
Xasan Culusoow ” Aniga Abiy ahmed inta uu diyaarad i saartay dal kale ima geeynin, oo ima hor fariisin gacan ku dhiigle Muuse Biixi”
Xasan Culusoow ” Aniga Abiy ahmed inta uu diyaarad i saartay dal kale ima geeynin, oo ima hor fariisin gacan ku dhiigle Muuse Biixi”
Fahad Yaasiin, wuxuu ka shaqeynayaa dummin siyaasadeed”
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weerar afka ku qaaday Taliyaha awoodda badan ee Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin, isagoo ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo dummin siyaasadeed.
Xasan Sheekh oo caawa ka qeyb galayay barnaamij dood wadag su’aalo lagu weydiinayay oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Talo Soo jeedinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Milkiilaha dowladda ee la sheego uu yahay Fahad Yaasiin.
“Milkiilaha dowladda ee la sheego waa la garanayaa waa saaxibkey Fahad Yaasiin, wuxuu ka shaqeynayaa dumin siyaasadeed, Madaxtooyada ayuu Agaasime ka noqday waa la ogyahay wixii ka dhacay Madaxtooyada, Nabadsugida tahay waa la ogyahay wuu kala diray Nabadsugida, waa dumiyay , duminta uu dumiyay kaligeed ma dumin ciidanka Booliska waa dumiyay”ayuu si kulul u yiri Xasan Sheekh.
Waxaa uu sheegay in horay si hoose ay ula hadleen Fahad, balse haatan si fagaare ula hadlayaan oo uu yahay nin ka shaqeynaya dummin siyaasadeed.
“Maanta waxa siyaasadda duminooya saaxibkey Fahad wiilkeyga burbur ayuu ka shaqeynayaa, hoos waa ugu sheegnay, caawana fagaare ugu sheegeynaa, siyaasadda dalkaan in la dumiyo ma ogolaaneyno”ayuu yiri Xasan Sheekh.
Diblomaasi INgiriis ah oo badbaadiyey Gabadh INgiriis ah oo webigu qaadan rabay
Stephen Ellison , oo ah Qunsulka guud ee ingiriiska u fadhiya Chongqing dalka shiinaha ayaa isaga oo maraya jiinka webiga Konfur galbeed mara, badbaadiyey gabar 24 jir ah oo webiga ku hafatay
Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa magacaabay 8-da Xubnood ee Guddiga Deegaan Doorashada Xildhibaannada ka soo jeedda Gobolada Waqooyi (Beesha Isaaq ), isagoo hore u magacaabay Afartii xubnood ee Heer Federal ee Doorashada iyo Khilaafaadka.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa hore Madaxweyne Farmaajo ugu eedeeyay in uu doonaayo in uu afduubto doorashada xildhibaanada kasoo jeedda gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.
Akhriso.
Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo, Gudoomiye ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan DFS iyo Dawladda Puntland, Isimo, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, Shacab iyo masuuliyiin kale ayaa magaalada Badhan kaga qayb galay aas qaran oo Loo sameeyey Afhayeenkii isimada Puntland, Marxuum Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga.
Khayre oo raali geliyey C/rahman C/shakuur , C/shakuur oo isaguna aqbalay raalli gelintii Kheyre.
Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Senator Dhagdheer ayaa caawa ugu tagay hoyga uu degan yahay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, waxaana kulankan uu ka dambeeyay dadaalo dhex dhexaadin ahaa oo ka soo bilowday Nairobi.
Suldanka guud ee beelaha Harti Suldan Siciid Suldan Cabdisalaan Ayaa magacabay Guddiga qaban qabada aaska marxuum Garaad Cabdilaahi Cali Ciid .
Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed faraceeda Puntland ee Degmada Badhan ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u qabatay 215 Arday oo sanadkan Jaamacadda kusoo biirtay.
Beesha Warsangeli ee degta Gobolka Karkaar, ayaa codsaday in la siiyo saamigooda la xiriira xubnaha golaha deegaanka ee Degmadda Qardho.
Bahda Allsanaag waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan Umadda Soomaaliyeed, nabad sugiddi hore ee Soomaaliya , maamulka Puntland, beesha Warsangeli, Qoyska reer Cali Ciid, qoyska reer Garaad Maxamuud Cali Shire, qoyska reer Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,, eheladdii, asxaabtii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Garaad Cabdulaahi Cal Ciid oo maanta ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga,
Marxuum Garaad Cabdulaahi cali ciid , waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii UU ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah ka siiyo, Aammiin, Aammiin.
Todobaad ka hor, maalintii Khamiista, sidan oo kale waxa magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ku geeriyooday graadka walaalkiis
MAXAMUUD CALI CIID DABAGAALE
https://allsanaag.com/tacsi-maxamuud-cal-ciid-dabagaale/
ALLSANAAG.COM