MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGA WARBIXIYEY XAALADDIISA CAAFIMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGA WARBIXIYEY XAALADDIISA CAAFIMAAD

Muqdisho, Juun 29, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed farriin ku saabsan xaaladdiisa caafimaad, waxa uun uga mahad-celiyey ducada iyo dareenka ay u muujiyeen muddadii uu u hoggaansanaa habraaca iyo talooyinka bahda caafimaadka ee COVID-19.

May be an image of 2 people, people standing and outdoors

Madaxweynaha ayaa sheegay in baaritaannada caafimaad ee la xiriira COVID-19 ee laga qaaday ay muujinayaan in laga waayey, sidaas awgeedna uu dib u fariisan doono xafiiska, si uu u dardar geliyo shaqada qaranka. “Muddo 5 maalmood ah oo aan u hoggaansanaa habraacyada iyo talooyinka bahda caafimaadka ee la xiriira COVID-19, waxaan shalay iyo maantaba maray baaritaankii ugu danbeeyey, kaas oo natiijadiisu ay noqotay in la iga waayey COVID-19, sidaas awgeedna, waxaan dib ugu howlgalayaa xafiiska, si aan u sii dardar geliyo shaqadii qaran ee aad ii wakiilateyn.

”Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadaha todobaadka xorriyadda dalkeenna, waxa uuna ku boorriyey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samata-bixin lahaayeen dadkeenna dhibaateysan ee ay abaaruhu sameeyeen.

“Waxaan mar kale ugu hambalyeynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed todobaadka xorriyadda oo aynu ku guda jirno, anigoo ka codsanaya in ay is caawiyaan, si gaar ahna u xoojiyaan gacansiinta iyo taakuleynta dadkeenna ku dhibaateysan abaaraha.”Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre kalsoonida uu ka helay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo in uu la wareegay xilka Ra’iisul wasaarennimo, waxa ayna wadajir u kormeereyn Madaxtooyada qaranka, gaar ahaan qeybaha jimicsiga iyo beeraha.

Deni oo ka qayb kulan looga hadlay xaaladda Abaaraha

adaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir looga hadlay xaaladda Abaaraha oo ay ka qeybgaleen madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala Puntland.

Shirka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, sidoo kale waxaa ka qeybgalay Guddiga Abaaraha ee heer Wasiir iyo Hay’adaha Dowliga ah ee Puntland.

Kulankan ayaa ujeedkiisu yahay sidii dhakhso looga jawaabi lahaa xaaladda ka dhalatay abaarta, waxaa lagu soo bandhigay Warbixin ku saabsan xaaladda Abaaraha iyo saameynta ay geysteen iyo qorsheyaasha arrintaasi lagu wajahayo oo ay ugu horeyso sidii dhakhso loogu gurman lahaa dadka abaartu saameysay.

May be an image of 5 people and indoor
May be an image of 5 people and people sitting

Maxaad kala hadashaa Ina Kaahin?

Todobaad ka hor ayeey ahayd markii Cabdi weli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ay Nairobi kula kulmeen wafdi SNM ah uu hogaaminayey Faysal Dhurwaa.Maantana Xildhibaan ka soo jeeda gobolka Cayn ayaa waydiiyey Wasiirka ariimaha Gudaha Puntland Dhaban cad oo ka soo jeeda gobolka Mudug Su’ashan. “Adiga iyo Madaxda SNM ma wada hadashaan, maxaase ka wada hadashaan mar haddii jabhaddaasi dhib ku hayso gobolada Sanaag iyo Sool.

.Jawaabta Wasiirku ayaa noqotay jees jees, wuxuuna Tusaale uu u oo qaatay Nabadoon ka yimid Laascaanood , ujeedadiisuna waxay ahayd inuu Xildhibaanka iyo Beesha Dhulbahanteba jees jees ugu sheego in Isaaq Laascaanood haystaan. Arintan ayaa gef ah mana mudna in wasiirku sii ahaado Wasiirka ka mas’uulka ah ilaalinta xuduudaha Puntland

Boocame iyo Buraan miyaanay Soomaaliya ka mid ahayn

XIldhibaan ka hadlay Cunqabatayntii Farmaajo ku hayey gobolka Sanaag iyo beesha Warsangeli.

Xildhibaan Alimahdi Mohamed Elmi Qalato, oo laga soo doortay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, kana mid ah Xildhibaanada Cusub ayaa maanta Baarlamaanka Soomaaliya ka dhex waydiiyey markii ugu horaysay Sababtii Farmaajo iyo kooxdiisu ay uga cuna qabateeyeen gobolka Sanaag mashaariicda ay bixiyaan bulshada caalamka

May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 2 people, people sitting and indoor
May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 2 people, people sitting and people standing

Maxay Sweden iyo Finland ku qanciyeen Turkiga si ay ugu biiraan Nato?

Maxay Sweden iyo Finland ku qanciyeen Turkiga si ay ugu biiraan Nato?

Turkiga oo xubin ka ah Nato ayaa oggolaaday in uu Sweden iyo Finland ka taageero in ay ka mid noqdaan Gaashaanbuurta Nato.

Wuxuu markii hore ka soo horjeeday dalabka dalalka waqooyiga Yurub ee ah inay ku biiraan Nato.

Turkigu wuxuu ka carooday in ay martigeliyaan oo ay garab siiyaan dagaalyahannada Kurdiyiinta. balse Sweden iyo Finland kuma biiri karaan Nato iyagoo aan taageero ka helin Turkiga.

Ruushka ayaa si adag uga soo horjeeda in labadaas dal ay ku biiraan Nato, waxa ayna Moscow u aragtaa in barraalinta Nato ay halis ku tahay amnigooda.

Dagaalka uu Ruushku ku qadaay Ukraine ayaa daba socday isku dayga ay Kyiv ku raadinaysay in ay uga mid noqto isbahaysiga Reer Galbeedka.

Balse duullaanka Moscow ayaa saameyn liddi ku ah yeeshay, waxayna waddo cad u xaartay in labadan dal ay ku biiraan Nato.

Wasiir arrimo dibadeedyo ka kala socda saddex waddan ayaa soo saaray saameynta amni ee uu Turkigu ka walaacsan yahay.

Madaxa Gaashaanbuurta Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Sweden ay aqbashay in ay Turkiga kala shaqeyso dalabaadkeeda ku aaddan dagaalyahannada xagjirka ah.

Labada dal ayaa meesha ka saari doona xayiraadaha ku aaddan in ay hub ka iibiyaan Turkiga, sida uu sheegay.

Madaxweynaha Finland, Sauli Niinistö, ayaa sheegay in saddexda dal ay saxiixeen heshiiskooda ku aaddan in la kordhiyo in ay iska taageeraan wax kasta oo halis ku ah amniga dalalkaas.

Raysul wasaaraha Sweden Magdalena Andersson ayaa sheegay in ay tahay tallaabo muhiim u ah Nato.

Waddamada Nato

Xafiiska Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay ka heleen wixii ay ka doonayeen Sweden iyo Finland.

Labada dal oo Yurubta waqooyi ah ayaa shaaciyay rabitaankooda ku aaddan in ay Nato ku biiraan bishii May, iyagoo uga jawaabaya duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

Mr Stoltenberg ayaa soo jeediyay in howsha la dadajiyo, iyagoo durba shaaciyay saaxiibka ay ku leeyihiin Gaashaanbuurta Nato.

Balse, ma ahayn kiis iyadoo Turkiga oo ah xubin Nato ka mid ah uu labada dal ku eedeeyay in ay garabsiiyaan dagaalyahannada Kurdiyiinta, waxayna sheegeen in aysan dib u celinayn xubinnimadooda.

Laakiin, xubinnimada Nato waa in ay saxiixaan oo ay ogolaadaan dhamaan 30-ka xubnood.

BBC

Madaxweynaha Jubbaland oo kormeeray kaam ay ku noolyihiin barakacayaal

Madaxweynaha Jubbaland oo kormeeray kaam ay ku noolyihiin barakacayaal

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kormeeray xaafadda Danwadaagta ee Degmada Dhoobley halkaas oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah

Kormeerka Madaxweynaha ayaa daaranaa u kuurgelidda xaaladda ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah, wuxuuna qorshuhu yahay in hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo ay khusayso loo gudbiyo xaaladda dadkaan si looga jawaabo baahiyahooda.

Dadka ku nool xaafadda Danwadaagta ayaa isugu jira dadkii kasoo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo dad kale oo ku barakacay gudaha sida dadka ay saamaysay abaarta.

Dadkii ugu dambeeyey ee deegaanka soo gaaray ayaa kasoo barakacay tuulooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolada Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Ra’iisul Wasaarihii hore oo xilka ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusu

Ra’iisul Wasaarihii hore oo xilka ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusu

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka si rasmi ah ugu wareejiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamse Cabdi Barre, Waxaana laga sugayaa inuu soo dhiso Xukuumad cusub.

Munaasabada xilwareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheikh Aadan Madoobe iyo mas’uuliyin kale oo katirsan dowladda.

Deni oo kulan la qaatay Taliska Ciidanka Booliiska

Madaxweynaha dawladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay Taliska Ciidanka Booliska dawladda Puntland .

Kulanka waxaa ka qeybgalay wasiirka Amniga mudane Cabdisamad Gallan, Taliyaha Ciidanka Booliska mudane Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliye-xigeennada iyo qeybaha kala duwan ee Saraakiisha ciidanka Booliska.

May be an image of 9 people, people standing and indoor

Madaxweynaha ayaa warbixin amni iyo shaqada Booliska ee socota ka dhegaystay taliska ciidanka Booliska, wuxuu madaxweynuhu bogaadiyay sida ciidankeenna geesiyaasha ah ay har iyo habeenba ugu heellan yihiin sugidda amniga, isagoo faray in ay sii dardar geliyaan gudashada waajibkooda.

May be an image of 2 people
May be an image of 1 person, sitting, eyeglasses and indoor
May be an image of 14 people, people standing and indoor

G7 oo hirgelineysa mashruuc ay uga hortageyso kan Shiinaha oo ku kaacaya $600 oo Bilyan

G7 oo hirgelineysa mashruuc ay uga hortageyso kan Shiinaha oo ku kaacaya $600 oo Bilyan

Hoggaamiyayaasha waddamada horey uga maray dhaqaalaha ee G7 ayaa shalay ku dhowaaqay mashaariic ku kacaysa adduun dhan 600 bilyan oo dollar oo ah maalgashi iyo kaabayaasha dhaqaalaha dunida, waxaana ashaariicdaasi ka mid ah kuwo dhinaca tamarta ah oo laga hirgelinayo dalka Angola, iyo xarigga internetka xawaaraha dheereeya oo isku xiraya SIngaboor iyo Faransiiska balse sidoo kale maraya Masar iyo Geeska Afrika.

Warbixin ay wakaaladda wararka ee Reuters ka qortay mashruucan oo lagu magacaabo Iskaashiga Caalamiga ah ee Maalgashiga Kaabayaasha Dhaqaalaha waxaa inoo soo koobaya Jacfar Kuukaay, iyadoo ay raaci doonto falanqyn ku saabsan mashruucan oo Harun Macruf uu weydiiyey Cali Maxamuud Cismaan oo bartay xiriirka caalamiga ah, horumairnta iyo dhaqaalaha, oo haatanna ah la-taliye madaxbannaan ee arrimaha horumarinta iyo bani’aadminnimada.