26th July 2024  admin  Category :

Ahmadinejad – madaxweyne mayal adkaa, maantana shacabka basaska la raaca

Madaxweynihii hore ee Iran Mahmoud Ahmadinejad, ninkii hogaanka waddankaas hayey muddo 8 sano ah, wuxuu saaxadda siyaasadda ka maqnaa tan iyo markii uu xilka ka degey, wuxuuna dib ugu laabtay xirfadiisii macallinimada.

Muddadaas uma uusan dhaqmayn sida lagu yaqaanno madaxda dalalka saliidda qaniga ku ah ee carabta. Wuxuu ahaa nin dadka la raaca gaadiidka dadweynaha.

Muddadii 8da sano ahayd ee uu talada hayey waxaa Ahmadinejad lagu xusuustaa inuu iska diiday inuu mushaar ka qaato dawladda, wuxuuna ku noolaa mushaarka macallinimada.

Sidoo kale ma uusan danayn lacagta hawlgabnimada ay u qaataan madaxweynayaasha xilka ka dega. Wuxuu aad ugu qanacsan yahay macallinimada iyo waxa ka soo gala

Muddadii uu madaxweynaha ahaa wuxuu aad u jeclaa inuu ku noolaado gurigiisa gaarka u ah ee ay ku noolaayeen labada wiil iyo gabadha uu dhalay, hase yeeshee saraakiishiisa amniga ayaa ku khasbay sababo amaanka la xiriira dartood inuu ka guuro. Dayaaradaha marka uu raacayo ma jeclayn in kuraasta madaxweyneyaashu fariistaan uu fariisto.

Intii uu xilka hayey waxaa lagu xasuustaa inuu ku hanjabay in Iran ay “Israa’iil ka tiri doonto maabka”. Fasiraadda qaabka loo dhigay hadalkaas ayuu muran ka dhashay.

“Xoogageenu waxay awood u leeyihiin inay khasbaan ciddii soo duusha, oo ay gaarsiiyeen inay ka shalaayaan ficilladooda” ayuu yiri Ahmadinajad markii uu u hanjabayey Israa’iil.

Israa'iil ayuu ugu hanjabay in 'maabka laga saarayo
Qoraalka sawirka,Israa’iil ayuu ugu hanjabay in ‘maabka laga saarayo’

Dadka mucaaradsan waxay ku dhaliilaan siyaasadihiisii dhaqaalaha ee gudaha iyo dibadda, iyo inuusan danayn jirin xuquuqda aadanaha.

Xilligii uu ahaa duqa magaalada Tehran wuxuu u tartamay abaal marinta duqa magaalo ee ugu fiican dunida, laakinse markii uu iska casilay xilkaas ayaa tartanka laga reebay isagoo soo gaaray wareegga 10ka qof ee ugu sarreeya.

Muddadii uu siyasadda ku jiray iyo intii uu ka mid ahaa hogaamiyayaasha ardayda waxaa aad loogu xusuustaa inuu ahaa nin aad u af adag oo aan hadalka la gabban.

Wuxuu samaystay bartiisa Twitter 2017, inkastoo uu muddo xayiraad ku hayey in Twitter laga isticmaalo Iran, wuxuuna ku xiran yahay bogagga shaqsiyaad ay ka mid yihiin laacibkii Arjantiin ee geeriyooday Diego Maradona, cayaartoyga kubadda kolayga ee Maraykanka LeBron James, madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro, iyo David Duke oo lagu xagliyo ururka faquuqa ku dhisan ee KKK.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*