27th July 2024  admin  Category :

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raaji’un! Allah u naxariisto Sheikh Mohamed Adam, oo ahaa Imaamkii Masaajidka Abu- Hureyra ee magaallada Columbus ee dalka Maraykanka oo la raadinayey, kana maqnaa gurigiisa labo cisho ayaa hadda maydkiisa la helay

“Markii uu soo laaban waayey, xaaskiisa ayaa wacday balse marna kama uusan jawaabin taleefonkiisa. Qof kasta wuxuu isku dayey inuu helo balse ma dhicin,” waxaa sidaas yiri Xasan Cumar oo ah guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio.https://c2cb363aff95778cbddd27288cd2d295.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html

Wixii markaas ka dambeeyey boqolaal ka mid ah Soomaalida Columbus ayaa waday olole lagu baadi-goobayo, oo dhamaman xaafadaha magaalada looga raadiyey.

Imaam Maxamed wuxuu sidoo kale ahaa aabe iyo ganacsade aad looga dhex jeclaa bulshada Soomaalida.

Image
Image


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*