26th July 2024  admin  Category :

Sucuudiga oo ‘hakiyay’ wadahadalLadii ku saabsanaa sidii uu xiriir ula yeelan lahaa Israa’iil

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa hakisay wada-hadallada ku saabsan in ay caadiyeyso xiriirka Israa’iil, ilo-wareed ayaa Sabtida maanta ah u sheegay wakaaladda wararka AFP, xilli uu socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.

“Sacuudi Carabiya ayaa go’aansatay in ay hakiso doodda la xiriirta suurtagalnimada in xiriirka caadi laga dhigo, waxayna ku wargelisay saraakiisha Mareykanka,” ayaa AFP u sheegay qof la socda wadahadallada.

Warkan ayaa soo baxay iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu Sabtida maanta ah la kulmay dhiggiisa Sacuudiga, taasi oo ah booqashadii ugu dambeysay oo uu ku marayo lix dal oo gobolka ah.

Boqortooyada Sacuudiga oo ah halka ay ku yaalaan goobaha ugu barakeysan Islaamka ayaan waligeed aqqoonsanin Israel, kumana jirto heshiiskii Abraham ee uu 2020-kii Mareykanka dhexdhexaadiyey kaasi oo dalalka Khaliijka ee ay jaarka yihiin ee Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale Morocco ay xiriir rasmi ah la sameysteen Israel.

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilihii la soo dhaafay si weyn ugu dadaalayay in Sacuudiga uu qaado tilaabadaasi oo kale.

Riyadh ayaa soo bandhigtay shuruudaha ay ku beddelanayso in ay caadiyeyso xiriirka Israel waxaana ka mid ah in Washingto ay siiso dammaanad qaad amni iyo in laga caawiyo horumarinta barnaamijka nukliyeerka ee rayidka.

Wareysi uu siiyay Fox News bishii hore, Dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa yiri “maalin walba waan ku sii dhowaaneynaa” heshiis, inkastoo uu sidoo kale ku adkeystay in arrinta Falastiin ay “aad muhiim ugu tahay” Riyadh.

“Waxa aan u baahannahay in ay arrintaasi xallino. Waxa aan rabnaa in aan fududeyno nolosha dadka reer Falastiin,” ayu uku yiri wareysigaasi.

Heshiis dhexmara Israel iyo Sacuudiga ayay khubaradu u arkayeen mid aan sahlanayn xittaa ka hor dagaalka ka dhex qarxay Israeli iyo Xamaas.

Jimcihii ayay Sacuudi Carabiya canbaareysay qixinta Falastiiniyiinta ee Gaza, iyo weerarada “shacabka aan difaaca haysan” waana bayaan ku qornaa luqaddii ugu adkayd oo Israel lagu dhaleeceynayo ee ka soo baxa Sacuudiga tan iyo markii uu dagaalku qarxay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan ayaa si lamid ah khasaaraha rayidka ka dib kulan uu maanta la yeeshay Xogahayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

“Waa xaalad murugo leh, waa xaalad aad u adag, waxaadna ogtihiin, dadka ugu horreeya ee xaaladdan ku dhacday waa rayidka, dadka rayidka ah ee labada dhinacba aad ayay u saameysay,” ayuu yiri.

“Mudnaanta hadda, waxaa loo baahan yahay in la joojiyo dhibaata dheeri ah oo rayidka gaarta, halkan waxaan u baahannahay in aan helno hab aan si degdeg ah u qaboojinno xaaladda, si degdeg ah loogu soo celiyo nabadda – ugu yaraan joojinta dagaalka – ka dibna ka shaqeyno wax ka qabashada caqabadaha ka jira xaaladda bani’aadamnimada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Blinken, ayaa dhankiisa muujiyay dadaallada lagu sameynayo “goobo nabdoon” oo ku yaalla Gaza iyo sidoo kale “jid si gargaarka bini’aadanimo uu u gaaro dadka u baahan,” ayuu yiri.

“Ma jiro qof naga mid ah oo doonaya in aan aragno dhibaatada soo gaaraysa dadka rayidka ah dhinac kasta, haddii ay tahay Israa’iil, hadday tahay Gaza, hadday tahay meel kale, waxaanan ka wada shaqaynaynaa sidii aan u ilaalin lahayn,” ayuu yiri.

AFP

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*