Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Farmaajo oo Xeer Madaxweyne ku soo saaray: BAAQ KU SAABSAN DHAB-U-JIHEYNTA DOORASH

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Farmaajo oo Xeer Madaxweyne ku soo saaray: BAAQ KU SAABSAN DHAB-U-JIHEYNTA DOORASH
Shir ka dhici doona Badhan oo lagu casumay dhamaan dadka ka soo jeeda Beesha Warsangeli ee geeska Afrika
Aqoonyahan Xasan Hoori, oo ka mid ahaa saxiixayashii qoraalka hoose. Weliba, xilligaa isaga ayaa beeshu Maakhir u xil saaratay arrimaha siyaasadda.
Allah ha u naxariistii Gen Gaboyow ayaa ahaa Guddoomiyaha SPM. General Morgan waxa uu ahaa ku xigeenkuiisa, Xasan Hoorina wuxuu ahaa xooghaya guud ama ma’suulka sadexaad ee hogaanka jubbada hoose.
Xilliga beesha Warsangeli mid bay ahayd, Beelwaynta Cismaan Ibraahimna iyagaa loo daba fadhiyey talada.
Runtu, waxay tahay iyagaa waqti dhowna loo daba fariisan doonaa, weliba, Warsangeli, maanta waxa uu aad uga midaysan yahay sidii hore . waxayna si weyn uga muuqdaan geeska Afrika
Waxay ku leeyihiin Geeska Afrika:
RW, Guddoomiyaha Barlamaanka, dhowr wasiir iyo 17 xildhibaan ee dalka Djibouti, waxay ka soo jeedaan beesha
Madaxweynahayaasha Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland. Wasiirkii hore Gashaandhigga Ethiopia, haddana ah, Wasiirka Biyaha Eng. Caasha.
Wasiirka arrimaha Dibedda Eritrea, Mudane Osman Salah. RW Cali M, iyo hal safiir dalkaasi ku leeyihiin Khaliijka.
Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, wasiirada iyo baarlamaanada Beesha ee Federaalaka iyo maamul goboleedyada Soomaaliyeed.
Hadaba . anigoo ah Xasan Hoori, afhayeenka Suldaanka guud, waxaan idiin ku bishaaraynaya, dhowaan, Beelwaynta Warsangeli in ay soo ceshan doonto magacii, maamuuskii ,hogaamintii iyo haybaddii ay ku lahayd geeska Afrika.
Kismaayo kuwa ku yimid doolaalka iyo kuwa kabaha u sida dhakhso ayeey u banayn doonaan , waxayna noqon doontaa, runtii meel ay ka taliso Saldanadda beesha Cismaan Ibraahim
uddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyay Ra’isul wasaarihii hore ee JFS Mudane, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore DPL Mudane, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynihii hore ee DPL Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Siyaasi Maxamuud Khaliif Xassan ( Jabiye) iyo Wefdi ay hoggaaminayaan oo dalka u yimi xal u helida shaqaaqadii ka dhacday
Wafdi uu hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo ka yimid gobolka Mudug ayaa soo gaaray magaalada Garoowe. Wafdigan oo isugu jira odayaash iyo waxgarad ayaa u socda sidii xal loogu heli lahaa xiisada ka taagan magaalada Boosaaso.
Horay waxaa Garoowe ugu sugnaa Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo Isimo kale oo ka kala yimid gobollada Puntland, waxaana la filayaa in wixii khilaaf ah ee ka jira Puntland lagu dhameeyo qaab dhaqan iyadoo la kaashanayo cid kasta oo wax ka geysan karta nabadaynta.
Dagaalkii Boosaaso ka dhacay mas’uuliyadeeda waxaa iska leh maamulka uu hoggaamiyo Siciid Deni. Cidii Ciidanka ka keentay illaa iyo gobolka Mudug, kuna soo daabushay xarunta PSF ee Boosaaso ayaa wixii khasaara ahaa ee meeshaas ka dhashay iska leh.
Hase ahaatee, waxaa ayaan daro ah in inta dad maato ah la xasuuqay, oo guryahoodii laga burburiyey in si sahlan uu madaxweeyne Deni uu u yiraahdo, “XALAY DHALAY HALAGA NOQDO WIXII DHACAY.”
Sidoo kale, dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dhalinyaradii ciidanka ahaa ee la geliyey dagaalka aan ujeedka laheyn in madaxweeyne Deni uu si fudud uu u yiraahdo “XALAY DHALEY HALAGA NOQDO WIXII DHACAY,” ayaa ah mid mas’uuliyad daro ah. Qofkee jecel in inta dadkiisii la laayey, hantidiisana la burburiyey, in si fudud loo yiraahdo horey uga socda, iska illoow wixii dadkaaga ku dhacay, wiilkaagii iyo gabadhaadii dameer baqtiyay waxba kama duwana ee dib ha u eegin?
Waa mas’uuliyad daro in xalay dhalay inta la yiraahdo dabadeena laga gudbo iyada oo aan khasaarahii meeshaas ka dhashay aan waxba la iska weeydiin. Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid Deni waa in ay bixisaa dadkii ku dhintay dagaalka MAGTOODA ha noqdo mid ciidan ah ama mid shacab ah, iyo hantidii shacabka looga burburiyey, waana in la bixiyaa kharashka dawadda ku baxaya ee dadkii ku dhaawacmay dagaalka micnadaradda ahaa.
Sidoo kale, dadka dadkooda ay kaga dhinteeyn, kuwii dadkoodii laga dhaawacay, iyo kuwii hanti burburka loo geeystay intaba waa in ay iyaguna isku yimaadaan oo is abaabulaan si xaqooda ay uga hellaan maamulka dagaalka sababtiisa lahaa.
Ugu danbeeyn, bulshada qeeybaheeda kala duwan iyo dhammaan jaaliyadda Puntland ee qurbaha waa in loo hawl galaa sidii dadkaa dhimashada, dhaawaca, hanti burburk uu soo garay ay u heli lahaayeen xaqooda, waana innaan la yeelin XALAY DHALAY IYO HALAGA GUDBO dadkaas xaqooda.
Ma saxbaa sawirka laga bixinayo dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso?
Dagaalkii maalmihii ina soo dhaafay ka socday magaalada Boosaaso ee xarunta goboolka Bari. ee sababtiisu ahayd agaasimihii haystay ha’yadda lacagta badan ee la dagaalanka argagixisada, laguna magcaabo maxamuud Diyaano, oo ay xilkaas uga horeeyeen walaalkiis iyo aabihiis, ayaa siddii uu ku bilaabmay si ka duwan la doonayaa in laga dhigo.
Dagaalkii la ogaa siduu ku bilowday , oo intaanu dhicin ay Isimada beesha Majeerteen go’aaamiyeen in gaadiidkii iyo Guryihii lagu helay magaca la dagaalanka argagixisada buuraha Cal madow lagu wareejiyo Hooyo iyo labadeeda wiil ee ha’yadaas madaxda ka ahaa, halkii dadkii horay uga barakacay Buuraha Cal madow ay weli dul saaran yihin Bulsho kale oo dhaqale ahaan aan wax badan ku dhaamin.
Arintan ay ku kaceen taliyaha amar diidka sameeyey iyo Ismadda xaq darada iyo qabyaaladda ku naas nuujiyey wiilkooda , waxa ka sii daran oo ay hadda soo wadaan Siyaasiyiintii Puntland iyo fedraalka madaxda ka soo noqday ayaa ah mid ka sii daran tii hore.
Siyaasiyiintan u badan beesha Majeerteen, ayaa dagaalkii ka dhacay Boosaaso oo khasaaraha gaystay dad badana ay ku naf waayeen, hanti ku luntay halka qaar kalena ay ka barakaceen magaaladoodii Boosaaso , dhamaantoodna ay ka soo jeedaan Beelaha Soomaaliya oo dhan, ayaa hadda waxay ka dhigayaan in dagaalkaasi u dhaxeeyey beesha Majeerteen Xalkuna yahay in beesha Majeerteen dhexdooda ka dhamaystaan, oo wixii la kala tabanayo iyo wixii laysa siinayo ay gaar ugu ahaato iyaga.
Siyaasiyiintan waa kuwii horay wax u kharibay oo markii ay madaxda ahaayeen halkii ay wax fiican iyo wax qabad samayn lahaayeen sida : nidaam dawlad oo wanaagsan , caddalad, wax wada qaybsi sax ah ka doortay Eex, musuqmaasaq, Beel jeclaysi, dhac iyo boob hanti dadweyne ayaa hadda u arka haddii ay arintan ka dhigaan Majeerteen is haya oo heshiinaya inay tahay fursad ay mar kale saaxadda siyaasadda ugu soo laaban karaan .
Dagaalkii Boosaaso ka dhacay ma ahayn dagaal beeleed, mana ahayn mid ay beel gaar ah ay ku dhibaatootay ama lagu barakiciyey ee waxa uu ahaa agaasime xilka laga qaaday oo diiday amarkiii madaxwynaha Puntland oo ay doorteen beelihii Puntland wada samaystay, sidaas awgeed waa sharci daro iyo dhiiro gelin caruurta kale ee Majeerteen ee hadda xilalka sadbursiga ku fadhiya inay aaminaan inaan xilka laga qaadi kari. Taliyaha Xilka laga qaaday oo ka soo jeeday beesha Cismaan Maxamuud, waxa lagu bedelay miid kale oo Cismaan Maxamuud ah oo markii Cumar Cabdirashiid Ra’isul wasaaraha ahaa uu u magcaabay Taliye Federaal ah.
Ugu danbayntii waa adag tahay in Puntland ay sii jirto haddii ay beel gaar ah ay sidan ugu afduuban tahay oo maanta la joogo in Magaalada Boosaaso loo burburiyo, dadkeediina loo Barakiciyo Xil labo wiil oo ilmo adeer ah laysku bedelay, halka wiilashii kale ee reer Puntland ay daawanayaan, siyiisiyiintii metalaysana ay marti isu arkaan
ALLSANAAG.COM
Hoos ka akhriso mashruuca la dagaalanka argagixisnimada musuqmaasaq uu ku bilowday ilaa hadda uu agaasimuhu diiday inuu xilka ka dego
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raaji’un! Allah u naxariisto Sheikh Mohamed Adam, oo ahaa Imaamkii Masaajidka Abu- Hureyra ee magaallada Columbus ee dalka Maraykanka oo la raadinayey, kana maqnaa gurigiisa labo cisho ayaa hadda maydkiisa la helay
“Markii uu soo laaban waayey, xaaskiisa ayaa wacday balse marna kama uusan jawaabin taleefonkiisa. Qof kasta wuxuu isku dayey inuu helo balse ma dhicin,” waxaa sidaas yiri Xasan Cumar oo ah guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio.https://c2cb363aff95778cbddd27288cd2d295.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html
Wixii markaas ka dambeeyey boqolaal ka mid ah Soomaalida Columbus ayaa waday olole lagu baadi-goobayo, oo dhamaman xaafadaha magaalada looga raadiyey.
Imaam Maxamed wuxuu sidoo kale ahaa aabe iyo ganacsade aad looga dhex jeclaa bulshada Soomaalida.
Sheikh Horsed Aynte, community activist and imam, asks the law enforcement to do their best find the murders of Sheikh Imam Mohamed Adam whose body was found this afternoon here in Columbus, after two days of missing. pic.twitter.com/Eqluo6PgLm
— Sahra Abdi (@SahraCabdi) December 24, 2021
Muslim Americans in shock following the reported murder of Imam Mohamed Hassan in Columbus, Ohio. The Council on American-Islamic Relations called for justice, offers $10K reward for info leading to arrest, conviction of anyone involved in the Imam’s death https://t.co/Q6J2jpL5gF
— Harun Maruf (@HarunMaruf) December 25, 2021
Boqor Burhan shalay wuxuu ahaa Qaran dumis maanta waa Boqorkaygii
Waa sidee xaaladda barakacayaashii ka yimi Bosaaso?