Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Kismaayo

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Kismaayo

Xubno kamida Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal(GHDHF), oo uu hoggaaminaayo guddoomiye ku- xigeenka GHDHF Abukaate Mowliid Mataan Salaad ayaa gaaray magaalada Kismaayo, waxana halkaasi kusoo dhaweeyay gudoomiye ku-xigeenka gudigga maamulka doorashada dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Maxamud Dhaqane iyo xubno katirsan guddiga SEIT ee Jubbaland.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ay si rasmi ah uga bilaabato doorashada Aqalka hoose ee Gollaha Shacabka Baarlamanka 11-Aad ee Soomaaliya.

Muxuu ku saabsan yahay sharciga ay qortay Ilhaan Cumar ee uu ansixiyay Congress-ka Mareykanka?Translate Tweet

Aqalka Wakiillada ee Koongareeska Maraykanka ayaa xalay ansixiyey sharci horseedaya in Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku ay magacowdo ergay gaar ah oo si caalami ah uga hadlay arrimaha Islaam nacaybka.

Sharcigan waxaa Koongareeska keentay xildhibaannada laga soo doorto gobolka Minnesota Ilhaan Cumar. Ma cadda weli in Aqalka sare ee Sanatku uu ansixin doono sharcigan. Warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters waxaa inoo soo jeedinaya Xuseen Barre Aadan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Jubbaland

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay Madaxda Safaaradda Sweden oo ay ugu horeyso Xoghayaha koowaad ee Safaaradda ahna Madaxa Arrimaha Gargaarka.

Wasiirka ayaa masuuliyiintan kala hadlay sidii nolol cusub loogu abuuri lahaa kumanaanka qoys ee ka soo barakacay abaaraha ba’an ee ku dhuftay deegaanada Jubbaland, Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda sida Abaaraha iyo Fatahaadaha.

May be an image of 4 people, people standing, outdoors and tree

Maxaa ku dhacay Dhalaankii SNM

Adiga iyo Reerkiinaba anaa idiin ka Wakiil ka ah dawladda Federaalka

Inta badan Siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya , gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Beesha Hawiye ayaa marka ay hor istaagan yihiin Warbaahinta beelaha Isaaq ee Soomaali inteeda kale neceb waxay warysigooda ku bilabaan ” waa isku tashateen, dhulkiina nabbad ayaa ka dhigateen, Dimoqraadiyad ayaa isku maamushaan, tusaale ayaa u tuihiin Soomaali inteeda , waxaad leedihiin Isimo fiican oo markaad is qabataan u laabataan, horumar ayaad gaadheen waana sababta AAD UGA QURUX BADAN TIHIIN SOOMAALI INTEEDA KALE.

Maanta laxankii hore ee dhagaysan jireen maamulka SNM ee khiyaaliga ahaa EE AAN WAXBA KA JIRIN mid ka duwan ayeey ka maqleen Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, wuxuuna u sheegay “in Waqooyiga Soomaaliya guud ahaan UU iSAGU wakiil uga yahay Dawladda Federaalka, taariikh ahaan degaanka uu ka soo jeedo uu yahay dhulkii Isticmaarka ka hor la oran jiray Somaliland.

Intaa ka dib Jabhaddii SNM waa isku dhex yaaceen waana isu habar wacdeen, si ay ugu qamaamaan Wasiir Jamaal

https://allsanaag.com/wasiir-jamaal-oo-gaaray-dhahar/

https://allsanaag.com/sawirka-maanta-4/