Eeda Cidda Iska Leh waa la Yaqaanaa

Mushkiladda ka jirta dalka Soomaaliya waxaa sabab u ah maamul goboleedyada. Ma’ahan in lagu mashquulo Rooble iyo Farmaajo xurgufta ka dhex taagan, balse waa in la is weeydiiyaa dhibka meesha uu ka jiro.

Shacabka Soomaalieed waxeey sugayaan in la soo dhameeystiro doorashada aqalka hoose; hase ahaatee, doorashada soo dhameeystirkeeda waxeey ku xirantahay maamul goboleedyada dalka, kuwaas oo leh eeda oo dhan.

Maamul goboleedyada waxeey dalka ka abbuureen doorasho nooceeyda aan adduunka lagu arag oo ah in marba la soo tuuro 2, 3, 5, 7, 10 kursi, markii la joogo bil ayeey haddana soo tuurayaa kuraas kale.

Hadii cid la eedeenayo waa in la eedeeyaa maamulada ka jira dalka oo isku dayeya ineey doorashada musuqmaasuqaan iyo iyada oo maamulada madaxdooda ay noqdeeyn kuwo midba midka kale uu eeganayo. Ma’ahan in Farmaajo la iska eedeeyo habbeen iyo maalin, iyada oo aan aragno cidda ka mas’uulka in doorashada ay jiitanto.

Shaqsiyaad ayaad arkeeysaa inta idaacadaha ay soo fariistaan iska eedeenaya Farmaajo, iyada oo deegaanadii ay ka yimaadeen aan wax doorashaha ka socon. Sidee Farmaajo u eedeeneysaa adiga oo deegaankaagii aan haba yaraatee aan doorashadii aqalka hoose aanay kaba billaaban?

Tusaale, hadii la yiraahdo Farmaajo maamulada ku xiran sida Koonfur Galbeed, Hirshabeele iyo Galmudug ayaa doorashada jiidaya oo dhibka waa xagooda, maxeey Puntland iyo Jubaland u soo dhameeyn waayeen doorashada? Deni iyo Ahmed Madoobe ma eedeeyn karaan Farmaajo iyaga oo aan soo dhameeystirin kuraasta doorashada ee laga sugayey.

Hadaba dadku yeeysan noqon kuwo ay meel uun kaga dhagtay oo ah Farmaajo, Farmaajo, Farmaajo, balse waa in aan ballaarinaa meesha aan wax ka arkeeyno. Mushkilada dalka waa maamul goboleedyada hadii aaney iyaga soo dhameeystirin kuraasta baarlamaanka wax doorasha ah oo dalkan ka dhaceeysaa ma jirto.

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee la doortay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay xubnaha Xildhibaannada Golaha Shacabka ee maanta lagu doortay Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa u hambalyeeyey Xildhibaanadan la doortay ee kamid noqonaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaa uu kula dardaarmay ka shaqeeynta midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga shaqeeyn lahaa samatabixinta dalka.

Taliska NISA Oo Jawaab Ka Bixisay Xaalada Mukhtaar Roobow

Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ka soo jawaabay warbixiintii uu ka dalbaday Wasiirka Amniga ee ku saabsaneyd xaalada Mukhtaar Roobow.

Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ka soo jawaabay warbixiintii uu ka dalbaday Wasiirka Amniga ee ku saabsaneyd xaalada Mukhtaar Roobow

Warqad uu ku saxiixnaa Kusimaha Taliyaha NISA Yaasiin Farey ayaa lagu sheegay in xaalada caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, isla markaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogto ah ula socota xaaladiisa caafimaad, waa Arday dhigta Jaamacad heerka labaad ee Master Degree, xiriir joogtana la leh Macalimiintiisa

“Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, isla markaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa” ayaa lagu yiri Warka qoraalka.

taliska nisa oo jawaab ka bixisay xaalada mukhtaar roobow

Farmaajo Dariiqooyin ka Habboon ayuu Qaadi Karey

Ra’iisal Wasaare Rooble waxa lagu eedeeyey in uu dhul hanti qaran ah uu dhisanayo, waxa uu xilka ka qaaday guddigii khilaafaadka ee doorashooyinka isaga oo aan kala tashan cidina, sidoo kale waxa uu ku fashilmay in doorashada uu ku soo gebegebeeyo waqtigii loogu talagalay.

Iyadoo ay jirto waxyaabahaas oo idil oo uu ra’iisal wasaaraha sameeyey, ayaa hadana dad badan waxa u muuqatay falcelintii uu ka bixiyey Madaxweeyne Farmaajo ee uu shaqada ka joojiyey Ra’iisal Wasaare Rooble.

Rooble eedaha dhulboobka ah ee loo soo jeediyey marna iskuma dayin in uu iska beri yeelo, balse waxa uu isku caddeeyey inuu hanti shacab boobayey kadib markii uu saaxiibkiis Tiktok uu geeystay wasaaradda gaashaandhiga si aan loo ogaan ku tagrifalka hantida shacabka, waxa uuna billaabay in uu boorka isku qariyo iyo tollaayeen.

Hadaba, Farmaajo waxa uu u qaadi karey dariiqooyin ka wannaagsan mida uu qaaday, waxaana habbooneed in la tashiyo uu ka sameeyo arimaha ku aadan ra’iisal wasaare Rooble si aan madaxweeynaha loogu arag nin wax boobaya.

Mucaaradka halka beel u badan ee uu fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaan inaba soo hadal qaadin dhulboobka uu ku kacay ra’iisal wasaaraha, fashilka uu ku fashilmay doorashada qabashadeeda, waxa ayna waali ku tilmaameeyn oo kaliya tallaabadii uu qaaday Farmaajo.

Su’aasha taagan ayaa ah, hadii ra’iisal wasaaraha uu ku kaco boob iyo wax isdaba marin yaa la xisaabtamaya? Hadii la yiri hay’adihii kale oo dhan sharciyad malaha, ra’iisal wasaaraha oo kaliya ayaa dalka oo dhan sharciyad ku fadhiya, waxa uu qaribayo yaa ka joojinaya?

Si kastaba ha ahaato, dalka Soomaaliya waxa madaxweeyne ka ah Farmaajo, inta laga soo dooranayo madaxweeyne kale. Sidoo kale, baarlmaanka waa ay sii joogayaan inta kuwa cusub la soo dhameeystirayo. Maalmahaan waxaan maqleenay shaqsiyaad leh aqalka sare ayaa dalka sii wadi kara, sidee ayeey suurtagal ku tahay in hawsha dalka lagu wareejiyo aqalka sare iyadoo aqalka hoose uu meesha ka maqanyahay? Kuwa sidaa ku talinaya ayaa ah shaqsiyaad aan si hufan aan u fakirin.

Hadaba, waxaa loo baahanyahay in doorashada inta ka hartay la soo dhameeyo, dalkana uu aado dorasho degdeg ah si dalka uu u yeesho madaxweeyne cusub, loogana baxo is jiidjiidatka aan dhamaadka laheeyn ee dalka ka taagan.

QASWADAYAASHA SOOMAALIYA

Qoraal ka soo baxay xafiiska u qaabilsan arrimaha Afrika xukuumada Maraykanka ayaa lagu sheegay inay diyaar u yihiin inay tallaabo ka qaadaan kuwa carqalada ku ah nabada Soomaaliya.

“Maraykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya, isku dayga shaqada looga joojiyay Ra’iisul Wasaaraha waa wax laga naxo, waxaan taageereynaa dadaalkiisa doorashada oo lagu kalsoonaan karo. Dhammaan dhinacyadu waa inay ka waantoobaan ficillada iyo odhaahyada xanafta leh”ayaa lagu yiri qoraalkaka soo baxay dowlada Maraykanka.

Sidoo kale Safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa markale ku celisay baaqoodii ahaa in madaxda ay ka fogaadaan wax walba oo gacan ka hadal sababi kara.

Waxaana safaaradu ku celisay baaqeedii ahaa in la qabto kulanka Madasha Wadatashiga Qaran si loo dardargeliyo doorashada dalka.

Afhayeenka Farmaajo oo ka jawaabay eedeymihii ‘afgambi’ ee RW Rooble

Afhayeenka Farmaajo oo ka jawaabay eedeymihii ‘afgambi’ ee RW Rooble

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhaweyd ka jawaabay hadalkii Ra’isul Wasaare Rooble ee ahaa in madaxweynuhu sameeyay iskuday afgami, waxaana afhayeenka, ahna Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha Cabdirashiid Maxamed Hashi uu VOA siiyay wareysi la xiriira arrintan.

Wariyaha VOA ee Washington Nuur Bukhaari, ayaa ugu horreyn weydiiyay waxay uga jawaabayaan eedahaha RW Rooble ee ah in Farmaajo uu afgambi isku dayay.