29th March 2024  admin  Category :

Ra’iisal Wasaare Rooble waxa lagu eedeeyey in uu dhul hanti qaran ah uu dhisanayo, waxa uu xilka ka qaaday guddigii khilaafaadka ee doorashooyinka isaga oo aan kala tashan cidina, sidoo kale waxa uu ku fashilmay in doorashada uu ku soo gebegebeeyo waqtigii loogu talagalay.

Iyadoo ay jirto waxyaabahaas oo idil oo uu ra’iisal wasaaraha sameeyey, ayaa hadana dad badan waxa u muuqatay falcelintii uu ka bixiyey Madaxweeyne Farmaajo ee uu shaqada ka joojiyey Ra’iisal Wasaare Rooble.

Rooble eedaha dhulboobka ah ee loo soo jeediyey marna iskuma dayin in uu iska beri yeelo, balse waxa uu isku caddeeyey inuu hanti shacab boobayey kadib markii uu saaxiibkiis Tiktok uu geeystay wasaaradda gaashaandhiga si aan loo ogaan ku tagrifalka hantida shacabka, waxa uuna billaabay in uu boorka isku qariyo iyo tollaayeen.

Hadaba, Farmaajo waxa uu u qaadi karey dariiqooyin ka wannaagsan mida uu qaaday, waxaana habbooneed in la tashiyo uu ka sameeyo arimaha ku aadan ra’iisal wasaare Rooble si aan madaxweeynaha loogu arag nin wax boobaya.

Mucaaradka halka beel u badan ee uu fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaan inaba soo hadal qaadin dhulboobka uu ku kacay ra’iisal wasaaraha, fashilka uu ku fashilmay doorashada qabashadeeda, waxa ayna waali ku tilmaameeyn oo kaliya tallaabadii uu qaaday Farmaajo.

Su’aasha taagan ayaa ah, hadii ra’iisal wasaaraha uu ku kaco boob iyo wax isdaba marin yaa la xisaabtamaya? Hadii la yiri hay’adihii kale oo dhan sharciyad malaha, ra’iisal wasaaraha oo kaliya ayaa dalka oo dhan sharciyad ku fadhiya, waxa uu qaribayo yaa ka joojinaya?

Si kastaba ha ahaato, dalka Soomaaliya waxa madaxweeyne ka ah Farmaajo, inta laga soo dooranayo madaxweeyne kale. Sidoo kale, baarlmaanka waa ay sii joogayaan inta kuwa cusub la soo dhameeystirayo. Maalmahaan waxaan maqleenay shaqsiyaad leh aqalka sare ayaa dalka sii wadi kara, sidee ayeey suurtagal ku tahay in hawsha dalka lagu wareejiyo aqalka sare iyadoo aqalka hoose uu meesha ka maqanyahay? Kuwa sidaa ku talinaya ayaa ah shaqsiyaad aan si hufan aan u fakirin.

Hadaba, waxaa loo baahanyahay in doorashada inta ka hartay la soo dhameeyo, dalkana uu aado dorasho degdeg ah si dalka uu u yeesho madaxweeyne cusub, loogana baxo is jiidjiidatka aan dhamaadka laheeyn ee dalka ka taagan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*