7th May 2024  admin  Category :

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweeynaha u qaabilsan arrimaha Soogalootiga iyo xuquuqda Caruurta Ambaashatoor Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa  Magaalada Stockholm ee Caasimadda Dalka Sweden uga qeeyb gashay shir looga hadlayey tagriibka  oo ay soo  qabanqaabiyeen Midowga Yurub.Shirka ayaa waxaa lagu falanqeeyey sida saameeynta isbedelka Cimiladu saameeyn ugu yeelatay qaababka tahriibka ee meelo kala duwan ee adduunka ah.

Kasoo qeeybgalayasha Shirka ayaa hoosta ka xariiqay sida aay muhiim u tahay in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda Socdaalka iyadoo weliba lagu cabbirayo aragti fog.

” Waxaa sharaf ii ah inaan aragtida Soomaaliya ee ku aadan Hijrada ama Tahriibka kusoo bandhigo shirkaan oo looga hadlayo xiriirka ka dhexeeya Masiibooyinka Cimilada & Xaalufka Deegaanka  oo Midoowga Yurub soo qabanqaabiyey laguna qabtay Stockholm Sweden” ayeey tiri Maryan Yaasiin Xaaji.

Ambaashatoor Maryan Yaasiin ayaa shirka u gudbisay sida loogu baahanyahay hab-doowladeed loo dhanyahay kaasoo lagu hormariyo qaab-dhismeedka Sharciyada Qaran ee Hijrada iyo weliba Siyaasadaha   ilaalinaya xuquuqda Caruurta iyo Soogalootiga iyadoo lala kaashanayo Heyadaha kala duwan ee ku shaqada leh arrimaha Socdaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*