29th March 2024  admin  Category :

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay Madaxda Safaaradda Sweden oo ay ugu horeyso Xoghayaha koowaad ee Safaaradda ahna Madaxa Arrimaha Gargaarka.

Wasiirka ayaa masuuliyiintan kala hadlay sidii nolol cusub loogu abuuri lahaa kumanaanka qoys ee ka soo barakacay abaaraha ba’an ee ku dhuftay deegaanada Jubbaland, Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda sida Abaaraha iyo Fatahaadaha.

May be an image of 4 people, people standing, outdoors and tree

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*