Xasan Culusoow oo xilka ka qaaday guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Dr Xasan Cumar Mahad-Allah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Bayaankan ayaa intaas ku daray in madaxweynuhu uu xeer madaxweyne uu sii-hayaha xilka guddoomiyaha Jaamacadda ugu magacaabay Dr Xasan Cismaan Gacal.

“Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jamacadda Umadda Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa faray xafiisyadda Jamacadda in ay la shaqeeyaan sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Xasan Cismaan Gacal .” ayaa lagu yiri bayaankan.

Ma cadda sababta xil ka qaadista Mahad-Allah oo Arbacadii lasoo dhaafay sameeyay isku shaandheyn dhinaca agaasimeyaasha ah.

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay shacabka ku dhaqan Laascaanood

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay shacabka ku dhaqan Laascaanood

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA ayaa gargaar beni’aadannimo oo loogu tala galay dadka nugul ee colaaduhu saameeyeen gaarsiisay magaalada Laascaanood  ee gobolka Sool.

Gargaarkaan oo gaaraya 500 oo tan oo raashin ah ayaa qeyb ka ah dadaallada gurmad ee hay’adda SoDMA u fidineysay shacabka Laasacaanood tan iyo markii ay billaawdeen dagaalladii ka dhacay magaalada.

Related posts

Sucuudiga oo ‘hakiyay’ wadahadalLadii ku saabsanaa sidii uu xiriir ula yeelan lahaa Israa’iil

Sucuudiga oo ‘hakiyay’ wadahadalLadii ku saabsanaa sidii uu xiriir ula yeelan lahaa Israa’iil

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa hakisay wada-hadallada ku saabsan in ay caadiyeyso xiriirka Israa’iil, ilo-wareed ayaa Sabtida maanta ah u sheegay wakaaladda wararka AFP, xilli uu socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.

“Sacuudi Carabiya ayaa go’aansatay in ay hakiso doodda la xiriirta suurtagalnimada in xiriirka caadi laga dhigo, waxayna ku wargelisay saraakiisha Mareykanka,” ayaa AFP u sheegay qof la socda wadahadallada.

Warkan ayaa soo baxay iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu Sabtida maanta ah la kulmay dhiggiisa Sacuudiga, taasi oo ah booqashadii ugu dambeysay oo uu ku marayo lix dal oo gobolka ah.

Boqortooyada Sacuudiga oo ah halka ay ku yaalaan goobaha ugu barakeysan Islaamka ayaan waligeed aqqoonsanin Israel, kumana jirto heshiiskii Abraham ee uu 2020-kii Mareykanka dhexdhexaadiyey kaasi oo dalalka Khaliijka ee ay jaarka yihiin ee Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale Morocco ay xiriir rasmi ah la sameysteen Israel.

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilihii la soo dhaafay si weyn ugu dadaalayay in Sacuudiga uu qaado tilaabadaasi oo kale.

Riyadh ayaa soo bandhigtay shuruudaha ay ku beddelanayso in ay caadiyeyso xiriirka Israel waxaana ka mid ah in Washingto ay siiso dammaanad qaad amni iyo in laga caawiyo horumarinta barnaamijka nukliyeerka ee rayidka.

Wareysi uu siiyay Fox News bishii hore, Dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa yiri “maalin walba waan ku sii dhowaaneynaa” heshiis, inkastoo uu sidoo kale ku adkeystay in arrinta Falastiin ay “aad muhiim ugu tahay” Riyadh.

“Waxa aan u baahannahay in ay arrintaasi xallino. Waxa aan rabnaa in aan fududeyno nolosha dadka reer Falastiin,” ayu uku yiri wareysigaasi.

Heshiis dhexmara Israel iyo Sacuudiga ayay khubaradu u arkayeen mid aan sahlanayn xittaa ka hor dagaalka ka dhex qarxay Israeli iyo Xamaas.

Jimcihii ayay Sacuudi Carabiya canbaareysay qixinta Falastiiniyiinta ee Gaza, iyo weerarada “shacabka aan difaaca haysan” waana bayaan ku qornaa luqaddii ugu adkayd oo Israel lagu dhaleeceynayo ee ka soo baxa Sacuudiga tan iyo markii uu dagaalku qarxay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan ayaa si lamid ah khasaaraha rayidka ka dib kulan uu maanta la yeeshay Xogahayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

“Waa xaalad murugo leh, waa xaalad aad u adag, waxaadna ogtihiin, dadka ugu horreeya ee xaaladdan ku dhacday waa rayidka, dadka rayidka ah ee labada dhinacba aad ayay u saameysay,” ayuu yiri.

“Mudnaanta hadda, waxaa loo baahan yahay in la joojiyo dhibaata dheeri ah oo rayidka gaarta, halkan waxaan u baahannahay in aan helno hab aan si degdeg ah u qaboojinno xaaladda, si degdeg ah loogu soo celiyo nabadda – ugu yaraan joojinta dagaalka – ka dibna ka shaqeyno wax ka qabashada caqabadaha ka jira xaaladda bani’aadamnimada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Blinken, ayaa dhankiisa muujiyay dadaallada lagu sameynayo “goobo nabdoon” oo ku yaalla Gaza iyo sidoo kale “jid si gargaarka bini’aadanimo uu u gaaro dadka u baahan,” ayuu yiri.

“Ma jiro qof naga mid ah oo doonaya in aan aragno dhibaatada soo gaaraysa dadka rayidka ah dhinac kasta, haddii ay tahay Israa’iil, hadday tahay Gaza, hadday tahay meel kale, waxaanan ka wada shaqaynaynaa sidii aan u ilaalin lahayn,” ayuu yiri.

AFP

Maxay tahay sababta Cabdixaafid looga reebay ciyaartoyda galabta ka hortagaya Niger?

Maxay tahay sababta Cabdixaafid looga reebay ciyaartoyda galabta ka hortagaya Niger?

Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa galabta kulan saaxiibtinimo la ciyaaraya dhiggooda dalka Niger, iyadoo uu noqonayo kulankoodii ugu horreeyay kadib safarkii ay ku tageen dalka Morocco.

Xulka qaranka ayaa dhowaanahan kujiray diyaar garow xooggan oo ku aaddan is reeb rebka Koobka Adduunka, walow kulamo kale ay ciyaari doonaan.

Kulanka fiidnimada maanta ayaa soo geli doona 6:30 fiidnimo, waqtiga Geeska Afrika isla markaana xilliga dalka Morocco ay ku beegantahay 4:20 galabnimo.

Waxaa jirta hadal heyn badan oo ku aaddan in liiska ciyaartoyda galabta kasoo muuqday safka aysan kamid ahayn dhowr ciyaariyahan oo qaar kamida loogu han weynaa in ay kasoo muuqan doonaan kulamada ugu horreeya ee xulka qaranka.XAYEYSIINhttps://1650804081d38673a5d6a6e80f8bf981.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Xulka qaranka
Qoraalka sawirka,Xulka qaranka

Lix ciyaaryahan uu kamid yahay Cabdixafiid Maxamed ayaan ku soo bixin liiska xiddigaha fiidkii ka hortagaya xulka Niger. Waxa ay kala yihiin:

1. Abdirahmaan (GK) Dekedda FC

2. Osman Okachq (MD) Dekedda FC

3. Osmaan Mohamed (MD) Gaadiidka FC

4. Mahad Shiine (FW) Horseed FC

5. Souleyman Sallu (DF) Dekedda FC

6. Cabdixaafid Mohamed (MD) Elman FC

Lixda ciyaariyahan dhammaantood waxa ay kamid yihiin xiddigaha lagasoo xulay gudaha dalka kana ciyaaraha kooxaha kala duwan ee horyaalka Soomaaliya.

Cabdi xafiid oo ah xiddig da’yar ayaa kusoo caan baxay ciyaarihii ‘Afcon Under 17 cup of Nations’ ee dhallinyarada ay da’doodu ka yartahay 17-jirrada kadib markii uu soo baxay hab ciyaareed heerkiisu sarreeyo iyo gool dhalin cajiib ah.

Hanashadii koobkaasi kadib kulamo kale oo ay ciyaari lahaayeen ayaa waxaa Cabdixaafid la sheegay inuu ka gudbi waayay baaritaan MRI ee lagu xaqiijiyo da’da qofka, kaas oo sida la sheegay soo baxay inuu da’daas ka weyn yahay.

Intaa kadib liiskii dhowaan uu soo saaray macallinka xulka qaranka Soomaaliya Rashid Lousteque ayuu Cabdixafiid kasoo muuqday iyadoo lagu daray xulka waaweyn ee qaranka.

In liiska ciyaartoyda kahortagaya Niger laga waayo waxa ay walaac iyo hadal heyn kadhex abuurtay bulshada.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya
Qoraalka sawirka,Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya

Haddaba kulamada saaxiibtinimo ee xulka qaranka ay ciyaarayaan iyo diyaar garowgooda kulamada xiga iyo waliba sababta ka dambeysay in Cabdixafiid iyo ciyaartoyda kale laga waayo liiska galabta waxa aan weydiinnay, Yuusuf Muxudiin Axmed oo ah xoghayaha guud ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Xoghaye Yuusuf, oo sharraxaad ka bixinaya sababaha keenay in Cabdixafiid laga waayo liiskan ayaa yiri, “Marka ay noqoto xulashada ciyaartoyda ee macallinka xulka, aalaba macallinku waxa uu soo saaraa liis la yiraahdo liiska ugu dambeeya ee kulamada saaxiibtimada ee caalamiga ah, ciyaartoyda ku sugan Morocco ee Soomaaliya waxa ay gaarayaan ilaa 32 ciyaariyahan, macalinku waxa uu u baahanyhaay 26 ciyaariyahan taas oo ah inta loo oggolyahay, taas ayaa keentay in qaybta sare la saaro lixda kale ee soo hareysa,

“Cabdixaafid waxa uu kamid yahay lixdaas ciyaariyahan, sida aan ognahayna waa ciyaariyahan firfircoon, sababta uu macallinka u xushayna waxa ay ahayd in uu yahay ciyaariyahan karti badan, maadaama uu aad u da’yaryahay welina uusan ka soo safan kulan noocan ah, waxa macquul ah in macallinku uu weli Cabdixaafid ka dhigayo ciyaariyahan khibrad fiican heli kara”. Ayuu yiri.

Cabdixaafid
Qoraalka sawirka,Cabdixaafid

Haddaba illaa intee ayuu Cabdixaafid ka maqnaan kara liiska kulamada xulka?

Liiskan uu soo saaray macallinka xulka kuabadda cagta ee Soomaaliya ayaa ah midka maanta ee kulanka Soomaaliya iyo dhiggeeda Niger, hase yeeshee waxa xusid mudan in macallinku uu liiska dambe ama kuwa xigaba uu kusoo darsan karo Cabdixaafid.

Xoghaye Yuusuf oo markale ka hadlaya ayaa yiri, “Cabdixaafid waxa laga saaray liiska galabta ee xiddigaha kahortagaya Niger, waxaa macquul ah in macallinku uu kusoo darsado doorashadiisa koowaad, mar walba macallinka ayaa u madax bannaan, Xaafid waxa uu kamid yahay 6-ciyaariyahan oo macallinku liiskan ka reebay laakiin micneheeda ma aha in kulamada oo dhan laga saaray, sida aan ognahayna macallimiinta khibrado iyaga u gaar ah ayey kusoo bandhigayaan shaxdooda mar waliba”.

“Kulankan waa kulan saaxiibtinimo waa macquul in macallinku uu qorsheynayo in kulamada is reeb reebka koobka adduunka uu soo safi doono Xaafid”, ayuu sii raaciyay.

Soomaaliya ayaa kulanka xiga ee saaxiibtinimo la ciyaari doonta xulka Sierra Leone, 17-ka isla bishan October.

Kulamada is reebreebka Koobka Adduunka ee 2026-da ayaa xiga iyadoo Soomaaliya ay la ciyaari doonto dalalka Algeria iyo Uganda.

Waa kuma Nageeye Cali Khaliif, maxay se dowladdu ka tiri?

Waa kuma Nageeye Cali Khaliif, maxay se dowladdu ka tiri?

Lix iyo soddonkii saac ee u dambaysay waxaa baraha bulshada Soomaaliga qabsaday sawirka iyo magaca Nageeye, oo ah shaqsi aad loo yaqaan islamarkaas na abuuray hadalhayn weyn.

Waxaa la faafiyay qoraal uu horey Facebook u dhigay, iyo buug la sheegay in uu isaga qoray laakiin aysan jirin si loo shaqeeyo. Waxaa sidoo kale la faafiyay sawiro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqanayo Jibli iyo magaalooyin kale oo ku yaal jubooyinka.

Nageeye Cali Khaliif waa macallin, abwaan iyo saxafi xirfad sare lahaa, iyo qoraa. Seddexda xirfadoodba si firfircoon ayuu ugu dhex jiray.

Noloshii Waxbarashada Negeeye

Nageeye Cali Khaliif, sida uu isaguba sheegay, wuxuu 1992 ku dhashay degmada Darroor ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Laakiin waxa uu ku barbaaray Somaliland, halkaas oo waxbarashada aas-aasiga ah uu ku qaatay.

Wuxuu sheegay inuu waxbarashada hoose ka bilaabay magaalada Hargeysa sannadkii 2003, wuxuuna intaa ku daray in 2011 uu iskuulka ku dhameeyey isla Hargeysa.

Shaahaadada 1aad ee jaamacadda ee cilmiga siyaasadda ayuu sheegay inuu 2014 ka qaatay jaamacadda New generation ee ku taalla magaalada Addis Ababa.

Shahaadada labaad ee jaamacadda oo uu saxaafadda ku bartay ayuu iyadana sheegay inuu ka qaatay jaamacad kale oo ku taalla isla magaalada Addis Ababa, isaga oo daraaseeyay saxaafada Soomaalida, si gaar ah wargeysyada.

Nageeye oo la sawiran aqoonyahanno Soomaaliyeed
Qoraalka sawirka,Nageeye oo la sawiran aqoonyahanno Soomaaliyeed

Suugaanta iyo dhaqanka ee Nageeye

“Anigu waxaan tan iyo carruurnimadii ahaa dadka suugaanta jecel, weliba anigoo yar oo maqasha raaca. Hooyaday gabayada ay tiriso ayaan qaybi (xifdin) jiray” ayuu yiri Nageeye.

Wuxuu intaa sii raaciyey “sannadkii 2006 ayeyday aabahay dhashay oo boqol iyo dheeraad jirtay oo aan suugaanteeda aad u jeclaa xilligaa geeriyootay anigoo dugsiga hoose dhigta.

Waa markii iigu horreysay ee aan sameeyo wax gabay ah, laakin ma dareensanayn inuu gabay yahay waxa aan tirinayo”

Wuxuu intaa ku daray inuu meel ku qoray gabay uu ayada u sameeyey, sidaana uu ku daayey gabayada.

Markii uu dugsiga sare dhameeyey ayuu sheegay in hibadiisii dhanka suugaanta ay mar labaad soo noqotay “maadaama da’da iyo waayo aragnimadu ay korayaan”.

Sannadihii 2011, 2012 iyo 2013 ayuu sheegay inuu suugaan samayn jiray, laakinse uusan dadka tusi jirin.

“Dhamaadkii 2013 ayaa Addis Ababa oo aan wax ka baran jiray waxaan isku aragnay abwaan Hadraawi. Suugaantii baan tusay. Wuxuu igu yiri ‘bulshadaa muraayad ahe bulshada hor gee. Xilligaas ayey ahayd markii iigu horreysay ee aan suugaanta bulshada la wadaago” ayuu yiri Nageeye Cali Khaliif oo taariikhdiisa uga warbixinayey kanaalka Somali show ee Youtube.

Wuxuu sheegay inuusan aaminsanayn in suugaanta ay ku timaado dhaxal oo kaliya. “Waxay ku soo uruuraysaa hibo rabaani ah.

Nageye

Saxaafadda iyo weriyenimada

Dhowrkii sano ee u dambeysay wuxuu Nageeye Cali Khaliif ku noolaa magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa hormuudka kulliyadda saxaafadda ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Dadka yaqaanna Nageeye Cali Khaliif waxay ku tilmaamaan inuu yahay nin hal adag oo mowqifkiisa aan beddelin ee ku adkaysta.

Bishii Disembar 2018 ayaa Nageeye wuxuu ka mid ah dad tartan u galay shaqooyin BBC ka banaanaa, laakinse ma uusan ka mid noqon dadkii shaqooyinkaas loo qaatay.

Tifaftirihii laanta af-Soomaailga ee xillligaas – Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq – ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray sababta aan Nageeye shaqada loogu qaadan.

“Inta aan madaxa ka ahaa BBC News Somali, Nageeye Cali Khaliif shaqo ayuu naga soo dalbaday, waana u qalmay. Balse wuxuu diiday inuu ballan qaado inuu joojin doono soo bandhigidda fikirkiisa siyaasadeed ee ku aaddan gooni isu taagga Somaliland. Wuxuu rabay inuu sii wato gabayadiisa looga soo horjeeday iasgoo weriye madax banaan ah. Taasna waa ii cuntami weyday maadaama aan dhexdhexaad ahayn. Laakin waxaan u fahmay inuu yahay qof ku ad-adag waxa uu aaminsan yahay,” ayuu Cabdullaahi ku yiri qoraalkiisa.

Nageeye Cali Khaliif oo dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey aan la ogeyn meel uu ku dambeeyo ayaan ka jawaabin eedeymo loo jeedinayo.

BBCSomali waxay xiriir la sameysay maamulka Jaamacadda Ummada, iyo dowladda Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan, ama ay u beeniyaan arrimaha la la xiriiriyay Nageeye Cali. Labada way ka cudurdaarteen inay ka hadlaan arrimahaas.

Laakiin saraakiil ka tiran hay’addaha Amniga ee dowladda waxay sheegeen inay baaritaan ku waddaan arrinkaan, islamarkaas na ay warbixin ka soo-saari doonaan xaalka Negeeye. Waxay sheegeen hay’addaha amniga in ay ogyihiin in Negeeye gurigiisa ka maqan yahay muddo shan maalin ah islamarkaas na ay hawada ka maqan yihiin telfoonada uu adeegsan jiray, laakiin way ka gaabsadeen inay sheegaan wax intaas ka badan.

Halgankii Khaatumo oo la afduubtay

Halgankii dhiiga loo daadiyey maanta waxa la hoos geeyey HAG iyo Heritage.

Shacabka gobolka Sool oo dhowaan iska xoreeyey maamulkii xooga ku haytay ee SNM iyo horjoogayaashii u shaqayn jiray , oo shacbku intooda badanI sugayeen inay maamulka gobolkooda gacanta ku dhigaan ayaa markii ay fursadaas heleen oo cadowgii xooga ku haystay iska dul qaadeen, waxa sida muuqata maamulkii afduutay koox caraysan oo Somaliland iyo Puntland isugu mid yihiin.

Kooxdan maamulkii Khaatumo afduubatay oo haddaan laga hor tegin sababi kara in halkii laga yimid lagu laabto ayaa waxay xiriir fiican la leeyihiin kooxo iyo ururo ka jira Koonfurta Soomaaliya oo dagaal ugu jira duminta maamulka Puntland

Ururadaas waxa ka mid ah ururka Heritage, oo taageero weyn siiya maamulka SomaliLand oo dhowr iyo tobon sano xoog ku haystay Gobolka Sool.

Dad badan ayaa amankaag ku noqotaya dhowaan markii kooxdan afduubatay maamulka Khaatumo ay codsadeen inay la kulmaan ururka Heritage iyaga oo ujeedadeeda tahay inay siyaasiyiinta Hawiye tusaan inaanay wada socon maamulka Puntland oo ay iyagu uha dhow yihiin.

Kooxdan, waa kooxdii markii Garaad Jaamac uu ka hadlay arimaha xaqiiqda ah ee ka jira dawladda federaalka ka daba hadlay iyaga oo canbaateenaya hadalka Garaadka

Maanta mar uu hadkay Hogaamiyaha Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye, wuxuu yidhi : “Puntland wax baan ka dhisanahay waana kamid ahayn, 17 sano ayaa gacanta Puntland uu deegankayagu ka maqnaa, Garoowe sokedeeda ayay Soomalilaan soo gaadhay. Mamaulkii Puntland ee ana kamid ahaydn kuma guulaysan in ay deegankayagii soo celiso.Jidhkaaga meesha xanuunaysa uun baa xoqan kartaa, waanun xoqanay, oo waxaa noo soo baxday in sida kaliya ee deegankayaga aanu ku soo ceshan karo kuna hayn karno waxay noqotay in aan maamul dhisano.”

Ugu danbayntii Xildhibaan Timacade iyo kooxda uu higaamiyo haddan la xakamayn waxa loo laabanayaa halkii laga yimid, maalinba maalinta ka danbaysa waa kala gaynayaan beelaha Harti , halka beesha Isaaq iyagu ku jiraa Rogaal celis. Waana sida ay rabaan Heritage, Cumar Geele, Biixi iyo M, Culusoo

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabiley Hoggaamiyaha Maamulka KMG SSC

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabiley Hoggaamiyaha Maamulka KMG SSC

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Hoggaamiye Firdhiye warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal.

Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimadda ummadda Soomaaliyeed,waxaana soo dhaweeyeen Qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.