28th March 2024  admin  Category :

Dagaalkii Boosaaso ka dhacay mas’uuliyadeeda waxaa iska leh maamulka uu hoggaamiyo Siciid Deni. Cidii Ciidanka ka keentay illaa iyo gobolka Mudug, kuna soo daabushay xarunta PSF ee Boosaaso ayaa wixii khasaara ahaa ee meeshaas ka dhashay iska leh.

Hase ahaatee, waxaa ayaan daro ah in inta dad maato ah la xasuuqay, oo guryahoodii laga burburiyey in si sahlan uu madaxweeyne Deni uu u yiraahdo, “XALAY DHALAY HALAGA NOQDO WIXII DHACAY.”

Sidoo kale, dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dhalinyaradii ciidanka ahaa ee la geliyey dagaalka aan ujeedka laheyn in madaxweeyne Deni uu si fudud uu u yiraahdo “XALAY DHALEY HALAGA NOQDO WIXII DHACAY,” ayaa ah mid mas’uuliyad daro ah. Qofkee jecel in inta dadkiisii la laayey, hantidiisana la burburiyey, in si fudud loo yiraahdo horey uga socda, iska illoow wixii dadkaaga ku dhacay, wiilkaagii iyo gabadhaadii dameer baqtiyay waxba kama duwana ee dib ha u eegin?

Waa mas’uuliyad daro in xalay dhalay inta la yiraahdo dabadeena laga gudbo iyada oo aan khasaarahii meeshaas ka dhashay aan waxba la iska weeydiin. Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid Deni waa in ay bixisaa dadkii ku dhintay dagaalka MAGTOODA ha noqdo mid ciidan ah ama mid shacab ah, iyo hantidii shacabka looga burburiyey, waana in la bixiyaa kharashka dawadda ku baxaya ee dadkii ku dhaawacmay dagaalka micnadaradda ahaa.

Sidoo kale, dadka dadkooda ay kaga dhinteeyn, kuwii dadkoodii laga dhaawacay, iyo kuwii hanti burburka loo geeystay intaba waa in ay iyaguna isku yimaadaan oo is abaabulaan si xaqooda ay uga hellaan maamulka dagaalka sababtiisa lahaa.

Ugu danbeeyn, bulshada qeeybaheeda kala duwan iyo dhammaan jaaliyadda Puntland ee qurbaha waa in loo hawl galaa sidii dadkaa dhimashada, dhaawaca, hanti burburk uu soo garay ay u heli lahaayeen xaqooda, waana innaan la yeelin XALAY DHALAY IYO HALAGA GUDBO dadkaas xaqooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*