26th July 2024  admin  Category :

Waa kuma Nageeye Cali Khaliif, maxay se dowladdu ka tiri?

Lix iyo soddonkii saac ee u dambaysay waxaa baraha bulshada Soomaaliga qabsaday sawirka iyo magaca Nageeye, oo ah shaqsi aad loo yaqaan islamarkaas na abuuray hadalhayn weyn.

Waxaa la faafiyay qoraal uu horey Facebook u dhigay, iyo buug la sheegay in uu isaga qoray laakiin aysan jirin si loo shaqeeyo. Waxaa sidoo kale la faafiyay sawiro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqanayo Jibli iyo magaalooyin kale oo ku yaal jubooyinka.

Nageeye Cali Khaliif waa macallin, abwaan iyo saxafi xirfad sare lahaa, iyo qoraa. Seddexda xirfadoodba si firfircoon ayuu ugu dhex jiray.

Noloshii Waxbarashada Negeeye

Nageeye Cali Khaliif, sida uu isaguba sheegay, wuxuu 1992 ku dhashay degmada Darroor ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Laakiin waxa uu ku barbaaray Somaliland, halkaas oo waxbarashada aas-aasiga ah uu ku qaatay.

Wuxuu sheegay inuu waxbarashada hoose ka bilaabay magaalada Hargeysa sannadkii 2003, wuxuuna intaa ku daray in 2011 uu iskuulka ku dhameeyey isla Hargeysa.

Shaahaadada 1aad ee jaamacadda ee cilmiga siyaasadda ayuu sheegay inuu 2014 ka qaatay jaamacadda New generation ee ku taalla magaalada Addis Ababa.

Shahaadada labaad ee jaamacadda oo uu saxaafadda ku bartay ayuu iyadana sheegay inuu ka qaatay jaamacad kale oo ku taalla isla magaalada Addis Ababa, isaga oo daraaseeyay saxaafada Soomaalida, si gaar ah wargeysyada.

Nageeye oo la sawiran aqoonyahanno Soomaaliyeed
Qoraalka sawirka,Nageeye oo la sawiran aqoonyahanno Soomaaliyeed

Suugaanta iyo dhaqanka ee Nageeye

“Anigu waxaan tan iyo carruurnimadii ahaa dadka suugaanta jecel, weliba anigoo yar oo maqasha raaca. Hooyaday gabayada ay tiriso ayaan qaybi (xifdin) jiray” ayuu yiri Nageeye.

Wuxuu intaa sii raaciyey “sannadkii 2006 ayeyday aabahay dhashay oo boqol iyo dheeraad jirtay oo aan suugaanteeda aad u jeclaa xilligaa geeriyootay anigoo dugsiga hoose dhigta.

Waa markii iigu horreysay ee aan sameeyo wax gabay ah, laakin ma dareensanayn inuu gabay yahay waxa aan tirinayo”

Wuxuu intaa ku daray inuu meel ku qoray gabay uu ayada u sameeyey, sidaana uu ku daayey gabayada.

Markii uu dugsiga sare dhameeyey ayuu sheegay in hibadiisii dhanka suugaanta ay mar labaad soo noqotay “maadaama da’da iyo waayo aragnimadu ay korayaan”.

Sannadihii 2011, 2012 iyo 2013 ayuu sheegay inuu suugaan samayn jiray, laakinse uusan dadka tusi jirin.

“Dhamaadkii 2013 ayaa Addis Ababa oo aan wax ka baran jiray waxaan isku aragnay abwaan Hadraawi. Suugaantii baan tusay. Wuxuu igu yiri ‘bulshadaa muraayad ahe bulshada hor gee. Xilligaas ayey ahayd markii iigu horreysay ee aan suugaanta bulshada la wadaago” ayuu yiri Nageeye Cali Khaliif oo taariikhdiisa uga warbixinayey kanaalka Somali show ee Youtube.

Wuxuu sheegay inuusan aaminsanayn in suugaanta ay ku timaado dhaxal oo kaliya. “Waxay ku soo uruuraysaa hibo rabaani ah.

Nageye

Saxaafadda iyo weriyenimada

Dhowrkii sano ee u dambeysay wuxuu Nageeye Cali Khaliif ku noolaa magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa hormuudka kulliyadda saxaafadda ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Dadka yaqaanna Nageeye Cali Khaliif waxay ku tilmaamaan inuu yahay nin hal adag oo mowqifkiisa aan beddelin ee ku adkaysta.

Bishii Disembar 2018 ayaa Nageeye wuxuu ka mid ah dad tartan u galay shaqooyin BBC ka banaanaa, laakinse ma uusan ka mid noqon dadkii shaqooyinkaas loo qaatay.

Tifaftirihii laanta af-Soomaailga ee xillligaas – Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq – ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray sababta aan Nageeye shaqada loogu qaadan.

“Inta aan madaxa ka ahaa BBC News Somali, Nageeye Cali Khaliif shaqo ayuu naga soo dalbaday, waana u qalmay. Balse wuxuu diiday inuu ballan qaado inuu joojin doono soo bandhigidda fikirkiisa siyaasadeed ee ku aaddan gooni isu taagga Somaliland. Wuxuu rabay inuu sii wato gabayadiisa looga soo horjeeday iasgoo weriye madax banaan ah. Taasna waa ii cuntami weyday maadaama aan dhexdhexaad ahayn. Laakin waxaan u fahmay inuu yahay qof ku ad-adag waxa uu aaminsan yahay,” ayuu Cabdullaahi ku yiri qoraalkiisa.

Nageeye Cali Khaliif oo dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey aan la ogeyn meel uu ku dambeeyo ayaan ka jawaabin eedeymo loo jeedinayo.

BBCSomali waxay xiriir la sameysay maamulka Jaamacadda Ummada, iyo dowladda Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan, ama ay u beeniyaan arrimaha la la xiriiriyay Nageeye Cali. Labada way ka cudurdaarteen inay ka hadlaan arrimahaas.

Laakiin saraakiil ka tiran hay’addaha Amniga ee dowladda waxay sheegeen inay baaritaan ku waddaan arrinkaan, islamarkaas na ay warbixin ka soo-saari doonaan xaalka Negeeye. Waxay sheegeen hay’addaha amniga in ay ogyihiin in Negeeye gurigiisa ka maqan yahay muddo shan maalin ah islamarkaas na ay hawada ka maqan yihiin telfoonada uu adeegsan jiray, laakiin way ka gaabsadeen inay sheegaan wax intaas ka badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*