18th April 2024  admin  Category :

Shir ka dhici doona Badhan oo lagu casumay dhamaan dadka ka soo jeeda Beesha Warsangeli ee geeska Afrika

Aqoonyahan Xasan Hoori, oo ka mid ahaa saxiixayashii qoraalka hoose. Weliba, xilligaa isaga ayaa beeshu Maakhir u xil saaratay arrimaha siyaasadda.

Allah ha u naxariistii Gen Gaboyow ayaa ahaa Guddoomiyaha SPM. General Morgan waxa uu ahaa ku xigeenkuiisa, Xasan Hoorina wuxuu ahaa xooghaya guud ama ma’suulka sadexaad ee hogaanka jubbada hoose.

Xilliga beesha Warsangeli mid bay ahayd, Beelwaynta Cismaan Ibraahimna iyagaa loo daba fadhiyey talada.

Runtu, waxay tahay iyagaa waqti dhowna loo daba fariisan doonaa, weliba, Warsangeli, maanta waxa uu aad uga midaysan yahay sidii hore . waxayna si weyn uga muuqdaan geeska Afrika

Waxay ku leeyihiin Geeska Afrika:

RW, Guddoomiyaha Barlamaanka, dhowr wasiir iyo 17 xildhibaan ee dalka Djibouti, waxay ka soo jeedaan beesha

Madaxweynahayaasha Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed  iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland. Wasiirkii hore Gashaandhigga Ethiopia, haddana ah, Wasiirka Biyaha Eng. Caasha.

Wasiirka arrimaha Dibedda Eritrea, Mudane Osman Salah. RW Cali M, iyo hal safiir dalkaasi ku leeyihiin Khaliijka.

Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, wasiirada iyo baarlamaanada Beesha ee Federaalaka iyo maamul goboleedyada Soomaaliyeed.

Hadaba . anigoo ah Xasan Hoori, afhayeenka Suldaanka guud, waxaan idiin ku bishaaraynaya, dhowaan, Beelwaynta Warsangeli in ay soo ceshan doonto magacii, maamuuskii ,hogaamintii iyo haybaddii ay ku lahayd geeska Afrika.

Kismaayo kuwa ku yimid doolaalka iyo kuwa kabaha u sida dhakhso ayeey u banayn doonaan , waxayna noqon doontaa, runtii meel ay ka taliso Saldanadda beesha Cismaan Ibraahim

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*