Gobolka Gedo

Maxaa loo hakiyey guud ahaan shaqaddii Qaranka Soomaaliyeed?

Dhowaan gobolka Bari ee Soomaaliya waxa ku dagaalamay labo beelood oo walaalo ah oo ka soo wada jeeda Beesha Majeerteen, dagaalkan ayaa haba yaraatee wax saamayn ah yeelan Soomaali inteeda kale, marka laga reebo khasaarihii iyaga soo kala gaaray.

Isla waqtigaas ayaa dagaal beeleed u dhaxeeya labo Beelood oo walaalo ah oo ka soo wada jeeda Beesha Mareexaa ayaa ku dhex maray Gobolka Gedo.

Markii arinta Gobolka Gedo dhacday dhamaan waxa la hakiyey shaqaddii Qaranka Soomaaliyeed, waxa la eedeeyey dhamaan Wadamaddii deriska la ahaa Soomaaliya, waxa si aan joogsi lahayn u soo baxayey waraaqo afka qalaad ku qoran oo ku socda caalamka intiisa kale. Maalintii shalay waraaqihii soo baxay wasaaradda arimaha dibadda waxay ka badan yihiin inta Dawladda Federaalka Caalamka kaga codsatay inay soo gaarsiiyaan Talaalka Covidka.

Intaa laguma joogsan, isla shalay waxa la soo saaray wareegto Beesha Hawiye dhowr iyo toban Xildhibaan oo sharci ahayn lagu siiyay, si ay iyaguna ugu taageeraan garabka Farmaajo ee dagaal Beeleedka Farmaajo ka dhex abuuray beeshiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, oo dhowaan eedeeyey maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa isaguna dacwad u gudbiyey Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Mudane Demeke Mekonnen. Arimihii Gudha Soomaaliya, dibadda Soomaaliya , amnigii iyo shaqaddii dawladda Soomaaliya waxa loo joojiyey waa dagaal beeleedka uu Farmaajo beeshiisa dhex dhigay sidii uu taageero ugu heli lahaa dal iyo dibad.

.

.

Wasiirka Warfaafinta oo dhowaan ku soo biiray riwaayadda Farmaajo Soomaali u dhigayo, aadna looga helay jilitaankiisa

Qadar oo ku baaqday baaritaan

Qadar oo sheegtay in baaritaan lagu sameeyo Ciidamaddii magacooda loogu qaaday Ereteriya

Dowladda Qadar ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo ciidamada Soomaaliyeed la geeyey Ereteriya kuwaas oo markii hore loo sheegey in loo qaadayo dalka Qadar.

War ka soo baxay dowladda Qadar ayaa lagu yiri: “Waan cambaareynaynaa shaqsi kasta oo si been abuur ah loogu sheegay inay u guurayaan Qatar si ay fursado shaqo uga helaan, Qatar waxay ka soo horjeedda dhaqamada noocan oo kale ah waxayna ku boorrineysaa dhammaan dowladaha in ay baaraan.

TACSI: Maxamuud Maxamed Boos

Bahda  Allsanaag, waxay  tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ,  qoyskii,  eheladii,  Caruurtii iyo qaraabadii uu  ka geeriyooday Allah ha u naxariistee  Marxuum Maxamuud Maxamed Boos, oo maanta ku geeriyooday magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag

إنا لله وانا اليه راجعون كل نفس دائقة الموت

Marxuum  Maxamuud Maxamed Boos ,   waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana   midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii uu  ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah  ka

Sadex iyo tobanka Xildhibaan iyo siyaasiyiinta Hawiye

Siyaasiyiintii Hawiye ee sodonka sano ka fashilmay Inay degaanadooda maamul shaqaynaya u sameeyaan, Saneeteriska siyaasadaysan muxuu u soo kordhinayaa?.

Laga soo bilaabo Koonfurta Gaalkacayo ilaa Kaantaroolka Afgoye oo ay sadex maamul ka dhisan yihiin waxa ka jirta amni xumo iyo Alshabaabka oo in badan degaanadaas ka mid ah ka taliya. Dhowaan ayeey ahayd markii Raage Ceele oo Hirshabeele ah iyo Bcaadweyn oo ka tirsan Galmudug ay qabsadeen Alshabaabku.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa qiray in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkiisa ay qarka u saarantahay inay Al-Shabaab qabsadaan, maamulkiisana uusan awoodin inuu ka difaaco.

Labo maalmood ka hor ayeey ahayd markii Al-Shabaab oo in badan oo ganacsiga gobolka Banaadir gacanta ku haya ay Amreee in Xoolaha Gobolka Hiiraan aan laga dhoofin Bosaaso ee laga dhoofiyo Dekada Muqdisho si ay uga helaan Dakhli ay ku dilaan ama ku qarxiyaan isla dadka degaankaas oo ku nool oo ay baadda ka rabaan

Siyaasiyiintan Hawiye ee labada maamul goboleed ee Hirshabeele iyo Galmudug ugu magcawnaa xildhibaanddii iyo wasiiraddii maanta waxay magan u yihiin Ciidanka Afrikaanka ee nabad ilaalinta u jooga dalka oo dhamaantood waxa lagu ilaaliyaa magaalada Muqdisho. Gobolka Banaadir ruuxaddiisa Soomaalida kale ayaa Allah u soo diray sida Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf, wejiga uu maanta leeyahay mid ka duwan ayuu lahaan lahaa

Hadaba soo wax laga xishoodo maaha qofkii damiir leh iyo fool xumada Soomaalidi ay ku wada joogaan in Xildhibaankii Gaaljecel ee ka soo jeeday Hiiraan uu maanta yiraahdo xildhibaanada Aqalka sare ee gobolka Banaadir loogu daray waxay iila mid tahay “aniga uu Buurtii Uxud joog”

Sidoo kale Xildhibaanka ka soo jeeda Galmudug, oo Caruurtii uu magacooda ku joogay Baarlamanaaka Soomaaliya aan meel ku sheegin inay Ereteriya joogaan, Oromada joogaan iyo inay ku dhinteen TIGRAY inuu yiraahdo Xildhibaana ninka aan deganayn uu soo magcaabay inay amniga degaanada Hawiye degaan ayuu wax ka bedelayaa. Soo tanina maa aha caqli xumada ay Soomaali ku wada joogaan.

Ugu danbayntii sodon sano ka hor siyaasiyiinta Hawiye gacanta ayeey ku dhigeen guud ahaa wixii Muqdisho yaalay oo Soomaali oo dhan ka wada dhaxaysay. Maalmo ka hor ayeey sanad guuraddii 30aad ahayd .

Marka aad fiiriso 13 Xildhibaan oo Farmaajo sharci darada ugu magcaabay gobolka Bnaadir iyo wixii ay maalintaa gacanta ku dhigeen faraq weyn ayaa u dhaxeeyey haddii isbedel maamul iyo dawlad wanaag la doonayey

Marka aad fiiriso deeqaha Caalamka ee Soomaali inteeda kale laga cuna qabateeyo ee Muqdisho qura la geliyo iyo sadex iyo tobnka Xildhbaan , haddii si fiican looga faa’iidaysan lahaa deeqahaas oo aan la musuq maasaqayn Bulshada Muqdisho maanta Ugaandhiis amnigooda ma ilaaliyeen. Siyaasiyiinta Hawiye oo Buurta Uxud ku timaamay Siyaasadda guracan ee Farmaajo waa siday ugu badisaa in Soomali sodon sano ay u afduubnaato iyo ku gabanaya caasimadda Soomaaliay

FARMAAJO DOORASHO DIYAAR UMA AHA

Maxey ka dhigantahay 13ka xubnood ee Farmaajo maanta u saxiixay gobalka Banaadir iyo diidmadii uu diiday xubnihii Jubbaland iyo Puntland magcaabeen

Adduunyada Casriga ah waxa aad u soo badanayay 50-Sano ee u danbeeyay Madax Xilal kala duwan qabtey balse gadaal laga ogaadey iney qabeen Xanuuno dhanka Maskaxda ah ee Waalida, Balse Madaxwyinihii hore ee Ecuador Abdala Bukaram, Isagu waa uu ka duwanaa oo waxaa la ogaadey inuu Waalan yahay Isagoo Xilka haya kadibna Maxkamada-sare ee Ecuador Iyo National Congress Of Ecuador ey Xilka ka Xayuubiyeen. Kolkaan dib u milcaano Sooyaalkii Abdala Bukaram, Waxa la doortey Agust 1996, Waxana Xilka laga qaadey 1997 February. Abdala Bucaram, waxa loogu magac darey ( “El Loco” (“the crazy one,” a nickname he himself championed[1])  

13-kursi ee mataalada Aqalka sare

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo si faah faahsan uga hadlay sixixii Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay 13-kursi ee mataalada Aqalka sare.Wasiir Al-Cadaala ayaa tilmaamay in Madaxweynaha uu kasoo horjeedo in la takooro dadka ku nool Gobolka Banaadir, ayna waajib tahay in ay helaan xaquuqdooda.

Waraysi: Prof. Xasan Sheekh Cali 

Waraysi: Prof. Xasan Sheekh Cali oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ee geedka afrika.Prof. Xasan Sheekh Cali oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ee geedka afrika ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Radio Daljir kaga hadlay go’aanka ay soo saareen guddiga xaqiiqo raadinta khilaafka Soomaaliya iyo Kenya oo ay cabashada ka keentay DFS | Wariye Cabdifataax Cumar Geeddi ayuu u warramay