26th July 2024  admin  Category :

Siyaasiyiintii Hawiye ee sodonka sano ka fashilmay Inay degaanadooda maamul shaqaynaya u sameeyaan, Saneeteriska siyaasadaysan muxuu u soo kordhinayaa?.

Laga soo bilaabo Koonfurta Gaalkacayo ilaa Kaantaroolka Afgoye oo ay sadex maamul ka dhisan yihiin waxa ka jirta amni xumo iyo Alshabaabka oo in badan degaanadaas ka mid ah ka taliya. Dhowaan ayeey ahayd markii Raage Ceele oo Hirshabeele ah iyo Bcaadweyn oo ka tirsan Galmudug ay qabsadeen Alshabaabku.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa qiray in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkiisa ay qarka u saarantahay inay Al-Shabaab qabsadaan, maamulkiisana uusan awoodin inuu ka difaaco.

Labo maalmood ka hor ayeey ahayd markii Al-Shabaab oo in badan oo ganacsiga gobolka Banaadir gacanta ku haya ay Amreee in Xoolaha Gobolka Hiiraan aan laga dhoofin Bosaaso ee laga dhoofiyo Dekada Muqdisho si ay uga helaan Dakhli ay ku dilaan ama ku qarxiyaan isla dadka degaankaas oo ku nool oo ay baadda ka rabaan

Siyaasiyiintan Hawiye ee labada maamul goboleed ee Hirshabeele iyo Galmudug ugu magcawnaa xildhibaanddii iyo wasiiraddii maanta waxay magan u yihiin Ciidanka Afrikaanka ee nabad ilaalinta u jooga dalka oo dhamaantood waxa lagu ilaaliyaa magaalada Muqdisho. Gobolka Banaadir ruuxaddiisa Soomaalida kale ayaa Allah u soo diray sida Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf, wejiga uu maanta leeyahay mid ka duwan ayuu lahaan lahaa

Hadaba soo wax laga xishoodo maaha qofkii damiir leh iyo fool xumada Soomaalidi ay ku wada joogaan in Xildhibaankii Gaaljecel ee ka soo jeeday Hiiraan uu maanta yiraahdo xildhibaanada Aqalka sare ee gobolka Banaadir loogu daray waxay iila mid tahay “aniga uu Buurtii Uxud joog”

Sidoo kale Xildhibaanka ka soo jeeda Galmudug, oo Caruurtii uu magacooda ku joogay Baarlamanaaka Soomaaliya aan meel ku sheegin inay Ereteriya joogaan, Oromada joogaan iyo inay ku dhinteen TIGRAY inuu yiraahdo Xildhibaana ninka aan deganayn uu soo magcaabay inay amniga degaanada Hawiye degaan ayuu wax ka bedelayaa. Soo tanina maa aha caqli xumada ay Soomaali ku wada joogaan.

Ugu danbayntii sodon sano ka hor siyaasiyiinta Hawiye gacanta ayeey ku dhigeen guud ahaa wixii Muqdisho yaalay oo Soomaali oo dhan ka wada dhaxaysay. Maalmo ka hor ayeey sanad guuraddii 30aad ahayd .

Marka aad fiiriso 13 Xildhibaan oo Farmaajo sharci darada ugu magcaabay gobolka Bnaadir iyo wixii ay maalintaa gacanta ku dhigeen faraq weyn ayaa u dhaxeeyey haddii isbedel maamul iyo dawlad wanaag la doonayey

Marka aad fiiriso deeqaha Caalamka ee Soomaali inteeda kale laga cuna qabateeyo ee Muqdisho qura la geliyo iyo sadex iyo tobnka Xildhbaan , haddii si fiican looga faa’iidaysan lahaa deeqahaas oo aan la musuq maasaqayn Bulshada Muqdisho maanta Ugaandhiis amnigooda ma ilaaliyeen. Siyaasiyiinta Hawiye oo Buurta Uxud ku timaamay Siyaasadda guracan ee Farmaajo waa siday ugu badisaa in Soomali sodon sano ay u afduubnaato iyo ku gabanaya caasimadda Soomaaliay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*