26th July 2024  admin  Category :

Maxay tahay sababta Cabdixaafid looga reebay ciyaartoyda galabta ka hortagaya Niger?

Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa galabta kulan saaxiibtinimo la ciyaaraya dhiggooda dalka Niger, iyadoo uu noqonayo kulankoodii ugu horreeyay kadib safarkii ay ku tageen dalka Morocco.

Xulka qaranka ayaa dhowaanahan kujiray diyaar garow xooggan oo ku aaddan is reeb rebka Koobka Adduunka, walow kulamo kale ay ciyaari doonaan.

Kulanka fiidnimada maanta ayaa soo geli doona 6:30 fiidnimo, waqtiga Geeska Afrika isla markaana xilliga dalka Morocco ay ku beegantahay 4:20 galabnimo.

Waxaa jirta hadal heyn badan oo ku aaddan in liiska ciyaartoyda galabta kasoo muuqday safka aysan kamid ahayn dhowr ciyaariyahan oo qaar kamida loogu han weynaa in ay kasoo muuqan doonaan kulamada ugu horreeya ee xulka qaranka.XAYEYSIINhttps://1650804081d38673a5d6a6e80f8bf981.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Xulka qaranka
Qoraalka sawirka,Xulka qaranka

Lix ciyaaryahan uu kamid yahay Cabdixafiid Maxamed ayaan ku soo bixin liiska xiddigaha fiidkii ka hortagaya xulka Niger. Waxa ay kala yihiin:

1. Abdirahmaan (GK) Dekedda FC

2. Osman Okachq (MD) Dekedda FC

3. Osmaan Mohamed (MD) Gaadiidka FC

4. Mahad Shiine (FW) Horseed FC

5. Souleyman Sallu (DF) Dekedda FC

6. Cabdixaafid Mohamed (MD) Elman FC

Lixda ciyaariyahan dhammaantood waxa ay kamid yihiin xiddigaha lagasoo xulay gudaha dalka kana ciyaaraha kooxaha kala duwan ee horyaalka Soomaaliya.

Cabdi xafiid oo ah xiddig da’yar ayaa kusoo caan baxay ciyaarihii ‘Afcon Under 17 cup of Nations’ ee dhallinyarada ay da’doodu ka yartahay 17-jirrada kadib markii uu soo baxay hab ciyaareed heerkiisu sarreeyo iyo gool dhalin cajiib ah.

Hanashadii koobkaasi kadib kulamo kale oo ay ciyaari lahaayeen ayaa waxaa Cabdixaafid la sheegay inuu ka gudbi waayay baaritaan MRI ee lagu xaqiijiyo da’da qofka, kaas oo sida la sheegay soo baxay inuu da’daas ka weyn yahay.

Intaa kadib liiskii dhowaan uu soo saaray macallinka xulka qaranka Soomaaliya Rashid Lousteque ayuu Cabdixafiid kasoo muuqday iyadoo lagu daray xulka waaweyn ee qaranka.

In liiska ciyaartoyda kahortagaya Niger laga waayo waxa ay walaac iyo hadal heyn kadhex abuurtay bulshada.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya
Qoraalka sawirka,Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya

Haddaba kulamada saaxiibtinimo ee xulka qaranka ay ciyaarayaan iyo diyaar garowgooda kulamada xiga iyo waliba sababta ka dambeysay in Cabdixafiid iyo ciyaartoyda kale laga waayo liiska galabta waxa aan weydiinnay, Yuusuf Muxudiin Axmed oo ah xoghayaha guud ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Xoghaye Yuusuf, oo sharraxaad ka bixinaya sababaha keenay in Cabdixafiid laga waayo liiskan ayaa yiri, “Marka ay noqoto xulashada ciyaartoyda ee macallinka xulka, aalaba macallinku waxa uu soo saaraa liis la yiraahdo liiska ugu dambeeya ee kulamada saaxiibtimada ee caalamiga ah, ciyaartoyda ku sugan Morocco ee Soomaaliya waxa ay gaarayaan ilaa 32 ciyaariyahan, macalinku waxa uu u baahanyhaay 26 ciyaariyahan taas oo ah inta loo oggolyahay, taas ayaa keentay in qaybta sare la saaro lixda kale ee soo hareysa,

“Cabdixaafid waxa uu kamid yahay lixdaas ciyaariyahan, sida aan ognahayna waa ciyaariyahan firfircoon, sababta uu macallinka u xushayna waxa ay ahayd in uu yahay ciyaariyahan karti badan, maadaama uu aad u da’yaryahay welina uusan ka soo safan kulan noocan ah, waxa macquul ah in macallinku uu weli Cabdixaafid ka dhigayo ciyaariyahan khibrad fiican heli kara”. Ayuu yiri.

Cabdixaafid
Qoraalka sawirka,Cabdixaafid

Haddaba illaa intee ayuu Cabdixaafid ka maqnaan kara liiska kulamada xulka?

Liiskan uu soo saaray macallinka xulka kuabadda cagta ee Soomaaliya ayaa ah midka maanta ee kulanka Soomaaliya iyo dhiggeeda Niger, hase yeeshee waxa xusid mudan in macallinku uu liiska dambe ama kuwa xigaba uu kusoo darsan karo Cabdixaafid.

Xoghaye Yuusuf oo markale ka hadlaya ayaa yiri, “Cabdixaafid waxa laga saaray liiska galabta ee xiddigaha kahortagaya Niger, waxaa macquul ah in macallinku uu kusoo darsado doorashadiisa koowaad, mar walba macallinka ayaa u madax bannaan, Xaafid waxa uu kamid yahay 6-ciyaariyahan oo macallinku liiskan ka reebay laakiin micneheeda ma aha in kulamada oo dhan laga saaray, sida aan ognahayna macallimiinta khibrado iyaga u gaar ah ayey kusoo bandhigayaan shaxdooda mar waliba”.

“Kulankan waa kulan saaxiibtinimo waa macquul in macallinku uu qorsheynayo in kulamada is reeb reebka koobka adduunka uu soo safi doono Xaafid”, ayuu sii raaciyay.

Soomaaliya ayaa kulanka xiga ee saaxiibtinimo la ciyaari doonta xulka Sierra Leone, 17-ka isla bishan October.

Kulamada is reebreebka Koobka Adduunka ee 2026-da ayaa xiga iyadoo Soomaaliya ay la ciyaari doonto dalalka Algeria iyo Uganda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*