27th July 2024  admin  Category :

Talaadadii la soo dhaafay, ayuu agaasimaha hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, NISA, safar ugu amba baxay Washington, si uu ula kulmo saraakiisha sirdoonka Maraykanka CIA iyo tan dembi baarista ee FBI, oo uu casuumaad ka helay, sida uu noo sheegay sargaal ka tirsan Nabad-sugidda Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay wada hadlo ka yeesheen dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab ee hadda ka socda Soomaaliya. Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry André, oo BBC Somali la hadlay todobaadkaan ayaa sheegay in ay ciidmada Soomaaliya ka caawinayaan qalabka iyo qaadista weeraro dhinaca cirka ahba .

Laakiin taliyaha sirdoonka Soomaaliya ayaa ka doonaya hay’adaha sirdoonka gudaha iyo dibeda ee Mareykanka taageero intaa dhaafsan, oo dhanka xog-wadaagga iyo sirdoonka ah oo dhexmarta CIA iyo NISA.

“Dawladda Soomaaliya mararka qaar waxaa laga caawiyaa xogo ku saabsan waxa ka soo daga garoonka iyo dakadda Muqdisho. Xogta [gudaha dalka] waxay ka mid tahay waxyaabaha Maraykanku ka caawiyo Soomaaliya,” ayuu yiri sarkaalka NISA ee BBC da la hadlay.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa takadda magaalada Muqdisho lagu qabtay laba kunteenar oo siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa. Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in qalabkaas loo waday ururka al-Shabaab. Balse lama sheegin cidda iska lahayd ama ay ku socdeen konteenarada.

Sidoo kale xogaha ku saabsan dhaqdhaqaaqyada madaxda iyo ciidanka al-Shabaab ayaa ka mid ah waxyaabaha uu Maraykanka ka caawiyo sirdoonka Soomaaliya, inkasta oo ay jiraan hawlgallo bartilmaameedyo sare lahaa oo ay qayb ka ahaayeen sirdoonka Soomaaliya, sida duqayntii lagu dilay Cabdullaahi Nadiir, oo la sheegay inuu kamid ahaa, xubno loo badinayay in ay badali karaan hoggaanka al-Shabaab, sida uu noo sheegay sarkaalkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*