Mahad Salaad muxuu Maraykanka ka doonay?

Talaadadii la soo dhaafay, ayuu agaasimaha hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, NISA, safar ugu amba baxay Washington, si uu ula kulmo saraakiisha sirdoonka Maraykanka CIA iyo tan dembi baarista ee FBI, oo uu casuumaad ka helay, sida uu noo sheegay sargaal ka tirsan Nabad-sugidda Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay wada hadlo ka yeesheen dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab ee hadda ka socda Soomaaliya. Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry André, oo BBC Somali la hadlay todobaadkaan ayaa sheegay in ay ciidmada Soomaaliya ka caawinayaan qalabka iyo qaadista weeraro dhinaca cirka ahba .

Laakiin taliyaha sirdoonka Soomaaliya ayaa ka doonaya hay’adaha sirdoonka gudaha iyo dibeda ee Mareykanka taageero intaa dhaafsan, oo dhanka xog-wadaagga iyo sirdoonka ah oo dhexmarta CIA iyo NISA.

“Dawladda Soomaaliya mararka qaar waxaa laga caawiyaa xogo ku saabsan waxa ka soo daga garoonka iyo dakadda Muqdisho. Xogta [gudaha dalka] waxay ka mid tahay waxyaabaha Maraykanku ka caawiyo Soomaaliya,” ayuu yiri sarkaalka NISA ee BBC da la hadlay.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa takadda magaalada Muqdisho lagu qabtay laba kunteenar oo siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa. Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in qalabkaas loo waday ururka al-Shabaab. Balse lama sheegin cidda iska lahayd ama ay ku socdeen konteenarada.

Sidoo kale xogaha ku saabsan dhaqdhaqaaqyada madaxda iyo ciidanka al-Shabaab ayaa ka mid ah waxyaabaha uu Maraykanka ka caawiyo sirdoonka Soomaaliya, inkasta oo ay jiraan hawlgallo bartilmaameedyo sare lahaa oo ay qayb ka ahaayeen sirdoonka Soomaaliya, sida duqayntii lagu dilay Cabdullaahi Nadiir, oo la sheegay inuu kamid ahaa, xubno loo badinayay in ay badali karaan hoggaanka al-Shabaab, sida uu noo sheegay sarkaalkan.

Sida ay Doorashada u Dhacday Maanta

Magaallooyin badan ayaa looga dareeray coddeeynta doorashada golaha deeggaanka ee Puntland, waxaana dadweeynaha ay ku jieen safaf dhaadheer si codkooda ay u dhiibtaan, dadkuna waxeey ahaayeen kuwo u dulqaadanya kulka qoraxda, roobka, dabeeysha iyo haraadka. Waxaa iyana cajiib ah inaad arkeeysa dad waayeel ah, kuwo aan socon karin oo la soo qaaday iyo kuwo carruuro dhashay sita.

Doorashada si Fiican Ayeey u Dhacday

Waxaa si habsami leh u socota doorashada golaha deeggaanka ee Puntland. Shacabka qeeybihiisa kalla duwan ayaa si farxad leh u dhiibanayey codadkooda, iyadoona dadka badankiisa aysan welligood arag meel lagu coddeenayo.

Dhinaca kalle, waxaa doorashadan si weeyn u soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed dhammaantood, waxeeyna u arkaan mid horseedi doonta isla xisaabtan iyo horumar. sidoo kale shacabku waxeey qabaan in mar haddii Puntland ay doorasho ka qabsoontay ay ka qabsoomi karto Hirshabeele, Galmudug, Jubaland, Koonfur Galbeed, Gobolka Banaadir iyo welliba tan federaalka ee lagu dooranayo madaxweeynaha.

Sidan wax ku heli maysaan!!!

Korneyl Xannaano oo kamid ah saraakiisha Sanaag iyo Sool kuna sugan furimaha dagaalka Laascaanood ayaa hadlay khilaafka ka taagan doorashada qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Nugaal

Korneylku wuxuu yidhi:

“Waxa aan canbaarayneynaa annaga oo ah saraakhiisa SSC-khaatumo, falka foosha xun ee isbaarada loogu dhigtay Garoowe Barnaamijka dimuqraadiyada Puntland, oo caawa keentay in dib loo dhigo doorashadii gollaha deegaanka Caasimadda Puntland.

Runtii waa arrin nasiib daro ah, oo aan aaminsanahay in laga soo abaabuley meelo ka baxsan Puntland sida Somaliland oo ay hubaal tahay in ay kooxdan isku daabanyihiin.

Haddaba Libaax nin ganay iyo nin galadayba og, shacabka SSC-khaatumona waxay yaqiinsanyihiin in weerarka gobolka sool iyo duulaanka Garoowe isku meel ka yimaadeen.

Waxaan bogaadineynaa barnaamijka dimuqraadiyada Puntland, Shacabka Puntland na waxaan u soo jeedin in ay codkooda dhiibtaan oo ay doortaan ciddii ay iyagu maslaxaddooda ka arkaan maadaama taladu maanta gacantooda ku jirto.

Ugu damayn raggan hortaagan barnaamijka dimuqraadiyada Puntland waxaan rabnaa in aan xasuusino in aysan Habkan iyo mid kaleba bulshada wax uga heli doonin.”

CAASIMAD LA WADA LEEYAHAY AYNU WADA RAADINO

Caasimaddaha maamul goboleedyada iyo midda heer fedearal ayaa waxa ku soo kordhay reero ka sheeganaya dadkii kale caasimaddii lawadda lahaa.

In badan waxaan maqalnay reer Muqdisho oo leh “Unnukaa iska leh Muqdisho” taas oo ah arrin aan u qalmin shacabka Soomaaliyeed. Muqdisho intii aan caasimadda laga dhigin sidee ayeey aheeyd? Waxaan filayaa in ay aheeyd goof maantana hadii aan caasimad laga dhigeeyn waxee la mid noqon laheeyd uun Xarardheere iyo Baraawe.

Muqdisho waxeey wax ku noqotay waa ummadda Soomaaliyeed, maantana haddii caasimadda laga qaado Muqdisho, cidda wax ku weeynaysa waa kuwa maanta ku haya “Unnukaa Muqdisho Iska leh.” Teeda kale, waa in ay oggaadaan kuwa sidaa u hadlaya in Soomaali aysan dhul la’aan haynin oo meel kasta la degi karo.

Waxaa markan soo raacay kooxda Aaran Jaan ee ka soo jeeda beesha Ciisa Maxamuud ee xaruntoodu tahay Garoowe.

Kooxdan ayaa Iyana waxeey shacabkii kale ee Puntland ku wareeriyeen “Unnukaa Garoowe iska leh” waana wax aan qaban shacabka Puntland, maantana waxeey maraysaa in ay yiraahdaan doorashadii Puntland oo dhan ayaan afduubanneenaa iyo isbaaraan u dhiganeeynaa madaxweene kasta oo Puntland yimaada. Marka shacabka Puntland waa in ay ka tashaddaan meeshii caasimadda laga dhigi lahaa si looga foggaado afduubka soo noqnoqday.

Hargeeysa waxaa iyana dadkii kale ka sheeganaya beesha Habar Awal oo habbeen iyo maalin ku haysa “Unnukaa Hargeeysa iska leh” hadalkaas ayaa ah mid ay dhibsadayn inta kale ee ka soo jeeda beesha Isaaq. Dadku Habar Awal umma iman Hargeeysa, balse waxeey magaaladaas u yimaadeen waa caasimadda ay tahay darteed.

Hadaba, si dadka sharaftooda loo illaaliyo, dhagahoodana uga nastaan Unnukaa iska leh, waxaa cad in loo baahan yahay isbeddel in lagu sammeeyo caasimadaha goboladda iyo midda heer federaalka. Waxaana habboon in caasimadda dawladda federaalka la beddello 30kii sannaba mar, midda maamul goboleedyadana la beddelo 15kii sannoba mar, taas oo dawo u noqon karta in reer gaar ah ay ku kibraan dadka kale.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Sharma el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Sharma el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa madasha shirka Sharma el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen xoojinta mashaariicda Bangiga uu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii uu gacan uga geysan lahaa barnaamijka horumarinta dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya ay waddo.

Dr Adesina ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay barnaamijka deyn cafinta, isaga oo sheegay in bangigu kor u qaadi doono taageerada uu siiyo mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya.

Mareykanka oo liiska madow ku daray xubno Al-Shabaab ah iyo shaqsiyaad ku xiran

Mareykanka oo liiska madow ku daray xubno Al-Shabaab ah iyo shaqsiyaad ku xira⁹

Dawladda Maraykanka ayaa manata liiska madaw ku dartay xubno kale oo ka mid ah ururka Al-Shabaab iyo shaqsiyaad xiriir la leh kooxda.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha liiska madaw lagu daray ay ka mid yihiin:

Maxamed Siidow oo Marayanku sheegeen inuu yahay amiir dhinaca maaliyadda ah oo ka tirsan ciidanka jabhadda ee al-Shabaab; Cali Yare oo la sheegay inuu yahay amiir kale oo dhinaca maaliyadda ah oo qaabilsan inuu canshuuraha al-Shabaab uga ururiyo tuukada Beledul Amiin ee gobolka Shabeellada Hoose; Maxamed Dauud Gabaane oo isna la sheegay inuu al-Shabaab mas’uul uga yahay hawlaha canshuuraha degmada Wanlaweyn.

Waxaa kale oo xubnaha uu Marayanku ku daray liiska madaw ku jira Suleiman Cabdi Daoud oo ah amiirka maaliyadda ee iyo amiirka degaanka Beledul Amiin, iyo kormeerka maxkamadda al-Shabaab ee ganaaxa ururisa.

Maxamed Cumar Maxamed ayaa isna la sheegay inuu yahay guddoomiyaha al-Shabaab ee Diinsoor, waxaana lagu eedeeyey inuu mas’uul ka yahay weeraro lagu qaaday rayidka.

Sidoo kale waxay dawladdu Maraykanku maanta sheegtay inay liiska madaxay ku dartay xubno kale oo ka mid ah al-Shabaab iyo hay’ado lagu eedeeyey inay ku xiran yihiin ururka. Dadka la bartilmaameedsaday waxaa ku jira 15 qof oo la sheegay inay fududeeyaan maaliyadda ururka, afar ka ganacsada dhuxusha sharcidarrada ah iyo toddoba hay’adood oo ku xiran.

Xubnahaas kalena waxaa ku jira Xasan Abshir Xuurow oo Marayanku sheegay inuu hoggaaminayye koox al-Shabaab lacagta uga ururiisay rayidka Kismaayo, Aadan Yusuf Saciid Ibrahim (Ibrahim) oo Marayanku sheegay inuu al-Shabaab hanti uga ururiyo Shabeella Hoose iyo Mumin Dheere (Dheere) iyo Mcaalin Burhaan oo Maraykanku shegay inay kala yihiin ku xigeenka amiirka degaanka Wayanta oo tirsan Shabeellada Hoose, iyo madaxa xisbada al-Shabaab ee isla degaankaas; iyo 14 qof oo kale oo iyagana lagu eedeeyey dhaqaale u ururin al-Shabaab iyo 9 ka ganacsiga dhuxusha, iyo shirkado.