Hawlaha guddigaan qaban doonaan, ayaa waxa laf dhabar u ah tirakoobka hantida dowladda,soo celinta hantidda qaranka ee sifaha sharci daradda ah loo haysto iyo sidoo kale ka talo bixinta nidaaminta hantida qaran ee la soo celiyey
Calankii Soomaalida oo xaafadaha Ceerigaabo laga taagay
Xaafadaha ay magaalada Ceerigaabo ay ka degan yihiin beelaha Harti ayaa laga taagay Calanka Qaranka Soomaaliyeed, mar ay madaxda SNM ee magaaladaasi isku dayeen inay Marada ay gaarka beesha Isaaq u leeyihiin beesha Isaaq ay ka taagaan xaafadahaas
Maleeshiyaadka SNM oo hub culuso isticmaalaya ayaa toogasho ku dilay Allah ha u naxariistee C/qani Guuleed Caateeye oo ka soo jeeday Beesha Dhulbahante—Naallaye Axmed/Bihina Samatar.Labo qof oo kalena waa la dhaawaceen oo kala ah gabadh ka soo jeeda beesha Dhulbahante iyo wiil ka soo jeeda beesha Warsangeli
Qofkii labaad ayaa hadda la toogtay, weli ma ahayno magaciisa gadaal ayaan idiin ka sheegaynaa
Cumar iyo Ciise mid labo goor ayeey soo qabteen, Markii Ciise ayaa la rabaa in la keeno doorasho qof iyo cod ah,
Siyaasiyiinta reer Puntland ah oo ka soo jeeda beesha Ciise Maxamuud ee Majeerteen oo ay ka mid yihiin Qoyska reer Faroole, Cali Xoosh ,Shiddo, Xasan Abgaal iyo Axmed Cawad Ciise oo dhamaantood taageera Ururo diimeed dalka ka jira iyo kuwo Caalami ah sida wasiirkii hore arimaha dibadda Soomaaliya , ayaa dhamaantood waxay taageereen hadalkii Madaxweyne Xasan Culusoow ee ahaa inay Puntland burburayso, oo ay ku burburayso doorashada golaha degaanka ee dhowaan la qaban doono.
Siyaasiyiintan beesha Ciise Maxamuud, ayaa halkaa iyo hadalka madaxweyne Culusoow fursad ka helay, iyaga oo markii horeba ka caraysnaa in Beelaha ay walaalaha yihiin ee Cismaan Maxamuud iyo Cumar ay hogaanka Puntland mid labo goor u soo qabteen oo markii iyaga la soo gaaray doorasho la qabanayo.
Siyaasiyiinta ay beeshani ka soo jeedaan ayaa waxay degaan gobolka Nugaal, oo dhaqaalaha uu Caalamku siiyo Puntland ayna soo soo dhaafin Garoowe iyo nawaaxigeeda.
Siyaasiyiintan ayaa si ay uga qayb qaataan dimoqraadiyadda Puntland waxa lagu maslaxay inay noqdaan beesha Qura ee beelaha reer Puntland labo wasiir ku leh golaha wasiirada Puntland.
Siyaasiyiintan ayaa in badan waxay kaga daydeen beesha degta caasimadda Soomaaliya oo gaar isu siiyey caasimaddii qaranka, hase ahaatee waxayna u ogayn in 1998 markii Puntland la samaynayey aan cod loo qaadin halka ay noqonyso caasimadda Puntland, oo maanta bulshada intooda badan diyaar u yihiin inay u codeeyaan halka ay caasimad la wada leeyahay ay noqon doonto
Ugu danbayntii maanta magaalada Garowe, waxay khatar ugu jirtaa in xabbad lagu raali gelinayo Mooryaanta Muqdisho ay ka dhacdo si loo yiraahdo waa ka dignay doorashooyin la qabto . Axmed Cawad wuxuu ku doodayaa aniga oo reer Islaam ah oo Garowe degan sidee aanan ku heli karin hogaanka Puntland. Xasan Abgaal, isagu xoogaa shilimo ah ayuu soo qaatay, Bulshada Puntland intooda kale edeb daro ayeey ku tahay in jufo horay hogaanka Puntland u soo qabatay inay khal khal geliyaan amniga Puntland iyada Laascaanood gubanayso
Ahmadinejad – madaxweyne mayal adkaa, maantana shacabka basaska la raaca
Madaxweynihii hore ee Iran Mahmoud Ahmadinejad, ninkii hogaanka waddankaas hayey muddo 8 sano ah, wuxuu saaxadda siyaasadda ka maqnaa tan iyo markii uu xilka ka degey, wuxuuna dib ugu laabtay xirfadiisii macallinimada.
Muddadaas uma uusan dhaqmayn sida lagu yaqaanno madaxda dalalka saliidda qaniga ku ah ee carabta. Wuxuu ahaa nin dadka la raaca gaadiidka dadweynaha.
Muddadii 8da sano ahayd ee uu talada hayey waxaa Ahmadinejad lagu xusuustaa inuu iska diiday inuu mushaar ka qaato dawladda, wuxuuna ku noolaa mushaarka macallinimada.
Sidoo kale ma uusan danayn lacagta hawlgabnimada ay u qaataan madaxweynayaasha xilka ka dega. Wuxuu aad ugu qanacsan yahay macallinimada iyo waxa ka soo gala
Muddadii uu madaxweynaha ahaa wuxuu aad u jeclaa inuu ku noolaado gurigiisa gaarka u ah ee ay ku noolaayeen labada wiil iyo gabadha uu dhalay, hase yeeshee saraakiishiisa amniga ayaa ku khasbay sababo amaanka la xiriira dartood inuu ka guuro. Dayaaradaha marka uu raacayo ma jeclayn in kuraasta madaxweyneyaashu fariistaan uu fariisto.
Intii uu xilka hayey waxaa lagu xasuustaa inuu ku hanjabay in Iran ay “Israa’iil ka tiri doonto maabka”. Fasiraadda qaabka loo dhigay hadalkaas ayuu muran ka dhashay.
“Xoogageenu waxay awood u leeyihiin inay khasbaan ciddii soo duusha, oo ay gaarsiiyeen inay ka shalaayaan ficilladooda” ayuu yiri Ahmadinajad markii uu u hanjabayey Israa’iil.
Qoraalka sawirka,Israa’iil ayuu ugu hanjabay in ‘maabka laga saarayo’
Dadka mucaaradsan waxay ku dhaliilaan siyaasadihiisii dhaqaalaha ee gudaha iyo dibadda, iyo inuusan danayn jirin xuquuqda aadanaha.
Xilligii uu ahaa duqa magaalada Tehran wuxuu u tartamay abaal marinta duqa magaalo ee ugu fiican dunida, laakinse markii uu iska casilay xilkaas ayaa tartanka laga reebay isagoo soo gaaray wareegga 10ka qof ee ugu sarreeya.
Muddadii uu siyasadda ku jiray iyo intii uu ka mid ahaa hogaamiyayaasha ardayda waxaa aad loogu xusuustaa inuu ahaa nin aad u af adag oo aan hadalka la gabban.
Wuxuu samaystay bartiisa Twitter 2017, inkastoo uu muddo xayiraad ku hayey in Twitter laga isticmaalo Iran, wuxuuna ku xiran yahay bogagga shaqsiyaad ay ka mid yihiin laacibkii Arjantiin ee geeriyooday Diego Maradona, cayaartoyga kubadda kolayga ee Maraykanka LeBron James, madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro, iyo David Duke oo lagu xagliyo ururka faquuqa ku dhisan ee KKK.
Allah ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu wada aasay laba fannaan oo caan ahaa kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Saciid Kahliif Cali iyo Khadra Cumar Dhuulle.
Saciid ayaa isbuuc kahor ku geeriyooday Jarmalka, halka ay Khadra Cumar ay xalay ku dhimatay Muqdisho. Aaska labadan fannaan waxaa warbixin ku saabsan
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweeynaha u qaabilsan arrimaha Soogalootiga iyo xuquuqda Caruurta Ambaashatoor Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa Magaalada Stockholm ee Caasimadda Dalka Sweden uga qeeyb gashay shir looga hadlayey tagriibka oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Yurub.Shirka ayaa waxaa lagu falanqeeyey sida saameeynta isbedelka Cimiladu saameeyn ugu yeelatay qaababka tahriibka ee meelo kala duwan ee adduunka ah.
Kasoo qeeybgalayasha Shirka ayaa hoosta ka xariiqay sida aay muhiim u tahay in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda Socdaalka iyadoo weliba lagu cabbirayo aragti fog.
” Waxaa sharaf ii ah inaan aragtida Soomaaliya ee ku aadan Hijrada ama Tahriibka kusoo bandhigo shirkaan oo looga hadlayo xiriirka ka dhexeeya Masiibooyinka Cimilada & Xaalufka Deegaanka oo Midoowga Yurub soo qabanqaabiyey laguna qabtay Stockholm Sweden” ayeey tiri Maryan Yaasiin Xaaji.
Ambaashatoor Maryan Yaasiin ayaa shirka u gudbisay sida loogu baahanyahay hab-doowladeed loo dhanyahay kaasoo lagu hormariyo qaab-dhismeedka Sharciyada Qaran ee Hijrada iyo weliba Siyaasadaha ilaalinaya xuquuqda Caruurta iyo Soogalootiga iyadoo lala kaashanayo Heyadaha kala duwan ee ku shaqada leh arrimaha Socdaalka.
Bahda Allsanaag, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Cabdulaahi XaaJI Maxamuud oo galabta ku geeriyooday Magaalada Toronto ee dalka Canada.
Waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii UU ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah ka siiyo, Aammiin, Aammiin.
Golaha Xuquuqda ee QM oo fadhi degdeg ah ka yeeshay xaalada Sudan
GENEVA – Golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi degdeg ah ka yeeshay xaaladda bini’aadanimo ee dalka Sudan, iyaga oo meel mariyey qaraar lagu cambaaraynayo xaaladda xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalkaas laga geystay, wixii ka dambeeyey bishii October 25-keedii, sannadkii 2021, xilligaas oo milaterigu uu xukunka la wareegay iyo dagaaladii dhacay wixii ka dambeeyey April 15-keedii.
Qaraarkan oo ay taageereen 18 dal, halka ay ka horyimaadeen 14 dal, tirada ka aamustayna ay ahayd 15 ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka la qaaday inay ka dhasheen, dhimashada boqollaal rayid ah, iyo dhaawaca kumanaan kale, sidoo kalena waxaa sare u kacay heerka xadgudubyada jinsiga ah iyo kufsiga loo geysanayo haweenka, barakac baahsan iyo burbur loo geystay hantidii dadweynaha.
Si kasta oo ay tahayba, Xasan Shire, oo ah agaasimaha fulinta ee ururka difaacayaasha xuduuqda aadan
aha, ayaa sheegay in qaraarkani uu ka hooseeyo wixii laga doonayey, sida in la meelmariyo nidaam baadhiseed, debedda lagu soo dhigayo isla markaana lagula xisaabtamayo cidda ka masuulka ah dhibaatada loo geysanayo shacabka Sudan.
Madaxa golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa cambaareeyey inqilaabkii milateri ee dhacay sannadkii 2021, kaas oo ay hoggaaminayeen General Abdelfattah al-Burhan iyo taliyaha kale ee ay iska soo horjeedaan ee General Mohamed Hamdan Dagalo
Volker Türk ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Sudan inay meel mariyaan xabbad-joojin gundhigeedu yahay hawlaha bini’aadantinimada, si gargaarka bini’aadanimo loo gaadhsiiyo goobaha ay colaaduhu ka socdaan isla markaana loo ilaaliyo inaan la bililiqaysan sahayda gargaarka bini’aadanimo.
Aabihii dhalay wiilka 3 sano jirka ahaa ee xubinta taranka laga jaray oo la hadlay BBC
Booliska dowlad deegaanka Soomaalida ayaa xiray nin la sheegay in uu ku eedeysan yahay dhaawac loo geystay wiil yar oo carruur ah. Ninkan oo magaciisa iyo tilmaamihiisa gaarka ah la qariyay ayaa la qabtay kadib markii la weeraray wiil yar, kaas oo si xoog ah xubinta taranka lagaga jaray. Falkan ayaa ka dhacay degmada Danood ee gobolka Doolo.
Aabbaha dhalay wiilka oo la yiraahdo Maxamed Cabdullaahi Xaydh wuxuu BBC u sheegay in ninka falka gaystay uu yimid guriga xilli ay isaga iyo xaaskiisaba maqnaayeen.
“Guriga oo cidlo ah, oo aan aniga iyo wiilka hooyadii maqannahay ayuu qofkaas guriga yimid. Gabar yar oo 5 jir ah oo wiilka u qubaynaysay ayuu weydiiyey in aan joogo, markii ay u sheegtay in aan maqanahayna middi afweyn ayuu cunugga oo loo qubaynayey kaga jaray xiniinyaha” ayuu yiri Maxamed Cabdulaahi Xaydh.
“Mar labaad ayuu middida ka geliyey kellida. Xiidmihii iyo calooshii ayaa isa soo shubay. Anigu suuqa ayaan ka soo maqlay qaylo ka baxaysa guriga iyo dumar barooranaya” ayuu sii raaciyey.
Ninka weerarka gaystay oo iminka gacanta lagu hayo ayaa wiilka ka weeraray xiniinyaha iyo kellida. “Caloosha hadda waa lagu celiyey” sida uu sheegay aabaha wiilka Maxamed C/laahi Xaydh, wuxuuse sheegay in xaaladda wiilka oo saaka la soo gaarsiiyey magaalada Jigjiga ay hadda sii darsanayso.
“Xalay intii la so waday caafimaadkiisa wax baa iska beddelay sababo la xiriira safarka waddada, haddalka hadalkiisu wuu yara naaqusay, bidhaantiisuna way yara noqotay” ayuu yiri Xaydh.
Qof la tuhmay oo laga soo xiray tuulada Laandheer ayaa lagu hayaa saldhiga booliska ee degmada Danood. Boolisku saldhiga Danood ee koonfur berri ka xiga waxay sheegeen in wareysiyo iyo baaritaano hordhac ah oo la la yeeshay eedeysanaha in uu qirtay in uu geystay weerarka lagu waxyeeleeyay ilmaha yar. Qofka la tuhmay ee xiran ma leh qareen, ma na jiraan illo booliska ka madaxbanaan oo laga hubin karo xogta booliska.
Saraakiisha boolisku waxay sheegeen in weli ay wadaan baaritaan dheeraad ah, iyada oo kiiska iyo eedeysanahaba loo wareejinayo saldhiga booliska degmada Wardheer ee xarunta gobolka Doolo.
“Xalay intii la so waday caafimaadkiisa wax baa iska beddelay sababo la xiriira safarka waddada, haddalka hadalkiisu wuu yara naaqusay, bidhaantiisuna way yara noqotay” ayuu yiri Xaydh.
Qof la tuhmay oo laga soo xiray tuulada Laandheer ayaa lagu hayaa saldhiga booliska ee degmada Danood. Boolisku saldhiga Danood ee koonfur berri ka xiga waxay sheegeen in wareysiyo iyo baaritaano hordhac ah oo la la yeeshay eedeysanaha in uu qirtay in uu geystay weerarka lagu waxyeeleeyay ilmaha yar. Qofka la tuhmay ee xiran ma leh qareen, ma na jiraan illo booliska ka madaxbanaan oo laga hubin karo xogta booliska.
Saraakiisha boolisku waxay sheegeen in weli ay wadaan baaritaan dheeraad ah, iyada oo kiiska iyo eedeysanahaba loo wareejinayo saldhiga booliska degmada Wardheer ee xarunta gobolka Doolo.
Saraakiil boolis iyo dad si dhow ula socda kiiska waxay BBC u sheegeen in qofka la xiray uu sheegay in uu wiilka yar u weeraray si uu uga aarguto dhaawac hore oo wiilka aabehii u geystay ninka hadda wax dhaawacay. Xogtu waxay intaa ku dartay in aabeha wiilka dhaawaca ah uu horey xaniinyaha uga laaday ninka weerarka geystay, taas oo ninku sheegay in ay saameysay tarankiisa. Booliska degmada ma leh awood iyo farsamo lagu hubiyo fayoobida maskaxda ee dadka falalka noocan ah loo xiro.
Maxamed C/laahi Xaydh wuxuu dalabaday in ninkaas ciqaab sharciga waafaqsan la mariyo.
Abdiqafaar Xaange, Wasiir ku xigeenka Maaliyada DFS ahna Xildhibaan laga so doorto Puntland, abtina u ah Ilma Diyaano ayaa waraysi uu siiyey mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho wuxuu ku sheegay in Madaxweyne Xasan Culusoow uu ku sax san yahay Cunaqabataynta lagu hayo Puntland