26th April 2024  admin  Category :

Maxaa loo hakiyey guud ahaan shaqaddii Qaranka Soomaaliyeed?

Dhowaan gobolka Bari ee Soomaaliya waxa ku dagaalamay labo beelood oo walaalo ah oo ka soo wada jeeda Beesha Majeerteen, dagaalkan ayaa haba yaraatee wax saamayn ah yeelan Soomaali inteeda kale, marka laga reebo khasaarihii iyaga soo kala gaaray.

Isla waqtigaas ayaa dagaal beeleed u dhaxeeya labo Beelood oo walaalo ah oo ka soo wada jeeda Beesha Mareexaa ayaa ku dhex maray Gobolka Gedo.

Markii arinta Gobolka Gedo dhacday dhamaan waxa la hakiyey shaqaddii Qaranka Soomaaliyeed, waxa la eedeeyey dhamaan Wadamaddii deriska la ahaa Soomaaliya, waxa si aan joogsi lahayn u soo baxayey waraaqo afka qalaad ku qoran oo ku socda caalamka intiisa kale. Maalintii shalay waraaqihii soo baxay wasaaradda arimaha dibadda waxay ka badan yihiin inta Dawladda Federaalka Caalamka kaga codsatay inay soo gaarsiiyaan Talaalka Covidka.

Intaa laguma joogsan, isla shalay waxa la soo saaray wareegto Beesha Hawiye dhowr iyo toban Xildhibaan oo sharci ahayn lagu siiyay, si ay iyaguna ugu taageeraan garabka Farmaajo ee dagaal Beeleedka Farmaajo ka dhex abuuray beeshiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, oo dhowaan eedeeyey maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa isaguna dacwad u gudbiyey Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Mudane Demeke Mekonnen. Arimihii Gudha Soomaaliya, dibadda Soomaaliya , amnigii iyo shaqaddii dawladda Soomaaliya waxa loo joojiyey waa dagaal beeleedka uu Farmaajo beeshiisa dhex dhigay sidii uu taageero ugu heli lahaa dal iyo dibad.

.

.

Wasiirka Warfaafinta oo dhowaan ku soo biiray riwaayadda Farmaajo Soomaali u dhigayo, aadna looga helay jilitaankiisa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*