27th July 2024  admin  Category :

Caasimaddaha maamul goboleedyada iyo midda heer fedearal ayaa waxa ku soo kordhay reero ka sheeganaya dadkii kale caasimaddii lawadda lahaa.

In badan waxaan maqalnay reer Muqdisho oo leh “Unnukaa iska leh Muqdisho” taas oo ah arrin aan u qalmin shacabka Soomaaliyeed. Muqdisho intii aan caasimadda laga dhigin sidee ayeey aheeyd? Waxaan filayaa in ay aheeyd goof maantana hadii aan caasimad laga dhigeeyn waxee la mid noqon laheeyd uun Xarardheere iyo Baraawe.

Muqdisho waxeey wax ku noqotay waa ummadda Soomaaliyeed, maantana haddii caasimadda laga qaado Muqdisho, cidda wax ku weeynaysa waa kuwa maanta ku haya “Unnukaa Muqdisho Iska leh.” Teeda kale, waa in ay oggaadaan kuwa sidaa u hadlaya in Soomaali aysan dhul la’aan haynin oo meel kasta la degi karo.

Waxaa markan soo raacay kooxda Aaran Jaan ee ka soo jeeda beesha Ciisa Maxamuud ee xaruntoodu tahay Garoowe.

Kooxdan ayaa Iyana waxeey shacabkii kale ee Puntland ku wareeriyeen “Unnukaa Garoowe iska leh” waana wax aan qaban shacabka Puntland, maantana waxeey maraysaa in ay yiraahdaan doorashadii Puntland oo dhan ayaan afduubanneenaa iyo isbaaraan u dhiganeeynaa madaxweene kasta oo Puntland yimaada. Marka shacabka Puntland waa in ay ka tashaddaan meeshii caasimadda laga dhigi lahaa si looga foggaado afduubka soo noqnoqday.

Hargeeysa waxaa iyana dadkii kale ka sheeganaya beesha Habar Awal oo habbeen iyo maalin ku haysa “Unnukaa Hargeeysa iska leh” hadalkaas ayaa ah mid ay dhibsadayn inta kale ee ka soo jeeda beesha Isaaq. Dadku Habar Awal umma iman Hargeeysa, balse waxeey magaaladaas u yimaadeen waa caasimadda ay tahay darteed.

Hadaba, si dadka sharaftooda loo illaaliyo, dhagahoodana uga nastaan Unnukaa iska leh, waxaa cad in loo baahan yahay isbeddel in lagu sammeeyo caasimadaha goboladda iyo midda heer federaalka. Waxaana habboon in caasimadda dawladda federaalka la beddello 30kii sannaba mar, midda maamul goboleedyadana la beddelo 15kii sannoba mar, taas oo dawo u noqon karta in reer gaar ah ay ku kibraan dadka kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*