
15th August 2022 admin Category :
Madaxweynaha dawladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay Taliska Ciidanka Booliska dawladda Puntland .
Kulanka waxaa ka qeybgalay wasiirka Amniga mudane Cabdisamad Gallan, Taliyaha Ciidanka Booliska mudane Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliye-xigeennada iyo qeybaha kala duwan ee Saraakiisha ciidanka Booliska.

Madaxweynaha ayaa warbixin amni iyo shaqada Booliska ee socota ka dhegaystay taliska ciidanka Booliska, wuxuu madaxweynuhu bogaadiyay sida ciidankeenna geesiyaasha ah ay har iyo habeenba ugu heellan yihiin sugidda amniga, isagoo faray in ay sii dardar geliyaan gudashada waajibkooda.



Ciidan amni laguma sheegi karo waa da u shaqeeya halba ninka meeshaas soo fariista. Haddii ay ciidan amni yihiin qabiilooyinka isku dagaalaya meel 50km Garowe bay wax ka waban lahaayeen.
Waa dad ku melmay siyaasadda haddii siyaasadda iyo isku melmaan eaxay arrinta aan kor xusay oo ah ” extending hand of power for power holders”