29th March 2024  admin  Category :

Qoraal ka soo baxay xafiiska u qaabilsan arrimaha Afrika xukuumada Maraykanka ayaa lagu sheegay inay diyaar u yihiin inay tallaabo ka qaadaan kuwa carqalada ku ah nabada Soomaaliya.

“Maraykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya, isku dayga shaqada looga joojiyay Ra’iisul Wasaaraha waa wax laga naxo, waxaan taageereynaa dadaalkiisa doorashada oo lagu kalsoonaan karo. Dhammaan dhinacyadu waa inay ka waantoobaan ficillada iyo odhaahyada xanafta leh”ayaa lagu yiri qoraalkaka soo baxay dowlada Maraykanka.

Sidoo kale Safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa markale ku celisay baaqoodii ahaa in madaxda ay ka fogaadaan wax walba oo gacan ka hadal sababi kara.

Waxaana safaaradu ku celisay baaqeedii ahaa in la qabto kulanka Madasha Wadatashiga Qaran si loo dardargeliyo doorashada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*