameeyay kaarkii hore ee lala qaadan jiray baasaboorka Soomaaliga. Isbeddelka ugu muhiimsan ee muuqday wuxuu ahaa erayga jinsiga turjumadiisa afka Ingiriiska oo awal ahayd ‘gender’ ayaa hadda loo badalay ‘sex’.

Farqiga u dhexeeya labada eray iyo sababta loo malaynayo in loo badaley waxaad kaga bogan kartaa qaybta hoose ee qormada, balse marka hore aan eegno su’aasha kale ee ah; “yaa Soomaali ah?”.

Su’aashana waxay muhiim u tahay marka dawlad ay bixinayso kaar aqoonsi waxay siisaa oo kaliya dadka ay dawladdaasi u aqoonsan tahay muwaadiniinteeda, ama si kale haddaan u dhigno dadka uu dastuurka dalkaasi u aqoonsan yahay muwaadin.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa daahfuray habka bixinta kaarka aqoonsiga
Qoraalka sawirka,Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa daahfuray habka bixinta kaarka aqoonsiga

Haddaba yaa muwaadin Soomaali ah? iyada oo aan ognahay arrimaha cakiran ee ku saabsan xuduudah Soomaaliya iyo dhulka ay Soomaaliya sheegato balse aysan ka talin.

Dastuurka ku meel gaarka ah ee la ansixiyey sannadkii 2012-kii wuxuu ogalaanayaa in qofka Soomaaliga ah ee haysta dhalashada dal kale uu qaadan karo dhalashada Soomaaliya halka dastuurkii lixdankii uusan taas ogolayn.

Haddaba aan eegno sida qofku xaq ugu yeelanayo dhalashada Soomaaliya innaga oo soo xiganayna dastuurka.

Waxaa heli kara dhalashada Soomaaliya qofka:

  • Hooyadii ama aabbihii uu Soomaali yahay;
  • Hooyadii ama aabihii uu ku dhashay Soomaaliya, isaguna ku dhashay Soomaaliya;
  • Ku dhashay Soomaaliya, oo aan dal kale haysan;
  • Dawladdu ay si gaar ah u siiso.

Sida ka muuqata qodobka koowaad waxaa Soomaali noqon kara qof kasta oo hooyada am aabahay dhalay midkood uu Soomaali yahay, taas oo Meesha ka saaraysa shardiga halka uu qofku ama waalidkii ku dhasheen ah. Haddii aan si kale u dhigno waxaa dhalashada ama aqoonsiga Soomaaliya xaq u leh qof waliba oo qowmiyad ahaan Soomaali ah, xitaa hadii hooyada oo kaliya ay Soomaali tahay.

Tani waxay fursad muwaadinnimo siinaysaa dadka Soomaalida ah balse dalalka deriska ah ku dhashay amaba dal kale ku dhashay xitaa haddii labada waalid midina uusan ku dhalan dhulka ay Qaramada midoobey Soomaaliya u aqoonsan tahay.

Kaararka aqoonsiga
Qoraalka sawirka,Kaarkii hore ee aqoonsiga (midig) iyo kan cusub (bidix) waxaa ku kala qoran ‘gender’ iyo ‘sex’

Baasaboorada ay dowladuhu u sameeyaan muwaadiniintooda si ay ugu safraan iyo kaararka aqoonsiyada ayaa waxaa ku qoran eray bixinno lagu aqoonsado xogta qofka wata, sida taariikhda dhalashada iyo halka uu ku dhashay qofku.

Xogtu waxay gaar u tahay qofka wata aqoonsiga lamana turjumo, balse tusmooyinka sida erayada ‘magaca’, “taariikhda dhalashada’ iyo ‘halka laga bixiyey’ aqoonsiga ayaa lagu turjumaa luuqad kale oo badanaa ah mid ama qaar ka mid ah kuwa caalamiga ah sida Carabiga iyo Ingiriiska.

Aqoonsiga Soomaaligu wuxuu ka mid yahay kuwa eray bixintooda lagu turjumo laba luuqadood oo aan af Soomaaliga ahayn, kuwaas oo kala ah Carabi iyo Ingiriis.

Haddaba waxaa muran dhaliyey turjumada afka Ingiriiska ee lagu turjumay eray ka mid ah kuwa ku qoran baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga ee soomaaliga, waana erayga “jinsiga” oo loola jeedo lab ama dheddig midka uu yahay qofka wata aqoonsiga.

Sheekha ayaa ku tilmaamay wax laga fiican yahay xulushada ereygaan.

Aqoonsiyada la midka ah kan Soomaaliga ee lagu turjumo afka Ingiriiska iyo xitaa kuwa asal ahaan Ingiriisku u yahay afkooda hooyo, waxaa erayga jinsiga qofka ku qoran baasabooro badan oo Afrikan, Yurub iyo wadamo muslim ah ereyga ‘sex’ halka kan Soomaaliga uu ku qornaa ‘gender’.

Nooca cusub ee ay shalay dawladdu soo bandhigtay ayey ka muuqatay in laga badalay eraygii ‘gender’ laguna badalay ‘sex’.

Muxuu yahay farqiga u dhexeeya labada eray?

“Bal waxaad is weydiisaan dowladda Soomaaliya iyo Soomaali, meesha ‘sex’ maxay uga guureen oo ay ‘Gender’ u qaateen,” su’aashan waxaa dad uu ka hor hadlayey usoo bandhigay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dood ka qaba eray bixinta ‘gender’ oo ku qoran baasaboorka Soomaaliga.

Doodani muddo ayey soo taagnayd waxayna dadka caadiga ah ku dhalisay su’aasha ah, waa maxay farqiga u dhexeeya labada eray?

Sida ku cad qaamuusyada afka Ingiriiska iyo sidoo kale eray bixinnada dowladda ingiriiska, erayga ‘sex’ wuxuu tusmeynayaa kala duwanaanshaha jinsiga abuurka alle oo ku salaysan xubnaha taranka ee qofka iyo tusmada hidde sidaha oo afka sayniska loogu yeero (Chromosomes) taas oo ka dhigan in qofka uu noqon karo oo kaliya laba ama dheddig, inkasta oo ay jirto xaalad kale oo qofka laga wada helayo xubiniha jirka ee u gaarka ahaa labka iyo sidoo kale kuwii dheddigga.

Halka erayga ‘Gender’ uusan ku koobnayn jinsiga abuurka Alle oo kaliya ee sidoo kale uu fursad siinayo qofku siduu isku arko, lab, dheddig ma intaa wax dhaafsiisan, waana tan halka doodu ka dhalatay.

Qeexitaankan waxaan kasoo xigannay qaamuusyada afka Ingiriiska iyo sidoo kale eray bixinnada dowladda Ingiriiska oo iyadu muhiimad gooni ah siisay kala soocidda micnaha labada eray maadaama erayga ‘gender’ uu aqoonsanayo jinsiyo dheeri ka ah lab iyo dheddig ama waxa uu qofku isu aqoon sanayahy iyo sidoo kale waxa bulshadu u aqoonsan tahay.

Waxaa soo baxay dad su’aal geliyey haboonaanta eraygaas ee in uu ku qornaado baasaboorka Soomaaliga ah isaga oo leh micno ka duwan kan ‘sex’, waxaana u dambeeyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo bishii Luulyo baraha bulshada lagu arkay isaga oo dhaleecaynaya dowladda Soomaaliya kuna eedeynaya in ay u gogol xaareyso aqbalaadda wax ay diideen “dalal aan muslimiin ahayn”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*